wacal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacal
° (Wacal-ka, Waca-sha)
Nin iyo naag aan is-qabin, ilmaha ay dhalaan; garac; (ama wecel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacal
wacal¹: m.l (-llo, m.dh) Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. la-mid: wecel¹.
wacal²: m.dh (-lo, m.dh) Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. la-mid: wecel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacal
m.l (-llo, m.dh) Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. la-mid: wecel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacal
m. n. bastard, illegitimate male child
wacal [feminine] n. bastard, illegitimate female child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacal
-ka wacasha: (n) bastard (baas terdh); illegitimate child (ili-ji-timeeyt jaayldh) ~ garac, wecel, kinsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacal
-ka: (magac, lab, keli) ilmo sharci la'aan ku calool gala; ilmo ay iska dhaleen nin iyo naag aan isqabin. Dh: farakh, wecel, garac, faraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacaal
(Wacaa-sha)
Waayo; xog'ogaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacaal
m.dh Wax jira; war; xog. Tusaale: “War iyo w. midna uma hayo”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacaal
m.dh Wax jira; war; xog. Tusaale: War iyo w. midna uma hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacaal
f. n. information
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacaal
-sha: (magac, dhedig, keli) wax jira; ogaal. War iyo wacaal toona uma hayo wax dhacay maanta. Dh: war; xog, ogaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacaal
cf: ogaal; waayo
de: information
initial: w
lx: wacaal
pd: (/sha)
ps: n-f
key: wacaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waal
(Waal-ka)
Jaal; laag, fac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala. m.f.dh, waalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waal
m. n. age-mate, contemporary, person of the same age; equal (of the same rank ~ social standing)
waal v. madden, drive someone mad, make someone go insane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waal
-ay / waashay: (v) madden (maa-den); make mad; drive mad, drive insane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waal
(fal) miyirka ka qaad; waalli ku rid.
waal: (fal) khiyaanee oo wax aan jirin run uga dhig.
waal -ka: (magac, lab, keli) bir injiinnada ku jirta oo qarxinta shidaalka ka qaybgasha. Waalka ii soo qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacal
1. (Dacal-ka) Gees, doc, cirif.
2. (Daca-sha) Laallaadka dhegta;
3. Summadda dhegta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacal
dacal¹: m.l (-llo, m.dh) Daraf, dhinac, cirif.
dacal²: m.dh (-lo, m.l) Summad xoolaha loo yeelo oo dhegta dhinaceeda hoose la jeexo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dacal
m.l (-llo, m.dh) Daraf, dhinac, cirif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacal
m. n. edge, corner, side; hem, bottom part of garments
dacal [feminine] n. earlobe
dacal [feminine] n. mark on the ear (of livestock)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dacal
-ka: (n) 1. corner (kornar) ~ gees. 2. edge (eej); hem (hem) side (saaydh) ~ dhinac, hareer, daraf, 3. dacal -dacasha: (n) earlobe (iyar-loop)-, especially the animal earlobe ~ dacasha dhegta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacal
-ka: (magac, lab, keli) meesha ugu baallaysa walax, dhisme ama dhul. Dacal baan ka istaagay laamiga si ay ii dhaafaan baabuurtu. Dh: gees, geftin, hareer, koone, baal, dhinac, barbar, garab, daraf, fay, faraq, doc, cidhif. Li: badhtan.
dacal-sha: (magac, dhedig, keli) qayb yar oo dhegta xaggeeda hoose ka laadlaadda. Hashii deelka lagu dhigay, loo jeexay dacaluhu, ma durduriso aradkee, duleedkay hanbaadhaa!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacal
(Gacal-ka)
Qof gacalo loo qabo oo la jecel yahay; xigto ama sokeeye ah; gacaliye; gacalle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacal
m.l.u 1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iyo wixi lamida oo cid ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacal
m.l.u 1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iyo wixi lamida oo cid ka dhexeysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacal
m. n., [collective] beloved person, dear one; male kin ~ relatives
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gacal
name-m beloved person, a dear one; darling, friend. Syn: Gacaliye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacal
-ah: (adj) 1. kind (kaayndh); kind-hearted (kaayndh-har-tidh); benign (be-naayn); Showing sympathy or understanding. 2. related by kinship: relative (rela-tiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gacal
ama Gacaliye, magac loo baxsho wiil la jecelyahay oo qaali ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacal
-ka: (magac, lab, keli) dadka xaaska aad qabto ay isku dhow yihiin; ooridaadu reerka ay ka soo jeeddo. Li: xigaal, tol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacal
de: beloved person, dear one; male kin ~ relatives
lx: gacal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gacal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macal
(Maca-sha)
Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macal
m.dh (-clo, m.dh/-calo, m.l) Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macal
m.dh (-clo, m.dh/-calo, m.l) Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macal
f. n. sheep's dewlap; double chin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macal
-macasha: (n) jowl (jaawl)-, dewlap (duu laap)-, wattle (wo-tal) birds; double chin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macal
-sha: (magac, dhedig, keli) cad baruur ah oo ka laalaada luqunta idaha xageeda hoose. Wanka macasha ii qabo, adna gawrac ii mari, dhiiggana an muudsado.
macal: (xidhiidhiye) loo isticmaalo isku xidhka laba shay iyo wax ka badan si an waxba looga tegin. Keen hilib macal maraq. Dh: maca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macal
de: sheep's dewlap; double chin
lx: macal
pd: (/sha Pl: maclo (/ha))
ps: n1-f, n3-f
key: macal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacad
(Wacad-ka)
Ballan adag oo la isla dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacad
m.l Ballan adag oo la galo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacad
m.l Ballan adag oo la galo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacad
n. vow, pledge, oath, one's word
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacad
-ka: (n) promise (paro-mas); vow (vaaw) ~ ballanqaad, cahdi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacad
-ka: (magac, lab, keli) heshiis ama ballan adag oo cid ka dhexeeya. Wacad ha gelin haddaad gashana ha jebin. Dh: axdi, ballan, heshiis.
wacad -ka: (magac, lab, keli) cid kale u yeedhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacad
bw: Arabic
cf: ballan, dhaar
de: vow, pledge, oath, one's word
initial: w
lx: wacad
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: wacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacan
Aad u wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) 1. Wax wanaagsan ahaansho. 2. Ugu w.: sabab u ahaansho (wax). m.f.dh, wacnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacan
der. [adjective] excellent, superb, very good
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wacan
bon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wacan
name-f excellent, superb, very good
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacan
(adj) nice (naays); good (guudh) wanaagsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacan
(tilmaame) aad u wanaagsan. Dh: san, fiican.
wacan: magac loo bixiyo gabadh la rajaynayo in fiicnideedu u baahnayn marag iyo tilmaan toona.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacan
de: excellent, superb, very good
initial: w
lx: wacan
pd: (wacnaa)
ps: adj-der
syn: aad u wanaagsan
key: wacan
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WACAR
[WA-ARE] Lannea greenwayi 01
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wacel
m. n. bastard, illegitimate child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacel
-ka: (n) bastard (baas terdh); illegitimate child (ili-ji-timeeyt jeeyldh) ~ wacal, garac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacel
de: bastard, illegitimate child
initial: w
lx: wacel
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n2-m; n1-f
see: wacal
key: wacel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqal
(Waqal-ka)
1. Daruur biyo la culus.
2. Roobka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqal
m.l 1. Daruur biyeysan. 2. Roob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waqal
m.l 1. Daruur biyeysan. 2. Roob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waqal
m. n. rain-cloud; rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqal
-ka: (magac, lab, keli) roobka laftiisa.
waqal-ka: (magac, lab, keli) daaruur inay da'do u dhaw oo biyo la cuslaatay. Waqal da'ay sidiisii miyaan idin waraabsiiyay. Dh: daruur, fad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waqal
cf: daruur; roob
de: rain-cloud; rain
initial: w
lx: waqal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: waqal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farakh
(Farakh-a)
Qof ka dhashay, nin iyo naag aan is qabin, isutaggood; aan aabbihi iyo hooyadi isguursan oo isudhixin; aan meher ku dhalan; wacal; garac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garac
(Garac-a)
Nin iyo naag aan isu dhixin, ilmaha ay dhalaan; aan meher ku dhalan; wacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garcasho
(Garcasha-da)
Garac qaadid; wacal uurki yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacalnimo
(Wacalnima-da)
Wacal ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ablaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farakh
m.l (-khyo/furuukh, m.dh) Ilma aan meher xalaal ah ku dhalan; wacal; garac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garac
garac¹: m.l (garac/-cyo, m.dh) Ilmo aan meher ku dhalan; wacal; wecel.
garac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: garco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacalnimo
m.dh Wacal ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wecel
wecel¹: m.l la-mid: wacal¹.
wecel²: m.fk la-mid: wacal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farakh
m.l (-khyo/furuukh, m.dh) Ilma aan meher xalaal ah ku dhalan; wacal; garac. m.dh.w, furuukh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garac
m.l (garac/-cyo, m.dh) Ilmo aan meher ku dhalan; wacal; wecel.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bastard
/baastardh/bastards;(n) 1. ilmo garac ah (wacal)(n) 2. qof aad u xun | (cay) qof lugu caayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
illegitimate
/ilijitamit/illegitimacy;(adj) 1. ilmo aan sharci ku dhalan (garac, wacal) e.g. an illegitimate boy 2. aan sharci ahayn (sharciga khilaafsan). e.g. It was an illegitimate meeting.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
legitimate
/lajitamit/ (adj) 1. sharci ah (wax sharciga waafaqsan) 2. ilmo meher ku dhashay (aan wacal ahayn) 3. suurto-gal ah (macquul ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garac
-a: (n) bastard (baas terdh); illegitimate child (ili ji timeeyt jeeyldh) ~ wacal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacalnimo
wacalnimada: (n) illegitimacy (ili-ji-ti-masi); bastardy (baas-ter-di); born out of wedlock ~ garacnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wecel
-ka / wecesha: (n) bastard (baas terdh); illegitimate child (ilijitimeeytjeeyldh) ~ garac, wacal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bastardo
agg. e s.m. wacal, garac, kisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wacal ahaan; garac ahaan. Ilmo aan waxba galabsan wacalnimo laguma takooro. Dh: faraqnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wacaalo
(adv) whereabouts (weer-a-bawts). Ex: weli war iyo wacaalo lagama hayo; Information concerning his whereabouts is still unavailable
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacal_1
bw: wacel ~ wecel
de: bastard, illegitimate male child
hm: 1
initial: w
lx: wacal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: garac, kisi
key: wacal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wacal_2
de: bastard, illegitimate female child
hm: 2
initial: w
lx: wacal
pd: (-ka)
ps: n1-f
key: wacal_2
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chacal
chacal, n.m. - Yey; xayawaan u eg eyga.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
facial
(adj) of, or pertaining to the face.
ku saabsan wejiga
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
facial
/feyshal/ (adj) 1. wajiga (wajiga la-xiriira) (n) 2. waji-qurxinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalo
(Gacala-da)
1. Jacaylka la isu qabo.
2. Qof dumar ah oo la jecel yahay; gacaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalo
m.dh la-mid: Gacaliso; gacaltooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalo
f. n., [abstract] love, affection between relatives
gacalo: [feminine] n. beloved female relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalo
- gacalada: (expression) honey (hani); dear (dhiyar); sweetheart, an expression of affection [for women only]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalo
-da: (magac, dhedig, keli) erey loogu dhawaaqo qof dumar ah oo la jecelahay; erey dabacsan oo ruux dumar ah oo la jecel yahay loogu yeedho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacayl
(Jacayl-ka)
Rabitin weyn oo wax ama qof loo qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacayl
m.l Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jacayl
m.l Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacayl
m. n. love, desire, lust