wakhtilumin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtilumin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku tagri fal aminta lagu sameeyo oo lagu dhaafo wax aan dani ku jirin; ka faa'iidaysi la'aan xilliga la is dhaafiyo. Wakhtilumin waa cimri lumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqtilumin
-ta: (magac, dhedig, keli) waqtiga oo la isku dhaafiyo wax aan manaafacaad lahayn. Dh: waqtilumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggooyo
-da: (magac, dhedig, keli) hantaaqid iyo wakhtilumin cid wax sugaysay loo geysto. Dh: hagardaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqtilumis
m.l 1. Waqtiga oo aan laga faa'iidaysan. 2. Waxyaabo laysku maaweeliyo oo waqtiga laysku dhaafiyo, sida shax, turub iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqtilumis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waqtilumin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waqti lumin
to waste time
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiin
m.dh la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax bakhtiyay.
bakhtiin -ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigidda wax demay. Bakhtiista badan ka ilaaliya tiriigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nakhtiin
(fal) cashir aad horay u akhriday dib u dul mar oo ku noqo. Qur'aanka dhawr jeer nakhtiin. Dh: muraajacee.
nakhtiin -ka: (magac, lab, keli) arday Qur'aanka markii labaad dhigata. Wiilkaygii sannadkan buu nakhtiin yahay. L: horujeed.
nakhtiin -ka: (magac, lab, keli) dib u dulmaridda wax horay loo akhriyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticun
-ka: (magac, lab, keli) cunitaan aan waxba ka xaaraan ahayn. Bakhticun beerka xaydha leh bartay bilaasha laguma karo. Dh: boolicun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiijin
m.dh la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samayn. Wakhtiyayn baa wax soo saar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid aan waxba ka xaaraan ahayn, waxba ka caagganayn. Bakhticunid gobi ma geydo. Dh: boolicunid. bakhticunis -ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan iyo booli cunitaan. Dh: bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiqufid
m.dh la-mid: baqtiqufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticunitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhticunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhirmid
m.f.dh eeg akhiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriyin
-ta: (magac, dhedig, keli) aqriyidda wax hore loo qoray oo meel ku dhigan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiis
m.l la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiis
-ka: (magac, lab, keli) noole, wax bakhtiyay ka dhigiddiis. Bakhtiiska ayuu dalxawgu ku ba'as yahay. Li: noolayn.
bakhtiis -ka: (magac, lab, keli) wax shidan demintiis. Li: daaris, shidis. Li: demin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilin
m.dh la-mid: fashalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhicis ka dhigidda ama kharribidda qorshe la fulinayay inta aanu dhammaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimin
m.dh la-mid: kacdimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqtimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore loo sameeyay ku rogaalcelin; dib ugu noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod kabanka laga sameeyo inta aan teenbadu weli bilaaban, Dh: araar.
takhsiin-ta: (magac, dhedig, keli) afka cankiisa oo wax laga buuxsho, sida jaad oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhniin
-ka: (magac, lab, keli) wadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wariimin
-ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef caato ah oo laga quustay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhiilid
m.f.dh la-mid: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhiilid
-da: (magac, dhedig, keli) la waakasho oo cid wax u diidid. Siman baykhiilid laguma aqoone maxaa dhacay. Dh: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiiji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: baqtii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiquf
bakhtiquf¹: m.l la-mid: baqtiquf¹.
bakhtiquf²: f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: baqtiquf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiyid
m.dh la-mid: baqtiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.
bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilmid
m.dh la-mid: fashalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilmid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay, wax guuldarraystay noqosho. Dh: dhicisoobid, kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuurin
m.dh la-mid: maquurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makhuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiimin
m.f.dh eeg naqtiimi. la-mid: naqtiimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaamin
-ta: (magac, dheddig, keli) dhiil caano lagu lulayo, kodhe iyo wixii la mid ah, si aan xoog ahayn u walhin oo kolba dhinac u yara lulid. Dh: weedhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyee
(fal) jadwalee oo hawl kasta waqti iyo jaangoyn u samee. Wakhtiyee noloshaada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waqti-uun
(adv) sometime (sam taaym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhticune
-ha: (magac, lab, keli) qofka xaaraan iyo xalaal kala jeclayn; qofka aan waxba u aabboyeelin. Dh: xaraancune, booliquute.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtifuul
m.l la-mid: baqtifuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtifuul
-ka: (magac, lab, keli) daqsi waaweyn oo leh midab buluug ama cagaar ah, oo laga helo meelaha waxa qurmay yaalliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtihiig
-ga: (magac, lab, keli) ilmo hooyadii oo meyd ah naaskeeda jaqa. Dh: baqtihiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiijis
m.dh la-mid: baqtiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiisan
(tilmaame) wax aan noolayn; wax dhintay. Dibigu wuu bakhtiisan yahay.
bakhtiisan: (tilmaame) dab ama wax la mid ah oo aan shidnayn; dab iyo wax la mid oo densan ahaan. Dh: densan. Li: daaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtijiid
bakhtijiid¹: m.l la-mid: baqtijiid¹.
bakhtijiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: baqtijiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakhraamin
(Sakhraamin-ta)
Sakhraan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhraamin
m.f.dh eeg sakhraami. la-mid: sakhraamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhraamin
-ta: (magac, dhedig, keli) sakhraan ka dhigid; khamri cabsiin si maanku u doorsamo. Dh: maandoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhalusid
-da: (magac, dhedig, keli) mishin dil ah oo lagu fuliyo cid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiqalid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay middiyo la dhicid oo gawricid. Bakhtiqaliddu waa fal anshixumo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta cuniddeeda aan geed ugu gabban; qof caddaystay cunitaanka booliga. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin intii ba'as, bakhtiyahan xalaal neceb iyo booli-quutaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhallusid
m.f.dh eeg takhallus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakhtiyaysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl kasta nidaam iyo xilli u samaysasho oo nolosha jadwal ay ku socoto ku jaangoyn.