wadnafug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadnafug
(Wadnafug-ta)
Wadnaha oo si xoog badan u boodbooda, naxdin ama baqdin darteed; (ama wadnafow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnafug
m.l Cabsi aad u badan. la-mid: wadnafow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnafug
f. n. pounding of the heart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafug
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wadnafaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnafug
de: pounding of the heart
initial: w
lx: wadnafug
pd: (-ta)
ps: n-f
key: wadnafug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakati
(Sakati-da)
Baqdin yar; keyrkeyr; wadnafug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafaw
-ga: (magac, lab, keli) wadnaha oo naxdin ama baqdin darteed si xoog badan u boodbooda. Dh: wadnafow, wadnafug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnafow
m.dh la-mid: wadnafug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafow
-ga: (magac, lab, keli) eeg wadnafaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaful
-sha: (magac, dhedig, keli) geelu markuu fadhiisanayo lugta dambe halkeeda buuran ee uu dhulka dhigo ee xagasha ka sarraysa candhadana hareeraha kaga toosan. Lo'du waaful ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaag
(Wadaag-ga)
1. Lahaan dad badan ka dhexaysa ee aan qof gooni u sheeganayn.
2. Wax dad badan ka dhexeeya oo qofba kalkiisa wax ku qabsanayo ama haynayo ama loo dhiibayo.
3. Hab Soomaalidu caanaha u dhanto: inta layska soo horjeesto (haddii 2 qof la yahay) ama garangar loo fariisto (haddii la badan yahay) baa qofkii weelka caanaha ah loo dhiibaaba, inta kabbado isaguna kolkiisa kan midigta ka xiga u dhiibaa, dantuna waa si caanuhu (kolkay yar yihiin) u wada gaaraan oo aan loo kala bursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaag
wadaag¹: m.l Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaag²: f.g1 (-gay, -gtay) La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadaag
wadaag¹: m.l Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaag²: f.g1 (-gay, -gtay) La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho. m.f.dh, wadaagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadaag
m. n. sharing, holding in common, passing around
wadaag v. share something (with someone), hold communally
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadaag
-ay / tay / een / nay: (v) share (sheer)-, especially to share milk ~ la wadaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaag
(fal) cid kale wax la cun oo si mid ah ula qaybso. Walaalahaa qadada la wadaag.
wadaag -ga: (magac, lab, keli) wada cunka cunto ay wada cunaan laba qof iyo in ka badan oo kolka uu qof mar darsado ayuu fandhaalka ka kale u wareejiyaa isna kol ayuu darsan oo wuu isa sii dhaafin ilaa weelku dhammaanayo wadaagga caanuhuna waa sidaa. Wax wada wadaag ayaa lagu wada dhergaa.
wadaag -ga: (magac, lab, keli) wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn. Xukuumad wadaag ah ayaa la soo dhisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadhaf
m. n. sling, catapult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadhaf
-ka: (n) slingshot (isling-shat); sling (isling); catapult (kata-poolt) waraf, weref
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaf
-ka: (magac, lab, keli) xadhig leh laba laagood oo dhaadheer oo xadhko la isku tidcay ah iyo cag ballaadhan oo ka samaysan sar yar oo harag ah ama xadhko la isku falkiyay oo dhagaxa lagu tuuro beerahana shimbirta lagaga celiyo. Colka wadhaf ma lagu dayey. Dh: wanjaaf, wajaaf, wajaf, waraf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadhaf
de: sling, catapult
initial: w
lx: wadhaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: waraf {N < Arb}
key: wadhaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaag
(Wanaag-ga)
Wixii fiican oo waxtar leh; sami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaag
m.l Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wanaag
m.l Wixii fiican oo waxtar leh; samo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wanaag
fair conduct
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaag
m. n., [abstract] (adj.): goodness, kindness, mercy; good, excellent
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wanaag
name-f goodness, kindness, mercy; nice, excellent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaag
-ga: (n) goodness (guud-nes); cooperation (kowo-pareey-shiri); helpfulness (help-fuul-nes); rapport (ra-poor) ~ samaan, same
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wanaag
Buono
Good
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaag
-ga: (magac, lab, keli) wixii fiican oo waxtar leh. Wanaag kaama sugayee waxyeellada iga yaree. Dh: samaan, fiicni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaag
bw: fiican; waxtar
de: goodness, kindness, mercy; [atr.] good, excellent
initial: w
lx: wanaag
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs; n2a-m
syn: salaax, samaan ~ sami
key: wanaag
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wanaag
خَيْرٍ
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wadna-ha
cœur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnala'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof cabsi badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnala'
adj., [expression] cowardly, fearful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnala'
(tilmaame) fulay ah oo cabsi badan. Nin wadnala' wehel kuuma nogdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnala'
de: cowardly, fearful
initial: w
lx: wadnala'
pd: (wadnala'aa)
ps: adj-expr
key: wadnala'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuug
-ga: (magac, lab, keli) cunug naaska jaqa oo aan wali hooyadii ka go'in.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wadhaf-ka
fronde, lance-pierre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnabaab
(fal) wadnabbaab dareen, laqanyoo.
wadnabaab -ka: (magac, lab, keli) liidaanyo; laqanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnagabo
(fal) cid kale kadeed oo ku dhib hadal iyo jiidhjiidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaqabo
f.mg3 (-btay, -batay) 1. Cid wadnaha xanuunayaa ahaansho. 2. Qof wadnaqabad ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaroor
-ka: (magac, lab, keli) garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaawac halis ah qaba ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waldaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) (la ~) qof kale wax la qaadid oo dhinaca u qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus hareeraha qabasho oo wada qaadid. Kiintaal biro ah wandaafin baa lagu qaadaa. Dh: handaafin, wandaafis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandaafis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wandaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnajoogsi
-ga: (magac, lab, keli) joogsashada garaca wadnaha oo badanaa dhacda marka muruqyada bilaabaan inay si dhakhso badan u garaacaan dhiigna ayan soo saareyn (fibrilleshin) ama wadnahuba joosado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuun wadnaha ku dhaca oo inta badan ka yimaadda halbawlayaasha oo cilladaysta ama xidhma.