wadaajisiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaajin; ka dhexaysiin; wadaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajisii
(fal) eeg wadaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaajin
(Wadaajin-ta)
Wada siin; ka dhexaysiin; wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaajin
m.f.dh eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wada cunsiin; ka dhexaysiin. Dh: wadaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg wadaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka cid aad u suurtagalinaysid inuu wax eeg'eego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddaniyiin
f. n., pl. patriots, nationalists
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaniyiin
bw: Arabic
de: patriots, nationalists
initial: w
lx: waddaniyiin
pd: (-ta Sg: waddani (ga))
ps: n8-f-pl
key: waddaniyiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadahadalsiin
m.f.dh eeg wadahadalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabariisiin
m.f.dh eeg waabariisii. la-mid: waabberiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisin
m.f.dh eeg caajisi. la-mid: cajisin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisin
-ta: (magac, dhedig, keli) wahsi ku dhalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaajis
-ka: (magac, lab, keli) hoos u riixid; hoos u cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsiin
m.dh la-mid: daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo meel daaq wacan leh ku eegid. Dadku daaqsiinta xoolaha way kala yaqaanniin. Dh: daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibin
m.f.dh eeg waajibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibin
-ta: (magac, dhedig, keli) waajib ka dhigid; hawl fulinteeda qasab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihin
m.dh la-mid: wejihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajihin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iska horgeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadaagis
-ta: (n) sharing (sheer-ing)-, communion (kom-yuu-ni-yari)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaalin
(Wadaalin-ta)
(xoolo, ...) Wadwadid; raacid wadaaleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaalin
m.f.dh eeg wadaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'xoolo iyo wixii la mid ah' wadwadid; raacid wadareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajis
m.l la-mid: wanaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasaasin
(Wasaasin-ta)
Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; (ama wasaaso).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasaasin
f. n. stretcher
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado. Wasaasinta ii keen oo saar kan xanuusanaaya. Dh: wasaso, rabrab.
wasaasin: -ta: (magac, dhedig, keli) hoosaa sin ama ka shakisiin. Wasaasin ayaa lagu sameeyey hadalkii oo meel layslama dhigin. Dh: waswaasin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasaasin
de: stretcher
initial: w
lx: wasaasin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: wasaasin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsiin
m.dh la-mid: abaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaba'ay ka dhigid ama goofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaajiin
m.dh.w eeg fujaan. la-mid: faraajiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaajiin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Dh: fujaan, koob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraajiin
m.dh.w eeg fujaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraajiin
-ta: (magacwadareed) weelal yaryar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu shubto, waxna lagu cuno. Dh: fanaajiin, fujaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsiin
m.f.dh eeg hadalsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo xannaano u baahan meel lagu kaadsho geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaasiin
m. n. warehouse, storage room, magazine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaasiin
de: warehouse, storage room, magazine
lx: magaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhaar {Eng}
key: magaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaasiin
m.l (-nno/maqaasiin, m.dh) Baqaar. la-mid: makhaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaasiin
m. n. warehouse, depot, storehouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaasiin
-ka: (n) magazine (maaga-ziin)-, storehouse ~ makhsin, makhaasiin, bakhaar, maqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaasiin
a: makhaasiin
bw: Arabic
de: warehouse, depot, storehouse
lx: maqaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysiin
m.f.dh eeg qadaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale hadhimo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baraarujin xis ahaan; saaxi ka dhigid. Dawo saaxisiin ah, ha la siiyo sii uu u kaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajiya
-da: (magac, dhedig, keli) naagta ninkeeda gogol dhaaf ku samaysa ce qaar kale la wadaajisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajiye
-ha: (magac, lab, keli) xarriiq wada mara labo xarriiqood oo barbaro ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaakiin
xi. la-mid: laakiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaakiin
conj. but, however
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaakiin
(xidhiidhiye) wax la soo sheegay in ka soo reeba. Dadkii way wada joogaan walaakiin Guddoomiyihiibaa magan. Dh: laakiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaakiin
bw: Arabic
de: but, however
initial: w
lx: walaakiin
ps: conj
see: laakiin
key: walaakiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cadho ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid. Dh: cadhaysiis, xanaaqsiin, dhirifsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarsiin
(Cayaarsiin-ta)
1. Cayaarin.
2. (askar) cayaarsiis barid; gaardisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarsiin
m.f.dh eeg cayaarsii. la-mid: cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaartoy askar ama cid kale, ciyaar iyo xeelado barid ama u horseedid. Dh: ciyaarsiin, cayaarsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalsiin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel biyo leh dul sabaysiin oo wax dabbalanaya ka dhigid. Dh: dabbaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxsiin
m.f.dh eeg dabaaxsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) gawracid oo qoorta ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafsiin
m.dh la-mid: dawaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ku dul wareejin. Dh: dawaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardisiin
(Gaardisiin-ta)
Gaardi ku wadid; cayaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardisiin
m.f.dh eeg gaardisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaardisiin
vl. n. drill, military training
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, gaardi ciyaarsiin ama ku wadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaardisiin
de: drill, military training
lx: gaardisiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: gaardisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlaysiin
m.f.dh eeg kadlaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras orod kadle ah orodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xawligiisu sii kordhaayo ka dhigid. Dh: karaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladnaysiin
m.f.dh eeg ladnaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarsiin
m.l/dh eeg taraarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax dardarsiin oo jibaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka cadhaysiin. Dh: xanaaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabaalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof doonaya inuu wax qabto caajis gelin si uu uga joogsado. Yabaalsiin bay sheekadiisu nagu ridday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muhaajiriin
(Muhaajiriin-ta)
Saxaabadii Nebi Maxamed la haajirtey oo inta Maka ka tagtay Madiina ugu tagtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muhaajiriin
f. n., pl. companions of the Prophet Mohammed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muhaajiriin
-ta: (magacwadareed) asxaabtii Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, ee ka haajiray Maka ee Madiina u haajiray. Jacfar bin Abii Daalib wuxu ahaa muhaajiriintii timid geeska Afrika.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muhaajiriin
bw: Arabic
de: companions of the Prophet Mohammed (who went with him from Mecca to Medina)
lx: muhaajiriin
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: muhaajiriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawabbarisiin
m.dh la-mid: cawabbariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabbarisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabad ku bariisiin; nabadgelyo ku soo toosin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hadhaa iftiin
After-glow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadahadalsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama in ka badan in ay wadahadlaan isu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wadahadalsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama in ka badan in ay wadahadlaan isu keenid. m.f.dh, wadahadalsiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibil
Atmospheric pressure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warisgaadhsiin
-ta: (magac, dhedig keli) eeg warbaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: abaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysin
m.l Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysin
m.l Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.