wacdiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdiyid
m.f.dh eeg wacdi². la-mid: wacdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanin
(Waanin-ta)
Hadal waano ah ku dhihid; u caqlicelin; wacdiyid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
preach
/priij/ (v) wacdiyid (khudbo diini ah jeedin).
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
preach (v)
wa'disaal
wacdiyid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prière
prière, n.f. - wacdiyid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prêcher
prêcher, v. - wacdiyid.
prêcher dans le désert - wacdi aan la qaadan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sermonner
sermonner, V. - wacdiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waciid
-ka: (magac, lab, keli) taakulayn iyo gacanqabasho. Anoo baahan ayaan ninkaa waciid fiican ka helay.
waciid -ka: (magac, lab,keli) hanjabaad iyo baqdin gelin la isku cabsiiyo cadaabka iyo dhibaatada aakhiro. Quraanka ilaahay wuxu ugu sheegay gaalada waciid adag. Li: wacdi,
waciid -ka: (magac, lag, keli) qof abaan kuu noqon kara. Waciid malaha ninkani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badiyid
m.f.dh eeg badi². la-mid: badin, badis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacwiyid
(Dacwiyid-da)
Dacwad gelid; garramid; ashtakood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwiyid
m.dh eeg dacwi². la-mid: dacwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacwiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dacwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddiyid
m.dh la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhank akale u rogid. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardiyid
(Hardiyid-da)
Hardi ku dhufasho; madaxa xoog wax ugu dhufasho; cid madaxa wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardiyid
m.f.dh eeg hardi. la-mid: haratin, hardin, hertin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku jiidid. Hardiyidda naga daa oo saani u ciyaar. Dh: herdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buug jaldi u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacdimid
(Kacdimid-da)
(fardo) orod kacdin ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimid
m.f.dh eeg kacdin². la-mid: kacdin¹, kactin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacdimid
-da: (magac, dhedig, keli) faras, orod kacdin ah ku ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacfiyid
m.f.dh eeg nacfi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacfiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax u tarid. Dh: anficid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si naqdi ah ku bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqdiyid
m.f.dh eeg naqdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi ama la falay hadal cilmiyaysan oo xoojin ama dhalliil ah u jeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qasdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddiyid
m.dh la-mid: raddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werdiyid
(Werdiyid-da)
Werdi la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werdiyid
m.f.dh eeg werdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) werdi akhriyid. Masaajidka dhexdiisa ayaa werdiyidda ugu wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdiyid
(Xamdiyid-da)
Xamdinnaqid; mahadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdiyid
m.f.dh eeg xamdi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaddiyid
(Tacaddiyid-da)
Wax tacaddi ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaddiyid
m.f.dh eeg tacaddi². la-mid: dacatin, dacatiyid, tacaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku cid kale, ku xadgudbid; ku samayn wax xaqa waydaarsan; ku gardarrood. Ku tacaddiyida badan iska ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaajiyid
m.f.dh eeg awaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaadhsiin. Awaajiyad baan u baahannahay, si aaska loo yimaaddo. Dh: faafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaytiyid
-da: (magac, dhedig, keli) aweyti ku akhriyid; cid kale habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacatiyid
m.dh la-mid: tacaddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale ku tacaddiyid ama ku xadgudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardiyid
(Gaardiyid-da)
Socod lagu gaardiya hayo, socosho; cayaarsiis ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardiyid
m.f.dh eeg gaardi². la-mid: gaardin, gaardis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si ciidan bandhig maraya u socod; gaardi ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyid
(Ciyid-da)
Cida xoolaha oo kale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyid
m.f.dh eeg ci'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyid
vl. n. crying (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyid
-da: (n) the act of making a wail or cry, especially by animals; growl (growl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyid
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da riyaha samayn; codka xayawaanka oo kale samayn; ciyis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyid
de: crying (of animals)
lx: ciyid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-m
key: ciyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacdi
(Wacdi-ga)
Hadal dad waxa xun iyo waxa san loogu kala sheega hayo; waano; hanuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdi
wacdi¹: m.l Waano; hanuunis.
wacdi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacdi
wacdi¹: m.l Waano; hanuunis.
wacdi²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Waano diimeed oo xumaha laysaga reebayo samahana laysku farayo dad u jeedin; waanin; hanuunin. m.f.dh, wacdiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacdi
m. n. advice, moral lecture, sermon, preaching
wacdi v. preach, give advice ~ a moral lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacdi
-ga: (n) preachment (piriij-ment); sermon (seer-men); homily (hoo-mali); didacticism (daay-dhak-tiizim); advice (ad-veeyz); guidance (gaay-densi) waano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacdi
(fal) u xadiis oo dadka diinta ku waani. Sheekhoow dhallinyarada anshax xumada ka wacdi. Dh: waani.
wacdi -ga: (magac, lab, keli) waano diini ah; waxsheeg iyo hogatusaalayn dadka waxa xun iyo waxa san loogu kala sheego. Inanyahay wax sheeg iyo wacdi kaala quustaye. Dh: waano, hanuunin.
wacdi -ga: (magac, lab, keli) xilli oommane ah oo caano iyo biyaba gaabis yihiin abaarna weli gaadhin. Reerku wacdi kulul buu ku jiraa. Dh: baahi Li: barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacid
-da: (magac, dhedig, keli) u dhawaaqid; u yeedhid. Waciddaada ma maqlayee u teg.
wacid-da: (magac, dhedig, keli) taleefan u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacyi
m.l Heerka fahamka nolosha bulshada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacyi
m.l Heerka fahamka nolosha bulshada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacyi
-ga: (magac, lab, keli) fahan guud; heerka garashada ee qof ama dad ama bulsho; dareen iyo kala garasho. Warbaahintu waxay kor u qaadday wacyiga dadka. Dh: faham, dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadid
(Wadid-da)
1. Wax nool (dad, xoolo) ama aan noolayn (markab, doon, baabuur, ...) meel ka kaxayn oo meel kale u kaxayn.
2. (°) wed u noqosho; dilid; melgid; (ama wedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadid
m.f.dh eeg wad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wadid
-da: (n) the act of driving or leading ~ see [eeg] wad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada ka kaxayn oo meel u jihayn.
wadid-da: (magac, dhedig, keli) markab, gaadhi, iyo wixii la mid ah kaxayn: dareewalin. Waxa jira meelo lagu barto wadida baabuurta. Li: joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayid
-da: (magac, dhedig, keli) xushmo u muujin; xushmayn; ixtiraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadiid
(Gadiid-da)
Hooska harkii waxa bixiyey gondohooda ku soo urura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadiid
m.l Waqtiga kala bara gelinka hore iyo gelinka dambe.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gadiid
Apparent time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gadiid
name: Gadid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadiid
f. n., [collective] barren ~ unfertile land
gadiid [feminine] n. midday; noontime shadow (when shadows are smallest)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gadiid
nickname; name-m midday; noontime shadow (when shadows are smallest); barren, infertile land (born on barren land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gadiid
magac loo baxsho wiil dhashay milay duhur ah ama qurux badan oo sida dharaarta u cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadiid
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda marka uu hadhku labadaada gondood joogo. Dh: duhur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiid
f.mg1 (-day, -dday) 1. Ku h.: si hunguri weyni ku jirto wax u boobid. 2. Ku h.: si ku celcelis ah qalab aan af lahayn wax ugu goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiid
(fal) cunto iyo wixii la mid ah, si isdabajoog ah u cun ama u boob.
hadiid: (fal) (ku ~) dhagax, feedh iyo wixii la mid ah, si isdaba joog ah cid kale ula dhac. Dh: darandoorri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiid
madiid¹: m.l la-mid: midiid¹.
madiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: midiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadiid
(Qadiid-ka)
1. Culayga weelka.
2. Madowga culaygu weelka u yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qadiid
m.l 1. Culay weelka biyaha ama caanaha lagu nadiifiyo. 2. Madowga culaygu uu weelka u yeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadiid
m. n., [collective] wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadiid
nickname; name-m kinky haired; wood used for smoking milk vessel or the black color it produces (black)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiid
-ka: (magac, lab, keli) eeg qadaad.
qadiid -ka: (magac, lab, keli) madawga uu culaygut weelka ku reebo. Qadiidka lama maydhee waa la masaxaa. Dh: cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadiid
de: wood used for smoking milk vessels, etc.; the black color it produces
lx: qadiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: qadiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Saciid
name: Saeed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saciid
name-m happiness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Saciid
de: Saeed
initial: s
lx: Saciid
ps: name-m
key: Saciid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waayid
(Waayid-da)
1. Wax la raadshey ama la doonay oo aan la helin.
2. (kolka uu fal kale ka dabadhaco) wax la qaban lahaa ama aan la qabteen oo aan karti iyo maaro loo helin (sida: arki waayey; seexan waayey; kari waayey; dili waayey; ...).
3. Gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayid
m.f.dh eeg waa². la-mid: waayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayid
-da: (magac, dhedig, keli) arki waa; ka quusasho. Baadi waayiddeeda welwelkeedaa ka daran.
waayid -da: (magac, dhedig, keli) dhicid oo imtixaab dallacaaddii ka hadhid. Waayidda imtixaanka dadaal la'aan baa keenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdin
m.dh la-mid: wacdiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixin oo dhar ama wax la mid ah meel qorrax ah ku laydhin. Wadhidda dharka ani igu daa adna dheriga. Dh: warid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waliid
(Waliid-ka)
Jiritaan; dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waliid
m. n. birth, existence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waliid
name-m new born son; product
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waliid
-ka: (magac, lab, keli) jiritaan; dhalasho.
waliid -ka: (magac, lab, keli) qof kula dhashay ama aad dhashay ka uu sii dhalo eed awawga u tahay. Waliid ma leedahay walaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waliid
bw: Arabic
cf: dhalasho; jiritaan
de: birth, existence
initial: w
lx: waliid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: waliid