wadki'arag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadki'arag
(Wadki'arag-ga)
Wedki'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadki'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wadki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wedki'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) eeg wadki-arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadki-arag
m.l Cantalyaa, coomaadi. la-mid: wedki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadki-arag
m. n., [compound] bird species, said to be in a state of fear at all times
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedki'arag
(Wedki'arag-ga)
Shinbir la moodo inuu weligi naxsan yahay; (ama wadki'arag).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wedki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wadki'arag.
wedkii'arag -ga: (magac, lab, keli) shimbir la moodo inuu weligii naxsan yahay; wadkii'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedki-arag
m.l la-mid: wadki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wedki-arag
m. n., [compound] bird species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wedki
a: wadki-arag
de: bird sp.
initial: w
lx: wedki
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
key: wedki
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaya'arag
(Waaya'arag-ga)
Aqoon laga helo wixii hor loo soo qabtay ama loo soo arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaya'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof wax bandan u soo joogay garaad iyo aqoonna leh. Qof waayo-arag ah wax looma tilmaamo. Dh: indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayo'arag
(tilmaame) eeg waaya'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadka'adag
-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.
haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waditaan
-ka: (magac, lab, keli) kaxayn; wadniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax wadhid; wadhniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
wadiiqada
lane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajigarad
-ka: (magac, lab, keli) garasho iyo qaraabo wax ku bixin. Dh: wejigarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakalarog
-ga: (magac, lab, keli) marrinhabaw cid ku dhaca oo jidka saxda ah ka weecdaan. Wakalorog baa mujaahidiintii ku dhacay. Dh: asqaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhibarad
m.l Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fadhibarad
m.l Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhibarad
-ka: (magac, lab, keli) marka ilmuhu dhashay baranayo sida dabada loogu fadhiisto. Fadhibaradka maansada markaan farafaraynaayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-arag
m. n.,abs. experience; expert, experienced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaya-arag
-ah: (adj) experienced (ikis-pirii-yansid); skilled (iskil-idh); expert (ekis-peert); veteran (vee-taran)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waaya-arag
خبرَة، تَجْرِبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-arag
m.l.kh la-mid: waaya-arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaaran
(tilmaame) eeg badhikintaalan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Banki Qaran
Banca Nazionale
National Bank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhifaras
-ka: (magac, lab, keli) sagxad inta badan hagoogan oo labo taayir ama in ka badan leh oo uu faras ama in ka badani jiidaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadka-adag
f. n. hawk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadkacarar
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee wax walba ka carara, haadna ha noqotee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbi'adayg
-ga: (magac, lab, keli) naxariisdarro iyo niyad adkaan cidba loo naxariisan. Ragga qalbi'adaygga ayaan kaga yaabay. Li: qalbijilayc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiiqaysan
(tilmaame) dawyo cag ah oo dadku maraan leh.