wajixumee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajixumee
(fal) cid kale waji aan wanaagsanayn ku qaabbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumee
(fal) cid kale waji aan wanaagsanayn ku qaabbil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajixumo
m.dh Ceeb weyn. Tusaale: “Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wajixumo
m.dh Ceeb weyn. Tusaale: Cali arrintii uu galay w. ayaa ka raacday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wajixumo
f. n., [compound] embarrassment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajixumo
-da: (magac, dhedig, keli) guddoon la'aan iyo wejicabuusnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wajixumo
de: embarrassment
initial: w
lx: wajixumo
pd: (/da)
ps: n0-f-cmp
key: wajixumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Qof hadallo aan munasaab u ahayn ku dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Qof hadallo aan munasaab u ahayn ku dhihid. m.f.dh, afxumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barixume
(Barixuma-ha)
Baraxume.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barixume
m.l la-mid: baraxume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barixume
m. n. shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barixume
-ha: (magac, lab, keli) eeg baraxume.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barixume
a: baraxume
de: shark sp.
lx: barixume
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: barixume
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax darxumo la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax darxumo la kulmid. m.f.dh, darxumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darxumee
v., [compound] mistreat someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darxumee
- darxumeeyey / darxumeysay: (v) make someone suffer; neglect (nig-lekt); abuse (ab-yuus); mistreat (rnis-tiriit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumee
(fal) bad dhibaato iyo silic. Dh: silci. Li: daryeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darxumee
de: mistreat s.o.
lx: darxumee
pd: (darxumeeyey)
ps: v2b=cmp
key: darxumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirxumee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) U j.: Weji aan furfurnayn iyo caro cid u muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirxumee
v. look unfriendly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirxumee
(fal) qof midabkiisa ku xumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirxumee
de: look unfriendly
lx: jirxumee
pd: (jirxumeeyey)
ps: v2b=intr
key: jirxumee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumi
da: (magac, dhedig, keli) guddoon la'aan iyo wejicabuusnimo. Dadka wejixumi lagu ma qaabilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wejixumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xajiimee
v. itch, cause itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimee
(fal) xajiin u yeel; xajiin ku reeb. Ha is xoqee xajiimee. Dh: xajiimey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xajiimee
de: itch, cause itching
initial: x
lx: xajiimee
pd: (xajiimeeyey)
ps: v2b=tr
key: xajiimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraxumee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid. m.f.dh, faraxumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxumee
v., [compound] abuse (a woman) sexually
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxumee
-yey: (v) 1. attack in a sexual way; molest (malast) 2.rape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumee
(fal) gabadh kufso. Dh: faraxumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxumee
de: abuse (a woman) sexually
lx: faraxumee
pd: (faraxumeeyey)
ps: v2b=cmp
key: faraxumee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajifurane
-ha: (magac, lab, keli) qof dabeecad fiican oo dhoollacaddayn badan; qof aan weji xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. la-mid: waaxyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. m.f.dh, waaxayn. la-mid: waaxyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaxee
v. quarter, divide into quarters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaxee
-yey / waaxeysay: (v) divide into shares
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxee
(fal) cad iyo wax la mid ah jarjar oo afar waaxood ka dhig. Waaxee neefka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaxee
de: quarter, divide into quarters
initial: w
lx: waaxee
pd: (waaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: waaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warmee
f.g2 la-mid: wareen².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warmee
v. spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmee
(fal) warmo la dhac oo ku warwareen. Nin aad dishay warmee ha is odhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warmee
de: spear
initial: w
lx: warmee
pd: (warmeeyey)
ps: v2b=tr
syn: wareen
key: warmee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askumee
(fal) meel deg oo ku noolow. Ifku waa dhixide meel kalaa la askumaayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid hadimo gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadimee
v. endanger, put in danger; deceive, mislead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimee
(fal) eeg hadimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadimee
de: endanger, put in danger; deceive, mislead
lx: hadimee
pd: (hadimeeyey)
ps: v2b=tr
key: hadimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Qado bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimee
(fal) qado cun; hadhimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) (muus.) Laxan u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) (muus.) Laxan u yeelid. m.f.dh, laxamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamee
(fal) eeg laxamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) la-mid: waaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxyee
(fal) cad iyo wax la mid ah, waaxo afar ah u kala jarjar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajiine
° (Wajiina-ha)
Xilliyada mid ka mid ah (ama wejiine).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajiine
m.l Xilli roob oo u dhexeeya bilaha nofembar iyo jannaayo oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari. la-mid: wejiine.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Wajiine
m. n. part of the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajiine
-ha: (magac, lab, keli) xilli roob oo u dhexeeya bilaha Nofembar iyo Jenawari uu oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari ee Soomaaliya.
wajiine -ha: (magac, lab, keli) xilli dabayleed qabow oo roob jirey kala kaxaysa. Wajiinaha ka guur baan lahaa wiil kalaa dhalane. Dh: wejiine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Wajiine
bw: Wejiine
cf: Jiilaal
de: part of the dry season
initial: w
lx: Wajiine
pd: (/ha)
ps: n-m-time
key: Wajiine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajitub
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajikaduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraxume
(Baraxuma-ha)
Libaax-badeed, kalluunka xagga xeebta u soo erya (ama barixume).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraxume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. la-mid: barixume.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraxume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Nooc libaaxbadeed ka mid ah oo xilliyada qaarkood u soo erya kalluunka badda xeebta. la-mid: barixume.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baraxume
m. n. shark species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraxume
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka, oo noocyada kale u soo erya dhanka xeebta. Dh: libaaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baraxume
a: barixume
de: shark sp.
lx: baraxume
pd: (/ha)
ps: n7-m, n6-m
key: baraxume
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid casiimo ku akhrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) U f.: hal la maalayo haaneedin. Tusaale: “Hashii baa Cali faarumeeyey”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faarumee
v. separate (a camel) from the herd for milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumee
(fal) eeg faarumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faarumee
de: separate (a camel) from the herd for milking
lx: faarumee
pd: (faarumeeyey)
ps: v2b=
key: faarumee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajiirey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka mid ah kuwa jiibta, jaanta iyo sacabka lagu dheelo waana ciyaar ragga iyo dumarka ka dhexeysa waxayna caan ku tahay gobolka Hiiraan iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimey
(fal) eeg xajiimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejiimee
(fal) xajiin u yeel. Xejiimee ha is cuncunee. Dh: xajiimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlixume
(tilmaame) qof garashadiisu aad u xun tahay. Li: caqlisame.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolxumee
-yey / foolxumaysay: (v) disfigure (dis fig er); deform (difoorm) ~ qaabdarree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumee
(fal) wax foolxun ka dhig oo aan aragtida ku fiicnayn. Dh: qoodhxumee. Li: qurxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruumee
f.g 2 (-meeyay, -meysay) Cid garruun la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garruumee
f.g 2 (-meeyay, -meysay) Cid garruun la dhicid. m.f.dh, garruumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhxumee
(fal) garaac oo jidhdil.
jidhxumee: (fal) cid aad necebtahay oo kuu timid, jidhka ka tus oo u muuji nacaybshaha.
jidhxumee: (fal) wajixumee oo caloosha iyo jidhkaba kadiid. Dh: wajidadab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixume
f.mg2 (-meeyay, -meysay) Cid ay ku qalbixumaato ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbixume
-ha: (magac, lab, keli) cid wax ay ku qalbixumaato ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warxungee
(Warxungee-ga)
1. Bahal jaadadka caarada ka mid ah; waa weyn yahay, midabkiisuna waa cas yahay sun aad u xunna waa lee yahay.
2. Qofka warka qaada oo dadka isku dira; basaas; jaasuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warxungee
m.l 1. Jaad ka mid ah jaadadka caarada oo waa weyn, sun aad u xun ayuuna leeyahay. 2. Diradiraale; basaas; gogle; jaajuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warxungee
m. n., [compound] large poisonous spider; trouble-maker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warxungee
-ga: (magac, lab, keli) qof warka xun qaada oo dadka u kala sheega oo isku dira. Warxungee wax ha ka dhagaysan. Dh: diradiraale, gogle.
warxungee-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ahl jaadadka caarada oo aad u wayn midabkiisuna waa casaan ama madow sun aad u xunna wuu. leeyahay. Qaniinyada warxungeega waa lagu dhintaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warxungee
de: large poisonous spider; [ext.] trouble-maker Lit: bearer of bad news
initial: w
lx: warxungee
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: warxungee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caloolxumo badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caloolxumo badid. m.f.dh, caloolxumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolxumee
v. sadden; make someone unsatisfied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolxumee
-yey / caloolxumaysay: (v) make someone sad; sadden (saaden)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolxumee
de: sadden; make s.o. unsatisfied
lx: caloolxumee
pd: (caloolxumeeyey)
ps: v2b=tr
key: caloolxumee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
niyad xumee
v. cause to feel bad, hurt someone's feelings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
niyad_xumee
de: cause to feel bad, hurt s.o.'s feelings See also: niyo xumow
lx: niyad xumee
pd: (xumeeyey)
ps: v2b=expr
key: niyad_xumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalbixumeyn
m.f.dh eeg qalbixumee.