wajigabxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabxid
-da: (magac, dhedig, keli) khasoobid oo sharafdhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabxid
-da: (magac, dhedig, keli) khasoobid oo sharafdhicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wajigabax
-ka: (n) embarrassment (em-baaras-ment); feeling of shame ~ wajixumo, yax-yax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabax
-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wejigarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigabaxsan
(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wajigabaxsan ayaa soo noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajiibid
m.f.dh eeg ajiib². la-mid: ajiib¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajiibid
-da: (magac, dhedig, keli) aqbalidda baaq laguu jeediyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axgabid
(Axgabid-da)
Dacgabid; caal-qaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axgabid
m.f.dh eeg axgab². la-mid: axgab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axgabid
-da: (magac, dhedig, keli) caalqaadad; dacgabid; itaalgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabid
m.f.dh eeg cajab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) la yaabid: la cajebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajabid
(Jajabid-da)
Dhawr inood ama cad noqosho; burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajahid
m.dh la-mid: wejihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajahid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hortegid: foolkafool u qaabilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajaqid
m.f.dh eeg wajaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax waalan oo waqsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajihid
(Wajihid-da)
Kafool kafool uga hor tegid; wejiga siin; foodsaarid; qaabbilid; (ama wejihid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajihid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wajahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayigid
m.f.dh eeg wayig. la-mid: wayigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka wax la rabay in la qabto samayntiisa iska maanicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacgabid
(Dacgabid-da)
Itaalgabid; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacgabid
m.f.dh eeg dacgab². la-mid: dacgab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacgabid
vl. n., [compound] inattention, carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabid
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda oo yaraata ilaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabid, axgabid, hawlgabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacgabid
de: inattention, carelessness
lx: dacgabid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: dacgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaggabid
(Gaggabid-da)
Nabar laysku dhuftay ama wax kaloo lays gaarsiiyey, la wareerid, la dhicdhicid, la liicliicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabid
m.f.dh eeg gaggab². la-mid: gaggab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabid
-da: (magac, dhedig, keli) miyirka beelid. Dh: gaggab, wareerid.
gaggabid-da: (magac, dhedig, keli) nabar la isku dhuftay ama wax kaloo la is gaadhsiiyey, la wareerid oo la dhicdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabid
m.f.dh eeg hargab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabid
-da: (magac, dhedig, keli) duri qaadid; hargab yeelasho. Dh: duryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaaxid
m.f.dh eeg rigaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) burburin ku samayn; aad u jejebin oo abshax ka dhigid. Dh: jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabid
m.f.dh eeg waraab². la-mid: waraab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warqabid
m.f.dh eeg warqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin xogta ku saabsan hayn oo ka war qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wayrax ku jirid oo ilmo aad dhashay cadaw si xoog ah uga daaficid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalgabid
(Caalgabid-da)
Maaro iyo itaal waayid: quusasho; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgabid
m.f.dh eeg caalgab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) maaro iyo itaal loo waayo talo iyo arrin la hayay. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagabixid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada ay dhagaxdu u keento ciddiyaha xoolaha aan dhulka buuraleyda aqoon. Dh: cagaagid, cagabixid.
cagabixid -da: (magac, dhedig, keli) cagaag ku socosho darteed oo cagta inteeda cad ee hoose uu dubku googo'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgabid
m.f.dh eeg hawlgab². la-mid: hawlgebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hawlgab ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warraabid
-da: (magac, dhedig, keli) muddo dheer isqarin oo isnabid; faltan la'aan dhuumasho; dhaqdhaqaaqid la'aan ku jirid. Qof cabsoonayaa warraabid sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabax
-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto. Odayadii wejigabax ayay la soo noqdeen. Dh: yaxyax.
wejigabax -a: (magac, lab, keli) hongow meel wax laga rajaynayay lagu hongoobo. xafiiskii wejigabax ayaan kala soo noqday. Dh: hongow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigarad
m.l la-mid: wejigarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wajigarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejitubid
(Wejitubid-da)
Cid wejiga u xumayn; weji-macbuus iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejitubid
m.f.dh eeg wejitub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejitubid
-da: (magac, dhedig, keli) wejimacbuus iska dhigid; cid wejiga u xumayn u ururin o xumayn. Wejitubidda iska daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaangabid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo falcelis muruq iyo orod u baahan ka hadhid. Odaygu xaangabid uma dhawa. Dh: itaaldarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajicabuus
-ka: (magac, lab, keli) qof dabeecad xun oo wejigiisa laga cabsado; qof aan weji furnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajikaduud
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajicabuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajikaduudid
-da: (magac, dhedig, keli) haruuf iyo nacaybsho muujinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabaxsan
(tilmaame) khaso iyo bahdilaad qaba ah. Odayadii oo wejigabaxsan ayaa soo noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samatabixid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsida iyo halista ka nabadgelid; sabatabbaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibaysad
-ka: (magac, dhedig, keli) wax waajib ku saaran ka yeelasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waji-kaduud
-ay day: (v) frown (farown); scowl (iskaawl) frown as an expression of anger or disapproval
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajimacbuus
m.l.kh Qof dabci xun oo had iyo jeer in uu caraysan yahay la moodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]