wahwah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahwah
m.dh.sh.r Eyga cigiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wahwah
f. n. bark of a dog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahwah
(ereycodeed) lagu tusmeeyo ci'da eyda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wahwah
de: bark of a dog
initial: w
lx: wahwah
pd: (-da)
ps: n-f
key: wahwah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waahwaah
(ereydhawaaq) tusmeeya wax laga helo oo la jecleysto kolka la arko. Waahwaah! Waabad iga darrayd shaw!. Dh: waaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwadh
(ereycodeed) lagu tusmeeyo codka shuuradu marka ay karsamayso. Wadhwadha shuurada dhegayso. Dh: takhtakh.
wadhwadh-a: (magac, lab, keli) hadal aan murtid lahayn la iska qaylqaylyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahab
(Wahab-ka)
Qabow habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad.
2. Habbiso; culays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahab
m.l 1. Qabow qoyaan reeba oo habeenkii soo dhaca; dheel; nadwad. 2. Culays qof hurda fuula oo uu la kici waayo; habbiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wahab
m. n. chill and high humidity of the night
wahan m. n., [abstract] distress, anxiety, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahab
-ka: (magac, lab, keli) qabow habeenkii soo dhaca oo la iska dedo. Dh: dheel; nadwad.
wahab -ka: (magac, lab, keli) caajis ama culays. Wahab ayaa i saaran maalmahan oo inaan far dhaqaajiyo ma rabo. Dh: caajis Li: mirqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wahab
cf: dheel; nadwad
de: chill and high humidity of the night
initial: w
lx: wahab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: wahab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahan
(Wahan-ka)
Islahadal wax la dareensaday ka yimaada; caloolyow; murugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahan
wahan¹: m.l Welwel.
wahan²: f.mg1 (-hmay, -hantay; -hmi) Uurxumo iyo walaac dartii isla hadlid ama caloolyoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wahan
inch. v. be distressed, become worried ~ anxious, grieve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahan
-ka: (magac, lab, keli) isla hadal ka yimaad wax la dareensado oo shaki leh; caloolyow. Wahan baa ku dhaca lo'leey cawskii ka abaaday. Dh: murugo, walwal, walbahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wajah
f.g1 (-hay, -hday) la-mid: wejih.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajah
(fal) ka horteg: folkafool u qaabil. Cadawgaaga xoog ku wajah oo ha cabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahbah
(ereycodeed) tusmeeya hadalka faraha badan ee aan milgada lahayn. Bahbah baad haysaa, saaxiib!
bahbah -da: (magac, dhedig, keli) dad walaalo ah oo hooyooyin kala duwan ka soo kala jeeda; intii hooyo wada dhashay ba bah tahay. Maalintiina waa aabbo aabbo, habeenkiina waa bahbah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahgah
(ereycodeed) tusmeeya sanqadha qosol aad loo qoslo oo cod leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nahnah
-da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo dhaqdhaqaaq istusnimo ku jirto. Nahnahda dadka kala fadhiiso ku dheh nahaabka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wahaab
name-m giver
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wahaaj
name-m brilliant, shining
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahsad
m.l la-mid: wahsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahsad
-ka: (magac, lab, keli) wahsi iyo caajis ku jirid. Wahsadka badani waa xaniin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wahsan
fatigué.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaah
-a: (magac, lab, keli) xanuun madaxa laga fadhiisan waayo. Walaah baa awrki helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walwal
(Walwal-ka)
1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaadda; geyre.
2. () welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwal
walwal¹: m.dh 1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. la-mid: warwar¹, welwel¹, werwer¹.
walwal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid walbahaarid. la-mid: warwar², welwel², werwer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walwal
f.mg1 (-alay, -ashay) Cid walbahaarid. m.f.dh, walwalid. la-mid: warwar, welwel, werwer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walwal
m. n. cool breeze that blows in the evening
walwal m. n. anxiety, worry, preoccupation with a problem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walwal
-ka: (n) anxiety (eng-zaa-yati); worry (woori); uneasiness (an-iizi-nes); stress (ista-rees) ~ walaac, welwel.
welwel -ay / welweshay: (v) worry (woori); feel uneasy; be troubled; be concerned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwal
-ka: (magac, lab, keli) laydh qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaadda. Walwalku kolkuu maro, adhiga soo carraabiya. Dh: geydhe.
walwal -ka: (magac, lab, keli) walbahaar naftu dareento; wax dhacaya oo laga caloolyoobo. Dh: welwel, werwer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wannah
(ereydhawaaq) halhays ay dumarku marka ay isku hanjabayaan isticmaalaan. Nayaadaheen, wannah! Bal maxay i moodday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warrah
-a: (magac, lab, keli) daalka indhaha laga. daalo. Waan il warrahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warwar
(Warwar-ka)
Samayo dhuuban oo dhallinyaradu isku riddo oo gabbashada ku barato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwar
warwar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Samayo dhuudhuuban oo dhallintu isku riddo oo gabbashada ku barato. 2. Nooc waran oo dheer.
warwar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: walwal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warwar
m. n. blunt spear used for training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwar
(fal) murugoo oo walbahaar iyo caloolyow ku jir. Dh: welwel.
warwar -ka: (magac, lab, keli) samayo dhuudhdhuuban oo dhallintu isku aan'do oo gabbashada ku barato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warwar
cf: samayo
de: blunt spear used for training
initial: w
lx: warwar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: warwar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayway
(ereydhawaaq) dhiillo tilmaama oo dumarka iyo cid ay dhibi ku habsatayi ay ku celceliyaan. Wayway maxaa ku helay.
wayway: (fal) alaab badan gur oo meel kale ku daldal. Hadhuudhka uudka ka wayaway. Dh: daabul; gurbi; qaadqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahwahlee
(fal) eeg wahlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahsasho
(Wahsasha-da)
Wahsi iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahsasho
m.f.dh eeg wahso. la-mid: wahsad, wahsi¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wahsasho
-wahsashada: (n) procrastination (poro-karaas-ti-neey-shin); laziness (leeyzi-nes) ~ wahsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wahsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaash
-ka: (magac, lab, keli) geed timirta isku bah yihiin oo caleen balballaadhan leh. Dh: baar, geedbaar, geedqoonne.
bahaash -ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka baarka. Dh: qoonne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaadh
(fal) korka wax kaga tol, wax korka ka saar. Qardhaasta ku dahaadh idiin. Dh: dahaar, jaxaas, duhaar.
dahaadh -ka: (magac, lab, keli) wax, wax korka lagaga daboolo oo lagu rogo. Dh: dahaar, duhaadh.
dahaadh -ka: (magac, lab, keli) xuub yar oo wax uu ka sokeeyo oo aan si wanaagsan u qarinayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pathway
/paath wey/ (n) dariiq (jid) (siiba wadiiqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashwad
m.dh (-dyo, m.dh) Haan ka samaysan, harag, weyn oo biyaha lagu dhaansado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashwad
-da: (magac, lab, keli) haan ka samaysan, harag weyn oo biyaha lagu dhaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahwad
m.dh la-mid: shahwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shahwad
f. n., (mass n.): semen, sperm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shahwad
-da: (n) sperm (ispeerm); semen (sii-man) ~ mino, shahwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shahwad
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha laboodka ka soo baxa markay galmoodaan; hammiga dadka iyo xayawaanka ku abuuran; rabitaanka nafta oo dhan. Dh: shahwo, mani, xawo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shahwad
a: shahwo
bw: Arabic
de: semen, sperm
initial: s
lx: shahwad
pd: (/da)
ps: n1-f-mass
key: shahwad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarwadh
-ka: (magac, lab, keli) tamarbeelid; itaaldarrayn. Dh: daal. Li: firfricooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wah ku celcelin oo sida eyda u ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walawal
-ka: (magac, lab, keli) karidda iyo labarogmadka biyaha aad u kululaada. Biyuhu waa walawale ha ku guban. Dh: walanwal.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wallahi
Nom de Dieu! Grand Dieu!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwaal
f.g1 (-aalay, -aashay) la-mid: waldaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walwaal
v. carry something heavy (of two ~ more people)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaal
(fal) wax culus qaad adoo laallaadinaya. Kiintaalka qaad oo illaa aqalkii walwaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walwaal
bw: dandaami
de: carry s.t. heavy (of two ~ more people)
initial: w
lx: walwaal
pd: (walwaalay)
ps: v1=tr
see: waldaami
key: walwaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwali
f.g2 (-iyay, -isay) Qof murugayn. la-mid: warwari, welweli, werweri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walwali
f.g2 (-iyay, -isay) Qof murugayn. m.f.dh, walwalin. la-mid: warwari, welweli, werweri.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warhead
/woor-hedh/ (n) baaruudda hore ee xabbadda ama gantaalka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
warpath
/woor paath/ (n) kacsanaan (dagaal-rabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqash
-ka: (magac, lab, keli) haruur firidiisu dhimatay. Wargash lama iibgeeyo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warwaaq
name-m sky God's message or news
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: walwali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waswaas
(Waswaas-ka)
Shaki; islahadal; laballaabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waswaas
waswaas¹: m.l.kh Shaki; isla-hadal; laballaabow. la-mid: wiswis¹.
waswaas²: f.mg1 (-say, -stay) Qof wax uu samayn lahaa ka shakiyid. Tusaale: “Cali muufadii uu lahaa buu ka waswaasay”. la-mid: wiswis².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waswaas
waswaas¹: m.l.kh Shaki; isla-hadal; laballaabow. la-mid: wiswis.
waswaas²: f.mg1 (-say, -stay) Qof wax uu samayn lahaa ka shakiyid. Tusaale: Cali muufadii uu lahaa buu ka waswaasay. m.f.dh, waswaasid. la-mid: wiswis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waswaas
m. n. hesitation; suspicion
waswaas v. hesitate, be indecisive, hesitate; be suspicious (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waswaas
-ka: (n) doubt (dhaawt); hesitation (hisi-teey-shin); suspicion (sas-pi-shin); uncertainty (an-ser-tanti) ~ shaki, wiswis
waswaas -ay -tay: (v) have doubts; be uncertain; hesitate (hesi-teeyt); suspect (sas-pakt); distrust (dis-tarast); waver (weey-ver)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waswaas
-ka: (magac, lab, keli) shaki iyo buuqaan jirin oo maanka la geliyo dabadeed wax walba laga shikiyo. Nin uu waswaas hayo waalli waxba ma dooriyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wayward
/wey-wardh/ (adj) madax-adag (aan waxba-maqlayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashwad
(Xashwad-da)
(dooni, kd.) dalool ka samaysmay cad qori ama wax kale ah oo dhacay oo xoogga biyuhu jebsheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashwad
m.dh (-do, m.l) Dalool weyn oo ka dalooshama doon iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashwad
f. n. leak in a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashwad
-da: (magac, dhedig, keli) dalool ay biyo doonnida uga soo galaan. Dh: dalool.
xashwad -da: (magac, dhedig, keli) halbawle; meel halis ah. Kolkuu warka maqlay xashwaddaa go'day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashwad
de: leak in a ship
initial: x
lx: xashwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xashwad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhi
(fal) kala hadal; si cabsiyi ku jirto u hantaatac. Dh: wataatac.
wadhaadhi -ga: (magac, lab, keli) hadal is dhec yaac ah oo uu ku hadaaqo qof cabsanaya ama argagaxsani. Wadhaadhiga jooji oo calool adkaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhfasho
-da: (magac, dhedig, keli) lulan uu wax meel ka soo laalaadaa uu kolba dhan u walhado. Dh: walhasho.
wadhfasho-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u wareegid.
wadhfasho -da: (magac, dhedig, keli) xoog u lulmid oo kolba dhan u wareegid. Dh: walhasho.