wadne-wareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadne-wareen
m.l (daawo) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadnewareen
m.l (daaw.) Xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed. Astaamo: xanuun aad u xoog weyn oo lama filaan ah oo laga dareemo sida badan naaska bidixeed hoostisa, wuxuuna u fidi karaa xagga garabka, gacanta iyo luqunta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnawareen
-ka: (magac, lab, keli) xaalad cudureed ku timaada qayb ka mid ah muruqa wadnaha oo u dhimata dhiig la'an awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinjir-roor
m.l (-ro ..., m.l) (daawo) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjirawd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuusan xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibibka (stroke); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xinjirroor
m.l (-ro ..., m.l) (daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuusan xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibibka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-wareer
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbeedwareen
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga wajiinaha dhaxan qabow oo habeenkii dhacda. Dh: gabadano, yuun. Li: kaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhaq-dareen
m.l (daawo) Miiqaqo dareenwadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhaq-dareen
m.l (daaw.) Miiqaqo dareenwadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badmareen
m.l la-mid: badmar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badmareen
-ka -ta: (n) sailor (seey lar); seaman (sii man); mariner ~ badmaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg badmaax.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
badmareen
مَلاحٍ، بِحَّارٍ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docwareen
-ka: (magac, lab, keli) marka aad qof si gaadmo ah meel loogu galo ee sidaa lagu dilo. Jaamac waxaa lagu dilay docwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafwareen
f.g1 (-eemay, -eentay) la-mid: tafwareemo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafwareen
-ka: (magac, lab, keli) docwareemad iyo dhagrid. Tafwareen ayaa ku kala dhacay dadka dagaalka ku jira. Dh: dabaro, hiilinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwareeg
(fal) meel ku dul duur oo kolkaad mar wareegtaba haddana ku celi. Kuuska ku warwareeg.
warwareeg: (fal) socsoco adoon yool toos ah lahayn oo kolba meel iska mar. Warwareeg magaalada oo shaqo laadi.
warwareeg: (fal) kolba xaafad jaarka ah teg. Warwareeg oo kolba xaafad qoollaalli sidii ay malaggii galay.
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) duurduurid meel keliya kolba lagu wareego.
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) socod aan toos ahayn oo kolba dhinac loo baydho. Dalcadaha toos looma bexee warwareeg baa lagu fuulaa. Dh: duurduur, baydhbaydh
warwareeg -ga: (magac, lab, keli) socod aan yool haysan oo kolba meel la aado. Warwareeg baa ku daaliyee magaalada ka fadhiiso, Dh: meermeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhwadeen
-ka: (magac, lab, keli) qof hormood u ah ciidan ama hawl kale. Dh: horyaal, horseed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadne-roor
m.l (daawo) Garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiwareen
baqtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareeid.
baqtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) Baqtigowracid. la-mid: bakhtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiwareen
-ka: (magac, lab, keli) eeg baqtigawrac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadh-hayeen
-ka: (magac, lab, keli) qof hormood u ah dad ama hawl. Dh: garhayeen, hoggaamiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeniwareen
(Jeeniwareen-ka)
Cudur daran oo naaska hoostiisa ku dhaca; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeniwareen
m.l (daawo) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeniwareen
m.l (daaw.) Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeniwareen
m. n. pneumonia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeniwareen
-ka: (magac, lab, keli) cudur dabaylaad oo garabka hoostiisa ku dhaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeniwareen
de: pneumonia
lx: jeeniwareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jeeniwareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxwareer
m.l la-mid: madax-xanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxwareer
m. n., [compound] dizziness, giddiness, vertigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxwareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaxanuun.
madaxwareer -ka: (magac, lab, keli) xanuun juucjuuc ah oo dumarka ku dhaca bilaha ugu horreeya ee ay uuraystaan. Gabadha madaxwareer ayaa haya. Dh: wallac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxwareer
de: dizziness, giddiness, vertigo
lx: madaxwareer
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: madaxwareer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnedoorin
vl. n., [compound] heart transplant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnedoorin
de: heart transplant
initial: w
lx: wadnedoorin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: wadnedoorin
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WANLE-WALEH
(Wanle-wanle) May Sarcostemma andogense Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanafwareer
-ka: (magac, lab, keli) xanuun aad ah oo la dareemo xilliiga foosha. Dumarkuba xublada foosha way xanafwareeraane. Dh: laba boglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakhtiwareen
bakhtiwareen¹: m.l la-mid: baqtiwareen¹.
bakhtiwareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) la-mid: baqtiwareen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtiwareen
(fal) qof dhintay meydkiisa warmo gelgeli ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaac. Dh: baqtirwareen.
bakhtiwareen -ka: (magac, lab, keli) qof dhintay meydkiisa warmo gelgelin ama rasaas, dhagax iyo wax la mid ah ku garaacid. Bakhtiwareen bay sameeyeen kuwii meydka gawracay e.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbe tareen
(n) railway (reel-weey); railroad (reel-rowdh) ~ jid tareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-wareeg
m.l (-byo ..., m.dh) (c. fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dul wareeg
v. avoid, turn around obstacle ~ corner; ask leading ~ indirect questions; supervise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dul_wareeg
de: avoid, turn around obstacle ~ corner; [ext.] ask leading ~ indirect questions; [fig.] supervise
lx: ka dul wareeg
pd: (wareegay)
ps: v1=expr
key: ka_dul_wareeg
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QABLE-HAREERI
(Gablehareri) N Aizoon canariense L. Aizoaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saacad-wareeg
Clockwise
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DAREEN-WAREERIS
(Daren-woareres) N, C Maerua macrocarpa Chiov. Capparidaceae.