waddahunguri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddahunguri
-da: (magac, dhedig. keli) eeg waddacaanood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-hunguri
m.l la-mid: waddo-caanood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farachunguri
m.l (daaw.) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farachunguri
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farac-hunguri
m.l (daawo) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandafuuri
-ga: (magac, lab, keli) bariis aad u adag oo aanan dhayal ku bislaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandafuuri
-ga: (magac, lab, keli) поос hadhuudhka ka mid ah oo firi buurbuuran oon tayo lahayn bixiya. Qandaafuuri cuni maynee lo'da siiya. Dh: gandafuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddadhuuni
m.dh Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaburburin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ku haysay darteed wax burburin. Dh: cadhabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaburburis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaburburin.