waddo-halaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-halaq
m.l Waddada ay maraan xamaaratadu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddahalaq
-a: (magac, lab, keli) waddada ay maraan xamaaratada iyo bahaluhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-dhaan
m.dh Dhabbaha dhaanku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddadhaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabbaha dhaanku maro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wada-hadlay
wadahadleen: (v) discuss (dis-kas)-, have a discussion; talk over; communicate (kom-yuni-keeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhalaw
-ga: (magac, lab, keli) cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo afka hareerihiisa huruuruc iyo finan ka soo dareeriya. Kolkaa, xooluhu dhareer badan bay yeeshaan, waxna ma cuni karaan. Dh: cabeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalan
baddalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: beddelan¹.
baddalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: beddelan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baddalan
der. [adjective] changed, different, substituted, transformed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baddalan
-baddalnaa / baddalnayd: (adj) changed (jan-jidh); transformed (taraanis-foormidh); different (dif-rent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalan
(tilmaame) sidii lagu ogaa si ka duwan ah, doorsan oon astaamihii hore lahayn. Ninkii oo baddalan ayaa noo soo noqday. Dh: doorsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baddalan
bw: beddelan
de: changed, different, substituted, transformed
lx: baddalan
nt: baddalan (baddalmay) [v1=inch]
pd: (baddalnaa)
ps: adj-der
key: baddalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhaaq
candhaaq¹: m.l la-mid: candhaaqid.
candhaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhaaq
m. n. sitting on the ground in an unseemly manner; lazily sitting
candhaaq v. sit lazily, be idle, do nothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhaaq
-a: (magac, lab, keli) fadhi kala daadsan oo foolxun fadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddaraq
m.l (-qyo, m.dh) Bir xoogan oo leh af ballaaran iyo mid dhuuban iyo daab dheer oo meelaha adag lagu qodo; garweyn. la-mid: maddarab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaraq
(fal) eeg madaraq.
maddaraq -a: (magac, lab, keli) eeg madaraq.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wadda-da
1) rue, 2) route.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wadna-ha
cœur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnala'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof cabsi badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnala'
adj., [expression] cowardly, fearful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnala'
(tilmaame) fulay ah oo cabsi badan. Nin wadnala' wehel kuuma nogdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnala'
de: cowardly, fearful
initial: w
lx: wadnala'
pd: (wadnala'aa)
ps: adj-expr
key: wadnala'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhalo
-da: (magac, dhedig, keli) macaashlaga helo ganacsi la sameeyay. Dh: macaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqdhaac
(Waqdhaac-a)
Waqdhaacin samaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqdhaac
waqdhaac¹: m.l la-mid: waqdhaacid.
waqdhaac²: f.g1 (-cay, -cday) Xoolo Allabari dartiis u qalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waqdhaac
v. slaughter (an animal) in sacrifice
waqdhaac vl. n. animal sacrifice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqdhaac
-a: (magac, lab, keli) allabbari weyn. Waqdhaac ayaa ay culimadii sameeyeen. Dh: rabbibari, allatuug, tadcaar.
waqdhaac-a: (magac, lab, keli) xal ama furdaamin dhinacyo badan laga eego oo arin adag lagu xalin karo. Wagdhaac ayey wadaan oo arintii way dhawdhawdahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddhaaf
(Xaddhaaf-ka)
Meeshii laysu asteeyey oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddhaaf
xaddhaaf¹: m.l Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.
xaddhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid. m.f.dh xaddhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddhaaf
m. n., [compound] (adj.): excess, place that is past the limit ~ across the border; exaggeration; extreme
xaddhaaf: v. exceed, go past the limit, be beyond the limit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaalad
(Caddaalad-da)
Caaddilnimo; garsoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaalad
m.dh Maamul ku dhisan eex la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddaalad
m.dh Maamul ku dhisan eex la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaalad
f. n., [abstract] justice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddaalad
-da: (n) justice (jas-tis); impartial and fair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaalad
-da: (magac, dhedig, keli) si daacad ah u garqaadid; garsoor xaq ah; xeer si sinnaan ah loogu dhaqmo; xukun daacad loo xukumo oo aan kala eexasho lahayn. Caddaaladda cuskada oo d qabiil ciidda hoos mariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaalad
bw: Arabic
de: justice
lx: caddaalad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: caddaalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardhalad
Bisha 30ka maalmood ku dhalata ee aan 29 maalmood ku dhalan;; aan toomaan ahayn; shindhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardhalad
m.l Bil bilatay kaddib markay u buuxsameen soddon beri bishii ka horreysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardhalad
m. n. full Muslim lunar month
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax shindhalad. ah sida bisha soddon maalmood ku dhammaata. Li: tooman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardhalad
de: full Muslim lunar month (any Muslim lunar month that has the full 30 days instead of 29)
lx: gardhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haad-haad
hąad-hąad¹: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
hąad-hąad²: f.mg1 (-day, -dday) Fudfudayd muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haad-haad
hąad-hąad: m.l.kh Fudfudayd xagga dabeecadda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haad-haad
(fal) eedaad; leelleel.
haad-haad: (fal) sida haad u bood bood. Haad'haad si aad u dhaqsato. Dh: boodbood, duulduul.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) salfudayd qofka nusqaan ku ah oo lagu naco. Dh: salfudayd, alaal.
haad-haad -ka: (magac, lab, keli) duulduulidda; eedaadista; leelleelka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maddooyaa
(Maddooyaa-ga)
Geed nagaar ah oo xooluhu daaqaan, waxna lagu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddooyaa
m.l Geed-naagaar, dhirta dawada ka mid ah, leh ur silloon iyo caleemo yaryar oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddooyaa
m. n. small plant species, used for grazing and its fruit for medicinal purposes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddooyaa
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadh ah oo xooluhu daaqaan waxna lagu daweeyo. Maddooyaa ii soo goo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddooyaa
de: small plant sp., used for grazing and its fruit for medicinal purposes
lx: maddooyaa
pd: (-ga)
ps: n-m
key: maddooyaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadahadal
(Wadahadal-ka)
1. Hadal laga wada qayb qaato, la is-dhaafsado.
2. Sheekaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadahadal
wadahadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dood dhex marta laba qof ama ka badan.
wadahadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dleen) Laba qof ama ka badan dood isweydaarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadahadal
wadahadal¹: m.l (-llo, m.dh) Dood dhex marta laba qof ama ka badan.
wadahadal²: f.mg1 (-dlay, -dashay; -dleen) Laba qof ama ka badan dood isweydaarasho. m.f.dh, wadahadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadahadal
m. n., [compound] talk, negotiation, discussion
wadahadal v., [compound] talk together, negotiate, discuss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadahadal
-ka: (n) discussion (dis-ka-shan); dialogue (daayal-oog) negotiation (ni-goo-shi-yeey-shin); conversation (kon-ver-seey-shin); communication (kom-yuni-keey-shin) ~ wada xiriirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadahadal
-ka: (magac, lab, keli) hadal laba dhinac iyo wax ka badan ay ka qayb galaan oo looga gol leeyahay in go'aanno lagu heshiisyahay la gaadho. Wixii khilaaf jira wadahadal ha lagu dhammeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhadhaq
-da: (magac, dhedig, keli) hadal qubana ah oon wax kasoo qaad lahayn. Ninkan wadhadhaq da haya naga aammusiiya. Dh: wadhwadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharan
La wandharay; la saafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la wandharay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wandharan
der. [adjective] spread out, split open, opened wide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandharan
(tilmaame) la wandharay; la saafay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wandharan
de: spread out, split open, opened wide
initial: w
lx: wandharan
pd: (wandharnaa)
ps: adj-der
key: wandharan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Addoonwaaq
name-unisex God's servant- or slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Addoonwaaq
magac loo baxsho lab ama dhedig loo baryayo in uu noqdo mid Waaq (magac Ilaahay loo yaqaannay) addoon wanaagsan u noqda oo Alle ka baqa ama si wanaagsan ugu hoggaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayd-faraq
m.l (-dad ..., m.l) (fiisikis) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdowalaq
m.l Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-arag
m.l.kh la-mid: waaya-arag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wada hadal
-ka: (n) discussion (dis-ka-shari); dialogue (daayal-oog) ~ see [eeg] wadahadal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wada_hadal
de: talk together, negotiate, discuss
initial: w
lx: wada hadal
pd: (wada hadlay)
ps: v1=cmp
key: wada_hadal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddamadax
-da: (magac, dhedig, keli) xiddig ka mid ah xiddigaha samada oo uu adeegsado faaliyuhu waa naxsi guntane ayay na leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddoohiye
(Waddoohiya-ha)
(dhul, waddo, ...) aad u ballaaran; aan ciriiri ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddoohiye
m.l.kh W. ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddoohiye
m. n. wide, spacious, large
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddoohiye
-ha: (magac, lab, keli) waddo aad u ballaaran oo aan cidhiidhi ahayn. Waddoohiye ayaan soo maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddoohiye
de: wide, spacious, large
initial: w
lx: waddoohiye
pd: (/ha)
ps: n-m-atr
key: waddoohiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadki-arag
m.l Cantalyaa, coomaadi. la-mid: wedki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadki-arag
m. n., [compound] bird species, said to be in a state of fear at all times
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddidhaaf
(Xaddidhaaf-ka)
Meesha ama halka aan badanaa la dhaafin, oo la gudbo, oo wax lagu sii daro. Xaddhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidhaaf
m.l Wax qiyaastii laga rabay dhaafay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddidhaaf
m.l Wax qiyaastii laga rabay dhaafay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddidhaaf
m. n., [compound] excess; exaggeration; extremity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidhaaf
-ka: (magac, lab, keli) badi; farabadi. Dh: tandhaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddidhaaf
de: excess; exaggeration; extremity
initial: x
lx: xaddidhaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
see: xaddhaaf
key: xaddidhaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-hunguri
m.l la-mid: waddo-caanood.