waayo-waayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-waayo
m.l Waayo kale geddisan oo la soo maray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayowaayo
(falkaabe) eeg waayawaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-waayo
m. n. old times, former days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayawaayo
-ha: (magac, lab, keli) beryo aad u fog oo la soo maray gaar ahaan berisamaadyo la xasuusto. Heestani waayowaayo ayay jiraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taayo (-taayo)
dk.lh.dh la-mid: taayada².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayo
(Waabaaya-da)
Sun (ama waabaay, waabay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayo
m.dh Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. la-mid: waabaay, waabay².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waabaayo
m.dh Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. la-mid: waabaay, waabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabaayo
f. n., (mass n.): poison, venom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabaayo
-waabaayada: (n) poison (pooy-san); toxicity (tok-siisiti); toxic agent; poisonousness; venom (veenom); toxicant; toxin ~ sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayo
-da: (magac, dhedig, keli) sun ay masaska iyo bahaluhu wax ku dilaan. Masasku way kala waabaayo xun yihiin. Dh: waabay, sun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabaayo
cf: geegaali
de: poison, venom
initial: w
lx: waabaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: waabaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-arag
m.l.kh la-mid: waaya-arag.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-WAALIS
(Waharo-walis) C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
NFD, N Ipomoea cicatricosa Bak. Convolvulaceae.
N Ipomoea jaegeri Pilger. Convolvulaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-MAALE
(Wahara-male) N Crotalaria laburnifolia L. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalwo-maanyo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka badda ku jirta ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-aragnimo
m.dh Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waayo-aragnimo
m.dh Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayonayn
-ta: (n) [chemistry] ionization (aa-yoniseey-shen)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalwaay
v., [compound] be unable, be frustrated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalwaay
de: be unable, be frustrated
lx: caalwaay
pd: (caalwaayey / caalwaaydey)
ps: v1=cmp
key: caalwaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waahwaah
(ereydhawaaq) tusmeeya wax laga helo oo la jecleysto kolka la arko. Waahwaah! Waabad iga darrayd shaw!. Dh: waaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalwaal
f.g1 (-aalay, -aashay) Is w.: qof waalan iska dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waalwaal
f.g1 (-aalay, -aashay) Is w.: qof waalan iska dhigid. m.f.dh, waalwaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalwaal
(fal) is ~ qof waalan iska dhig.
waalwaal: (fal) wax culus hareeraha qabo oo qaad.
waalwaal -ka: (magac, lab, keli) qaadista wax culus oo labada dhinac la hayo.
waalwaal -ka: (magac, lab, keli) «is iska dhigidda sidii qof waalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waanwaan
(Waanwaan-ta)
Nabad yar oo ay kala dhigtaan labo qolo oo colaadi dhex taal; heshiis nabadeed oo kummeelgaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waanwaan
m.dh 1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waanwaan
m.dh 1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waanwaan
f. n. truce; preparations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waanwaan
-ta: (n) peacemaking (piis-meeyk-ing); peace movement; reconciliation (rekon-si-liyeey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanwaan
-ta: (magac, dhedig, keli) najo iyo iddidiilo ka muuqata wadahadal iyo heshiisiin laba dhinac laga kala dhex wado; nabadraadin iyo wada hadal laba col ah dhexdood laga wado. Xal u helidda khilaafka sokeeye weli waanwaan ayuu leeyahay.
waanwaan -ta: (magac, dhedig, keli) wada tashi iyo nabad raadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waanwaan
de: truce; preparations
initial: w
lx: waanwaan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: waanwaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqwaaq
(ereycodeed) lagu tilmaansado codka shimbiraha iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waawaray
Waawaray!
Erey la yiraahdo, iyadoo lagu dhawaaqayo, kolka la argaggaxo ama la baqo ama cabsi laga digayo, si la isugu soo gurmado; Ciidamow! Qaatoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waawaray
e.d Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waawaray
inter. help!; wow!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waawaray
de: help!; wow! Expression used to call for assistance or to indicate shock or amazement {C & S}
initial: w
lx: waawaray
ps: intj
key: waawaray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof aqoon badan ka helay wuxuu soo maray ama soo arkay. Adaa waayaale ahe war naga sii wixii ku soo maray. Dh: waaya'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalo
(fal) wax culus qaado oo la soco. Alaabtan cidi kulama qaadaysee kelidaa walwaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryaaya
u.j.w eeg waryaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyaabo
m.l.w eeg wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyaabo
m. n., pl. things, substances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyaabo
-waxyaabaha: (n) [plural of wax] things (thingis); items (aay-temis) ~ sheyyaal, walxo. Ex: ... iyo waxyaabo kale... and other things
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyaabo
-ha: (magacwadareed) shay yaal badan oo kala duwan. Dh: waxyaalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyaabo
de: things, substances Sg: wax
initial: w
lx: waxyaabo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: waxyaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyaalo
m.l.w eeg wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyaalo
m. n., pl. things, items
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyaalo
de: things, items Sg: wax
initial: w
lx: waxyaalo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: waxyaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waysaalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaalo geesinimo ku jirto oo la sameeyo. Goobtaa Axmed baa waysaalo dhigay. Dh: wacdaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayoonayn
m.dh (kiim.) Habka soo saaridda ayoonnada. ab m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoonayn
vl. n. ionization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoonayn
de: ionization
lx: aayoonayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: aayoonayn
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAYO-WEYN
(Aiyo-uen) S, C Portulaca oleracea L. Portulacacae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dad, xoolo iyo wixi lamida wax waabaayo hayso noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayow
(fal) sumow; mid sumoobay noqo.
waabaayow -ga: (magac, lab, keli) sun ama waabay qaadid oo yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabwaabi
(fal) mar in ka badan waabi; waabi oo haddana waabi. Ninka waalanee waran qaatay iyo wiilkii yar ee waabwaabiya, yaa u kala warrama!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayitaan
-ka: (n) the act of not finding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayitaan
-ka: (magac, lab, keli) heli waayitaan oo ka quusasho.
waayitaan -ka: (magac, lab, keli) keli) dhicid oo dallici waayid. Li: helitaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laas-Caano
pr. n., loc. Las-Ano, Milk Well [city in north Somalia.]
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maana-faay
name-f mindfulness; mentally fit and healthy; intellectual (the mindful Fatima; or Fatima, the mindful)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaqdhaaco
v. sacrifice (an animal) for one's own benefit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaqdhaaco
de: sacrifice (an animal) for one's own benefit
initial: w
lx: waaqdhaaco
pd: (waaqdhaacday)
ps: v3b=
key: waaqdhaaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-arag
m. n.,abs. experience; expert, experienced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaya-arag
-ah: (adj) experienced (ikis-pirii-yansid); skilled (iskil-idh); expert (ekis-peert); veteran (vee-taran)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waaya-arag
خبرَة، تَجْرِبَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayo'arag
(tilmaame) eeg waaya'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranwaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qof war badan oo inta uu cid war ka qaado cid kale u warrama isaga oon loo diran. Waranwaryo waa isku dire. Dh: namiim, diradiraale.
waranwaryo -da: (magac, dhedig, keli) sheeko la iskaga gudbiyo laba qof oo wax isku tidhi oo isku dir looga gol leeyahay. Waranwaryada waa la isku nacaaye iska daa. Dh: namiimad, iskudir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaaba-jaabo
-jaaba-jaabada: (n) 1. firewood (faayarwuudh)~}&ak>o. 2. a collection of useless things or people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waqti-qaado
-waqti-qaatay / waqti-qaadatay: (v) have fun; take one's pleasure; enjoy oneself ~ raaxayso
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CARMO-WARAABO
(Armo-warabo) N Cissus cactiformis Gilg. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahaydhmaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) daaqa xooluhu dikheeyaan. Dh: dhikh. Li: cosob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. la-mid: waddo-hunguri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddo-caanood
m.dh Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela; waddo-hunguri.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAXARO-XAARIS
(Waharo-haris) N Ipomoea jaegeri Pilger. Convolvulaceae.