wajiirey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajiirey
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka mid ah kuwa jiibta, jaanta iyo sacabka lagu dheelo waana ciyaar ragga iyo dumarka ka dhexeysa waxayna caan ku tahay gobolka Hiiraan iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejiirey
ciyaar ka mid ah kuwa jiibta, jaanta iyo sacabka lagu dheelo waana ciyaar rag iyo dumarba ka dhexeysa waxayna caan ku tahay gobolka Hiiraan iyo meelo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiire
-ha: (magac, lab, keli) waddada uu meere ama dayax maro marka uu wareegayo. Dayaxu majiire sugan ayuu maraa. Dh: falag; marrin.
majiire -ha: (magac, lab, keli) eeg jid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajiine
° (Wajiina-ha)
Xilliyada mid ka mid ah (ama wejiine).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajiine
m.l Xilli roob oo u dhexeeya bilaha nofembar iyo jannaayo oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari. la-mid: wejiine.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Wajiine
m. n. part of the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajiine
-ha: (magac, lab, keli) xilli roob oo u dhexeeya bilaha Nofembar iyo Jenawari uu oo roob ka da'o xeebaha Nugaal iyo Bari ee Soomaaliya.
wajiine -ha: (magac, lab, keli) xilli dabayleed qabow oo roob jirey kala kaxaysa. Wajiinaha ka guur baan lahaa wiil kalaa dhalane. Dh: wejiine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Wajiine
bw: Wejiine
cf: Jiilaal
de: part of the dry season
initial: w
lx: Wajiine
pd: (/ha)
ps: n-m-time
key: Wajiine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimey
(fal) eeg xajiimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xajiimeyn
(Xajiimeyn-ta)
Xajiin u yeelid, ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiimeyn
m.f.dh eeg xajiimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xajiin ku reebid. Xamakudu xajiimeyn way leedahay. Db: xajiimeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimeys
-ta: (magac, dhedig, keli) xajiin ku reebid xajiimeysan: (tilmaame) xajiini taabatay oo is cuncunaaya ah. Nin xajiimaysan ayaan arkay. Dh: kabxararsan, caaraysan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIICEY
Cadaba farinosa 01, Maerua sessiliflora 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiree
(fal) leexo oo ka weeco dhinacaad u jeedday, dib u noqod, dib u laabin qalloocan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majiir
(Majiir-ka)
1. Rogmad; weecad; leexad.
2. Jibaax; jiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiir
majiir¹: m.l la-mid: majiirid.
majiir²: m.l (-rro, m.dh) 1. Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo. 2. (-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
majiir³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majiir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. m.f.dh, majiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majiir
v. deviate, turn something forcibly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiir
(fal) wareeji oo dib u celi. Baabuurka soo majiir. Dh: melmel, gooladee, leexi, celi.
majiir-ka: (magac, lab, keli) nooc calool xanuunka ka mid ah oo caloosha in la maroojinayo la moodo xanuun darteed.
majiir -ka: (magac, lab, keli) leexasho degdeg ah oo dib loo noqdo. Dh: melmel, rogmad weecad, leexad.
majiir -ta: (magac, dhedig, keli) uskag ama daxal dul fuula middiyaha ilkaha iyo wixii la mid ah. Ilko majiir leh ayuu ku qaniinay. Dh: daxal, huuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majiir
de: deviate, turn s.t. forcibly
lx: majiir
nt: majiir (ka) [vn2-m]
pd: (majiiray)
ps: v1=tr
key: majiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajiin
m.l (-nno, m.dh) Caajiska qabowgu habeenkii jirka nafleyda geliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajiin
-ka: (magac, lab, keli) caajiska qabowgu habeenkii jidhka nafleyda geliyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WANIIR
(Wanir) N Corchorus depressus (L)C.Chr. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasiir
(Wasiir-ka)
1. Qof wasaarad u madax ah.
2. (Wasiir-ta) Waraso; ubad; dhal; ilmo; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasiir
wasiir¹: m.l (-rro, m.dh) Qof wasaarad u madax ah.
wasiir²: m.dh Ubad; dhal; carruur; ilmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasiir
m.l (-rro, m.dh) Qof wasaarad u madax ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasiir
m. n. minister
wasiir [feminine] n., [collective] children; descendants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasiir
-ka: (n) minister (minis-tar). Ex: Wasiirka Arrimaha Dibadda; the Minister of Foreign Affairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) ubad yaryar; Dh: dhal, carruur, ilmo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wasiir
وزیر
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayiir
-ka: (magac, lab, keli) ceel aan gudhin. Sida ceel wayiiraad kal hore nooga wabaxdeen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waziir
name-m secretary, minister
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariiley
-da: (magacwadareed) reeraha isla deggan ee adhiga oo keliya dhaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lajiide
(Lajiida-ha)
Geed aan weyneyn oo miro dhanaan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lajiide
m. n. small plant species, with sour berries
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lajiide
-ha: (magac, lab, keli) geed yar oo midho la dhanaansado leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lajiide
de: small plant sp., with sour berries
lx: lajiide
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: lajiide
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Calool xanuun dartii la rogrogmasho. Tusaale: “Caloosha baa i majiiranaysa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Calool xanuun dartii la rogrogmasho. Tusaale: Caloosha baa i majiiranaysa. m.f.dh, majiirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majiiro
v. give someone cramps, cause to have cramps
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majiiro
-majiirtay I majiiratay: (v) feel stomach pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiiro
(fal) calool xanuun caloosha la maroojinayo darteed la xanuunso oo la cabaad adoo is godaya ama is yugaya. Inyar majiiro inta dawada laguu diyaarinayo. Dh: mijiiro.
majiiro: (fal) adoo toos u socda dhan isku melmel oo u leexo. Kolkaad boosta booliska joogto bidix u majiiro. Dh: mijiiro, leexo, baydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majiiro
de: give s.o. cramps, cause to have cramps
lx: majiiro
pd: (majiirtay)
ps: v3b=tr
key: majiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiige
-ha: (magac, lab, keli) waddo cag ah oon gaaddiidu marin oo inta badan dadka lugaynayaa samaystaan. Wadiigo wadday ku geysaa waddana ceelbay ku geysaa. Dh: wadiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadiiqe
(Wadiiqa-ha)
Dhabbe yar oo ciriiryoon; (ama wadiiqo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadiiqe
m. n. narrow path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadiiqe
de: narrow path
initial: w
lx: wadiiqe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: wadiiqe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxarey
m.dh Ukunta shinnida iyo dhurdaha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waziira
name-f secretary, minister
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejiine
(Wejiina-ha)
Wajiine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejiine
m.l la-mid: wajiine.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Wejiine
m. n. part of the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejiine
-ha: (magac, lab, keli) xilli dabayleed qabow oo roob jirey kala kaxaysa. Wejiinaha ka guur baan lahaa wiil kalaa dhalane. Dh: wajiine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Wejiine
bw: Wajiine
cf: Jiilaal; musareen
de: part of the dry season
initial: w
lx: Wejiine
pd: (/ha)
ps: n-m-time
key: Wejiine
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xariire
name-m silk (cloth ~ fabric); bleed, doctor an eye disease by bleeding. Lit: purity. Syn: Xariir, Xariiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciiray
-da: (magac, dhedig, kali) qof lagu yaqaano fadhi xum oo laga naxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciiree
(fal) ceeb ku malki oo dusha ka saar. Dh: ceebee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirad
m.l la-mid: majiirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirad
-ka: (magac, lab, keli) leexaho oo dib u majiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg majiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waajiine
m. n. winter rains
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waajiine
de: winter rains
initial: w
lx: waajiine
pd: (/ha)
ps: n-m
key: waajiine
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wabiirad
(Wabiirad-ka)
(biyo, kd.) dhanaan ama biir leh, gaas ama wax kale oo ka dhex samaysmay aawadood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wabiirad
m. n., (mass n.): contaminated water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabiirad
-da: (magac, dhedig, keli) badhax ama isku dar ka kooban laba cunto iyo wax ka badan. Wabiirad ayaan cunay ka samaysan malab iyo kimis.
wabiirad -ka: (magac, lab, keli) badar iyo wixii la mid ah, khamiirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wabiirad
de: contaminated water
initial: w
lx: wabiirad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: wabiirad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasiir_1
bw: Arabic
de: minister
hm: 1
initial: w
lx: wasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: wasiir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasiir_2
cf: isir, sullan, walcan, waraso
de: children; descendants
hm: 2
initial: w
lx: wasiir
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
key: wasiir_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasiirka
(magac, lab, keli) qof wasaarad u madax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid wax ay ku xajiimooto marin ama taabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xajiimee
v. itch, cause itching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiimee
(fal) xajiin u yeel; xajiin ku reeb. Ha is xoqee xajiimee. Dh: xajiimey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xajiimee
de: itch, cause itching
initial: x
lx: xajiimee
pd: (xajiimeeyey)
ps: v2b=tr
key: xajiimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartireyn
m.f.dh eeg bartiree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) la-mid: faqiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirtee
(fal) mid ama kuwo sabool ah ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirsii
f.g 2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majiirsii
ditransitive v. make someone pass through something with force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirsii
(fal) leexsii oo dhan u weeci. Ciidanka naga majiirsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majiirsii
de: make s.o. pass through s.t. with force
lx: majiirsii
pd: (majiirsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: majiirsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qanjiirin
(Qanjiirin-ta)
Qandhuufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjiirin
m.f.dh eeg qanjiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saliideyn
(Saliideyn-ta)
1. Saliid ka dhigid.
2. Saliid marin, u yeelid, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideyn
m.f.dh eeg saliidee. la-mid: saliideys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saliideys
m.l la-mid: saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliideys
-ka: (magac, lab, keli) saliideyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wejigarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajixumee
(fal) cid kale waji aan wanaagsanayn ku qaabbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washiirri
(fal) farxad iyo raynrayn ku maag wax aad u muurmuursanaysay ood hantiday. Weligaaba ii washiirri anna waan kugu maqanahay.
washiirri-ga: (magac, lab, keli) qosolka iyo sawaxanka waraabuhu sameeyo kolkuu raq cunayo ama uu orgoonayo. Waraabaha washiirigiisaa la gartaa kolkuu neef dilo. Dh: wishiirri, qosol.
washiirri-ga: (magac, lab, keli) ci'da dhurwaaga.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wasiir-ka
ministre.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wasiir-ta
ancètres.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xajiimeysan
Xajiini gaartey, hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiimeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xajiin la mariyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xajiimeysan
der. [adjective] itchy, itching
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xajiimeysan
de: itchy, itching
initial: x
lx: xajiimeysan
pd: (xajiimeysnaa)
ps: adj-der
key: xajiimeysan