wahmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahmid
m.f.dh eeg wahan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahmid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo cabsi aan xaqiiqo ahayn ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahmi
-ga: (magac, lab, keli) muuqaal aan xaqiiqo ahayn oo maanka la gashado oo inta badan cabsi ama walwal keen. Wahmiga iska saar oo is deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmid
m.f.dh eeg fahan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmid
-da: (n) the act or the fact of understanding or comprehending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u garasho. Dh: kassid, garad, weeleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahmid
m.f.dh eeg rahan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmid
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigid; rahaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sahan u tegid, meel sahan u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmi
m.l eeg ahmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmi
m. n. fat healthy animal; ready for slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahmi
-ga: (n) a livestock bred for commercial propose ~ jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmi
-ga: (magac, lab, keli) ishinka iyo adhiga shilis labkooda waaweyn. Dhawr neef oo ahmi ah baa la ii soo eryay. Ahminkaaga goortaad gaddaad imato daaskooda. Dh: jar, ahmin, ishkin. Li: hoome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmi
de: fat healthy animal; [ext.] ready for slaughter
lx: ahmi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ahmi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahmin
(Ahmin-ka)
Ishkinka iyo ariga shilis; jar; (ama ahmi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmin
m.l.u 1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. la-mid: ahmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmin
m. n. fat ~ well-fed animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ahmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmin
de: fat ~ well-fed animal
lx: ahmin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ahmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahid
m.f.dh eeg dah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel banaan yaaley, halkii uu ku habboonaa dhigid. Xashiishka waa layska dahaa.
dahid-da: (magac, dhedig, keli) qarin oo wax dahsoon ka dhigid. Dh: qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahmi
sahmi¹: m.l 1. la-mid: saami¹. 2. Habeen barkii.
sahmi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: sahami².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahmi
v. scout, explore, reconnoitre, survey (a possible campsite)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahmi
(fal) meel sahan u tag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahmi
a: sahami
de: scout, explore, reconnoitre, survey (a possible campsite)
initial: s
lx: sahmi
pd: (sahmiyey)
ps: v2a=intr
key: sahmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacid
-da: (magac, dhedig, keli) u dhawaaqid; u yeedhid. Waciddaada ma maqlayee u teg.
wacid-da: (magac, dhedig, keli) taleefan u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadid
(Wadid-da)
1. Wax nool (dad, xoolo) ama aan noolayn (markab, doon, baabuur, ...) meel ka kaxayn oo meel kale u kaxayn.
2. (°) wed u noqosho; dilid; melgid; (ama wedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadid
m.f.dh eeg wad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadid
-da: (n) the act of driving or leading ~ see [eeg] wad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxayn oo meel u jihayn.
wadid-da: (magac, dhedig, keli) markab, gaadhi, iyo wixii la mid ah kaxayn: dareewalin. Waxa jira meelo lagu barto wadida baabuurta. Li: joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahdi
-ga: (magac, lab, keli) geed aad u wayn oo hadh wanaagsan. Waxan seexannay geed qudhac ah oo wahdi ah.
wahdi -ga: (magac, lab, keli) meel firkisan oo haddana barwaaqo ah. Sac wanaagsanoo weyl watoo, kayn wahdiya jooga. Dh: gale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wahsi
(Wahsi-da)
Daal ama culays la iska dareemo oo aan hawl la qabtay ka iman, oo waxyaalo la qaban lahaa, la isaga daayo; daal-ka-cararid darteed, hawsha culays looga dhigto oo 'maaro uma haysid' laysu yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahsi
wahsi¹: m.l 1. Daal ka cararid darteed hawsha culays laga dhigo oo laga cagajiido. 2. la-mid: wahsasho.
wahsi²: m.l (fiisikis) Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wahsi
wahsi¹: m.l Daal ka cararid darteed hawsha culays laga dhigo oo laga cagajiido.
wahsi²: m.l (fiisikis) Astaan maatarku leeyahay, ee sababta in ay walaxi iska caabbido isbeddelka ku imaan kara xaaladdeeda socod ama negi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wahsi
Inertia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wahsi
f. n./m: laziness, being idle, lassitude, disinclination
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wahsi
-ga -da: (n) procrastination (poro-karaas-ti-neey-shin); laziness (leeyzi-nes)~ wahsasho, caajis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wahsi
Pigrizia
Laziness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wahsi
-ga: (magac, lab, keli) daal ama culays la iska dareemo oo aan hawl la qabtay ka iman oo waxyaalo la qaban lahaa la iskaga daayo daal ka cararid darteed. Dh: wahsasho.
wahsi -ga: (magac, lab, keli) astaanta maatar ay walaxi ku jirto waji nasasho ama kaynaan toosan illaa inta uu xoog debedda kaga imanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wahsi
de: laziness, being idle, lassitude, disinclination
initial: w
lx: wahsi
pd: (-da ~ -ga)
ps: n2-f/m
key: wahsi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wahsi
کسل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warid
(Warid-da)
Dhar ama wax la mid ah oo qoyan, meel qorrax ah ku kala bixin, ku engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warid
m.f.dh eeg war4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixin oo dhar ama wax la mid ah meel qorrax ah ku laydhin. Waridda dharka ani igu daa adna dheriga. Dh: warid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasid
m.f.dh eeg was.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasid
vl. n. sexual intercourse, act of having sex, making love
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasid
-da: (n) intercourse (inter-koos); sex (sakis); copulation (kapi-leey-shin); coitus (koo tes); sexual intercourse ~ wasmo, iskutag, galmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasid
-da: (magac, dhedig, keli) galmood samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasid
de: sexual intercourse, act of having sex, making love
initial: w
lx: wasid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayid
-da: (magac, dhedig, keli) xushmo u muujin; xushmayn; ixtiraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasmid
(Aasmid-da)
Xabaalmid; duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasmid
m.f.dh eeg aasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogmid; wax aasamay oo ciidi ku rogmatay noqosho. Ceelka aasmidda ka ilaaliya, dib looma qodi karayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmid
m.f.dh eeg baran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo badh noqosho. Joonyadda iyada oo buuxda qaad oo barmid ha ku qaadin. Dh: badhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagmid
m.f.dh eeg dagan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo wax dagan noqosho. Dagmidda iska jir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmid
m.f.dh eeg dalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddel sidii hore ka muuqaal xun. Gaajada ayaa xoolaha dalmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagmid
m.f.dh eeg fagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la fagtay noqod; kolba miiq u saarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmad
m.dh la-mid: fahmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahmad
f. n., [abstract] intelligence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmad
-da: (n) intellect (in tel lakt); mind (maayndh); mentality (mentaaliti); psyche
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmad
-da: (magac, dhedig, keli) garaadka ama kasidda wax lagu garto. Dh: fahmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fahmad
a: fahmo
bw: Arabic
de: intelligence
lx: fahmad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: fahmad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falmid
(Falmid-da)
1. Wax la falay oo kale, iyadoo aan la taaban, iska noqosho; falan; falow.
2. Is dacar-faalka, aad caloosha uga bixid; dooxmid badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falmid
m.f.dh eeg falan². la-mid: faalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falmid
-da: (magac, dhedig, keli) isdacarbixin ama isdacarfaalid. Falmidda iska jooji.
falmid-da: (magac, dhedig, keli) sixramid ama qof sixran noqosho. Dh: sixramid, falan, falow.
falmid -da: (magac, dhedig, keli) wax ku mormid; wax dood iyo muran ku salaysan garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabmid
m.f.dh eeg kaban².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kammid
Kamid (ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kammid
n. phr. one of...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kammid
de: one of... = ka + mid
lx: kammid
ps: np
key: kammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmid
m.f.dh eeg karan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la mid
n. phr., [expression] equal to ~ the same as something