wadnafow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnafow
m.dh la-mid: wadnafug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafow
-ga: (magac, lab, keli) eeg wadnafaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafaw
-ga: (magac, lab, keli) wadnaha oo naxdin ama baqdin darteed si xoog badan u boodbooda. Dh: wadnafow, wadnafug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadnafug
(Wadnafug-ta)
Wadnaha oo si xoog badan u boodbooda, naxdin ama baqdin darteed; (ama wadnafow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnafug
m.l Cabsi aad u badan. la-mid: wadnafow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnafug
f. n. pounding of the heart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnafug
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wadnafaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnafug
de: pounding of the heart
initial: w
lx: wadnafug
pd: (-ta)
ps: n-f
key: wadnafug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnaroor
-ka: (magac, lab, keli) garaaca wadnaha oo ka bata qiyaastii caadiga ahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan). m.f.dh., aafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafow
(fal) aafo iyo ibtilo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafo
m.dh Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anafo
m.dh Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafo
-da: (magac, dhedig, keli) hanjebaad, godob iyo gef kibir dartii muujin. Inta daamankiisu is hayaan anafo daynwaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaw
-ga: (magac, lab, keli) geed buuralayda ka baxa oo xabagta fooxa oo kale leh oo udgoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku a.: arrin ku eedoobid (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafoo
(fal) godob iyo gef, kibir u samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badnaw
(fal) wax badan oo buuxa weligaa ahaw. Reeryahaw badnow waad na bariisee. Dh: bado. Li: yarrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax badan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badnow
inch. v. become many, be a lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badnow
(fal) eeg badnaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badnow
a: badnoow
de: become many, be a lot
lx: badnow
pd: (badnaaday)
ps: v3a=inch
key: badnow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaafow
nickname; name-m ready, prepared, willing, predisposed. Syn: Gaafan, Gaafane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladnaw
inch. v. get better; become healthy, be well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladnaw
(fal) fiicnaw oo sidii hore ka roonow. Xanuunka ka ladnaw horta kolkaa baad dhoofiye. Dh: wanaagsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladnaw
de: get better; become healthy, be well
lx: ladnaw
pd: (ladnaaday)
ps: v3a=inch
xe: He will be fine.
xv: ladnow
key: ladnaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafow
naafow¹: m.l Noqoshada nafley ay naafo noqoto. la-mid: naafoobid.
naafow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Naafo noqosho. la-mid: naafo³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Naafo noqosho. m.f.dh, naafoobid. la-mid: naafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafow
(fal) qof naafo ah oo addimada wax ka qaba ahaw. Naafow ha ku habaarin wiilka.
naafow-ga: (magac, lab, keli) qof naafo ah oo addimmada wax ka qaba noqosho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAASOW
(Wasow) S Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadhaf
m. n. sling, catapult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadhaf
-ka: (n) slingshot (isling-shat); sling (isling); catapult (kata-poolt) waraf, weref
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaf
-ka: (magac, lab, keli) xadhig leh laba laagood oo dhaadheer oo xadhko la isku tidcay ah iyo cag ballaadhan oo ka samaysan sar yar oo harag ah ama xadhko la isku falkiyay oo dhagaxa lagu tuuro beerahana shimbirta lagaga celiyo. Colka wadhaf ma lagu dayey. Dh: wanjaaf, wajaaf, wajaf, waraf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadhaf
de: sling, catapult
initial: w
lx: wadhaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: waraf {N < Arb}
key: wadhaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhfo
(fal) si xoog ah u wareeg oo u lulmo. Wadhfo sida marawaxadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waynaw
(fal) duco u dhiganta kor oo koboc. waynaw oo waayo joogjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafow
f.mg1 (-oobay, -owday) Baraf noqosho, aad u qaboobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafow
f.mg1 (-oobay, -owday) Baraf noqosho, aad u qaboobid. m.f.dh, barafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafow
(fal) fadhiiso oo jaamud noqo qabow awgii. Biyihii way barafoobeen.
barafow -ga: (magac, lab, keli) qabaw xoog ah oo dareeruhu adke isku rogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: cadcadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax danab leh noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax danab leh noqosho. m.f.dh, danaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabow
(fal) walax, qulqul danab yeelo.
danabow -ga: (magac, lab, keli) eeg danaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafo
m.dh Dulmi, gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafo
-da: (magac, dhedig, keli) hagardaamo ama balaayo. Dh: xumaan. Li: wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nadaafo
(Nadaafa-da)
Uskag iyo wasakh la'aan; nadiifnimo; hufnaan; (ama nadaafad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaafo
m.dh Uskag iyo wasakh la'aan. la-mid: nadaafad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nadaafo
m.dh Uskag iyo wasakh la'aan. la-mid: nadaafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadaafo
f. n., [abstract] cleanliness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadaafo
a: nadaafad (da) [n1-f-abs]
de: cleanliness
lx: nadaafo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: nadaafo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waantow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waantow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho. m.f.dh, waantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waantow
(fal) eeg waantaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddaco
v. farewell, take leave of someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaco
de: farewell, take leave of s.o.
initial: w
lx: waddaco
pd: (waddacday)
ps: v3b=tr
key: waddaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhato
-da: (magacwadareed) geddisley yaryar oo dariiqyada iyo aqallada hortooda badeecaddooda ku ballaaddhiya. Wadhato cashuur lagama qaado. Dh: saqasley; caashaqushi, warato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiifo
-da: (magac, dhedig. keli) shaqo dawladeed. Wadiifo aanad khibro u lahayn ha qaban. Dh: wadiifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakaafo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wagdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafo
-da: (magac, dhedig, keli) farxad la sameeyo oo neef la qalo intaan cunug dhashay loo wangalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax cadcad ah noqosho. la-mid: cadadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddarow
(Faddarow-ga)
Faddaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddarow
faddarow¹: m.l la-mid: faddaroobid.
faddarow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax, faddaro noqosho. m.f.dh, faddaroobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faddarow
vl. n. act of becoming dirty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddarow
(fal) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddow.
faddarow-ga: (magac, lab, keli) wax hore nadiif u ahaa, faddaaddo noqosho. Dh: faddaroobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faddarow
de: act of becoming dirty
lx: faddarow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: faddarow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madmadow
adj., pl. black, dark (ones)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadow
-ga: (magac, lab, keli) eeg madmadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madmadow
de: black, dark (ones)
lx: madmadow
pd: (Sg: madow)
ps: adj-pl
key: madmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadiifow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof nadiif noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: qatanow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax wadeecoobay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecow
-ga: (magac, lab, keli) xoolo ama wax kale, lumid ama dayacmid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wadna-ha
cœur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnala'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof cabsi badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnala'
adj., [expression] cowardly, fearful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnala'
(tilmaame) fulay ah oo cabsi badan. Nin wadnala' wehel kuuma nogdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnala'
de: cowardly, fearful
initial: w
lx: wadnala'
pd: (wadnala'aa)
ps: adj-expr
key: wadnala'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaahow
(Walaahow-ga)
Jahawareer: walaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaahow
walaahow¹: m.l Jahawareer; walaac.
walaahow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aan laga maarmin waxna aan tarayn dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaahow
m.l Jahawareer; walaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaahow
m. n., [abstract] uncertainty, indecision, disorientation, confusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaahow
(fal) jahawareer oo walaac ha ku helo.
walaahow -ga: (magac, lab, keli) jaahwareer iyo walaac.
walaahow -ga: (magac, lab, keli) meel ka soo quusashadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaahow
cf: jahawareer, walaac
de: uncertainty, indecision, disorientation, confusion
initial: w
lx: walaahow
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: walaahow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Walaalo noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Walaalo noqosho. m.f.dh, walaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabow
(Waraabow-ga)
Cudur xun oo lays qaadsiiyo (xagga isutegidda ragga iyo dumarka), layskana dhaxlo oo lala dhasho; xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daawo) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka “trepopnema pallidum” oo jirka ka gala meel dhawac ah.
waraabow³: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Waraabe noqosho. 2. Wax hilib badan cuna noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabow
waraabow¹: m.l Cudur xun oo laysku qaadsiiyo isu tegidda ragga iyo dumarka ama lala dhasho; xabbad.
waraabow²: m.l (daaw.) Cudur muddo dheer oo ka mid ah cudurrada galmada, waxaana keena baktiiriyuunka 'trepopnema pallidum' oo jirka ka gala meel dhawac ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabow
m. n., [collective] syphilis; rabies, hydrophobia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waraabow
-da: (n) syphilis (sifalas) ~ isfiilito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabow
(fal) waraabe noqosho ama dabeecadaha waraabaha yeelo.
waraabow-ga: (magac, lab, keli) cudur habdhiska taranka ku dhaca galmadana la isku qadsiiyo. Waraabow ayaa laga daaweeyey wiilka. Dh: xabbad, jabti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabow
de: syphilis; rabies, hydrophobia
initial: w
lx: waraabow
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
syn: bajo, isfiilito, xabbad
key: waraabow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddanoow
inch. v. be due; fall on a certain day; be aligned with; be directed toward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddanoow
de: be due; fall on a certain day; be aligned with; be directed toward
lx: aaddanoow
pd: (aaddanaaday)
ps: v3a=inch
key: aaddanoow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bannaanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Meel aan geedo iyo dhis midna lahayn; dhul siman oo aan geedo iyo buuro iyo boholo midna lahayn; ban. 2. Wax xalaal ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanow
(fal) meel furan oo la mari karo ama laga bixi karo ahaw. Dh: furnow.
bannaanow -ga: (magac, lab, keli) wax xalaal ah ama sharci ahaw.