waddo-caanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddacaanood
-da: (magac, dhedig, keli) magaca galaaksigeenna oo loo yaqaan 'qanbaarhooyadiijiid'.
waddacaanood -da: (magac, dhedig, keli) waddo isku xidha guriga iyo xerada geela. Dh: waddo-hunguri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-hunguri
m.l la-mid: waddo-caanood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARMO-CAANOOLE
(Warmo-anole) C Launaea intybacea (Jacq) Beauv. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buro-caanood
(Buro-caanood-da)
Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buro-caanood
f. n. benign growth, cyst
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAANOOD
(Ged-anod) S Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
S Euphorbia hirta L. Euphorbiaceae.
S Pergularia daema (Forsk)Chiov. Asclepiadaceae.
C Euphorbia somalensis Pax. Euphorbiaceae.
S Euphorbia indica Lam. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laas-Caanood
pr. n., loc. Las-Anod [region in north Somalia.]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sonkor-caanood
m.dh (baayoloji) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sonkor-caanood
m.dh (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halcaanood
(Halcaanood-ka)
Halaq weyn oo dheereeya oo dusha dhibco cadcad iyo caarcaar ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halcaanood
m. n. large snake species, with a white belly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcaanood
-ka: (magac, lab, keli) mas weyn oo dheereeya oo dusha caarcaar ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halcaanood
de: large snake sp., with a white belly
lx: halcaanood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: halcaanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidcaanood
m.l 1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidcaanood
m.l 1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jidcaanood
pr. n., loc. Milky Way (galaxy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidcaanood
-ka: (magac, lab, keli) waddo aan dhab ahayn oo samada laga arko oo ah xiddigo badan oo urursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jidcaanood
de: Milky Way (galaxy)
lx: Jidcaanood
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
syn: Diillin-Caanood
key: Jidcaanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mascaanood
m.l (cilmiga naflayda) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mascaanood
m.l (cilmiga naflayda) Mas dheer oo midabkiisu casaan xigeenyahay oo aan dadka qaniinin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mascaanood
m. n. long non-poisonous snake species of grayish-red color
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mascaanood
de: long non-poisonous snake sp. of grayish-red color
lx: mascaanood
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mascaanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burocaanood
m.dh (daawo) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burocaanood
m.dh (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaxaajood
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadahadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-dhaan
m.dh Dhabbaha dhaanku maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsaamood
m.l Ciddisiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkorcaanood
-da: (magac, dhedig, keli) sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. Sonkorcaanoodda waxa soo saara qanjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaallicaanood
-da: (magacwadareed) labo xiddigood oo cadcad, kuwa la amaano na ka mid ah ee ayaanka badan. Aroosyada iyo carruurta xilligaa dhalatay, waa lagu bishaaraystaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
summad-caanood
m.dh Summad xoolaha dhegta looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcaamood
m.l (-dyo, m.dh) Nooc masaska dheereeya ka mid ah oo aan wax yeello lahayn. la-mid: mascaanood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laas-Caano
pr. n., loc. Las-Ano, Milk Well [city in north Somalia.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddadhaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabbaha dhaanku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaad
(fal) si dhacadiid ah u jiif.
wandhacaad -ka: (magac, lab, keli) jiif makhaddad ama jiqisha lagu dangiigsado oo raaxaysi ka tarjuma. Nin dhergaa wandhacaad yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacaanood
-ka: (magacwadareed) ilkaha u horeeya ee carruurta u soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadoocsanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax la loodiyay noqosho. la-mid: nadoocsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nadoocsanow
inch. v. get bent; be curved ~ flexed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadoocsanow
(fal) galloocsanow; liicsanow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nadoocsanow
de: get bent; be curved ~ flexed
lx: nadoocsanow
pd: (nadoocsanaaday)
ps: v1=inch
key: nadoocsanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-waayo
m.l Waayo kale geddisan oo la soo maray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waayo-waayo
m.l Waayo kale geddisan oo la soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-halaq
m.l Waddada ay maraan xamaaratadu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardadabood
-ka: (magac, lab, keli) warsheekood: arrin dad koobani isku ogaayeen oo midkood cid kale u warramo. Wardadaboodka iska daa oo wixii laguu sheego sidooda u ahay. Dh: warsheekood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhacadhood
-ka: (magac, lab, keli) marka uu jeermis ku dhasho jidhka noolaha ee uu u yeelo baro cuncun ku dhaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirracaanood
-da: (magac, dhedig, keli) cirro carruurnimada ku soo baxda, oo la aaminsan yahay in ay hoodafiicni tahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-RAAMOOD
(Ged-ramod) S Croton megalocarpoides Friis & Gilbert Euphorbiaceae.
S Strophanthus mirabilis Gilg. Apocynaceae.
May Markhamia zanzibarica (DC) Engl. Bignoniaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalwo-maanyo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka badda ku jirta ka mid ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MALO-WAXAROOD
(Malo-waharod) N Commiphora gracilispina Gillett. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
summadcaanood
-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaha dhegta looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diillin-caanood
(Diillin-caanood-da)
Diillin ballaaran oo ka samaysan iftiin ciiro ku rogan tahay oo habeenkii cirka ka muuqata oo la yiraahdo sheyddaan baa habarti ku jiidey; haddii qalabyada wax weyneeya oo soo dhoweeya lagu eego, diillintu waxay isu rogtaa xiddigo ciiddaas ah oo aan la tirin karin; waq-habaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diillin-Caanood
pr. n., loc. Milky Way (galaxy)