waayo'arag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayo'arag
(tilmaame) eeg waaya'arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaya'arag
(Waaya'arag-ga)
Aqoon laga helo wixii hor loo soo qabtay ama loo soo arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaya'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof wax bandan u soo joogay garaad iyo aqoonna leh. Qof waayo-arag ah wax looma tilmaamo. Dh: indheergarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-arag
m.l.kh la-mid: waaya-arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-arag
m.l.kh W. ah: qof leh aqoon dheeraad ah oo laga kasbado shaqo, dad la dhaqan, farsamo iyo wixi lamida. la-mid: waayo-arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-arag
m. n.,abs. experience; expert, experienced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaya-arag
-ah: (adj) experienced (ikis-pirii-yansid); skilled (iskil-idh); expert (ekis-peert); veteran (vee-taran)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waaya-arag
خبرَة، تَجْرِبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.

cilmi
cilmi¹: m.l (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. la-mid: culuun.
cilmi²: m.l (naxwe) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.

dhulmareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.

ilbax
ilbax¹: m.l.kh I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.
ilbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khibrad
m.dh (-do, m.l) Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. la-mid: khibro.

kubkucirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dalal badan maray oo waayo-aragnimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahmaah
maahmaah¹: m.dh (-ho, m.l) Erayo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. la-mid: maahmaahyo.
maahmaah²: f.mg1 (-hay, -hday) Maamaah sheegid ama allifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mujarrab
m.l (-byo/-biin, m.dh) Qof tijaabooyin badan waayo-aragnimo ku kasbaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baayoloji) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. la-mid: inistinkt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-aragnimo
m.dh Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. la-mid: waayo-aragnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajayaqaan
m.l Nin waxgaradnimo iyo waayo-aragnimo isku darsaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmi
cilmi¹: m.l (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. la-mid: culuun.
cilmi²: m.l (naxwe) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulmareen
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof dalal badan maray oo waayo arag ah. 2. Qof dhul aan hore loo aqoon helay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbax
ilbax¹: m.l.kh I. ah: qof aqoon iyo waayo-aragnimo u leh nolosha magaalada.
ilbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nolol magaalo aqoon iyo waayo-aragnimo u yeelasho. m.f.dh, ilbixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khibrad
m.dh (-do, m.l) Waayo-aragnimada iyo aqoonta uu qofku ka soo kasbo hawl uu muddo badan hayey. la-mid: khibro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maahmaah
maahmaah¹: m.dh (-ho, m.l) Ereyo kooban, qaafiyad leh, oo sheegaya murti waayo-aragnimo xambaarsan. la-mid: maahmaahyo.
maahmaah²: f.mg1 (-hay, -hday) Maamaah sheegid ama allifid. m.f.dh, maahmaahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkucirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin xaakiim ah ama waayo-aragnimo dheeraad ah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadki'arag
(Wadki'arag-ga)
Wedki'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadki'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wadki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wedki'arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) eeg wadki-arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waawaray
Waawaray!
Erey la yiraahdo, iyadoo lagu dhawaaqayo, kolka la argaggaxo ama la baqo ama cabsi laga digayo, si la isugu soo gurmado; Ciidamow! Qaatoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waawaray
e.d Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waawaray
inter. help!; wow!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waawaray
de: help!; wow! Expression used to call for assistance or to indicate shock or amazement {C & S}
initial: w
lx: waawaray
ps: intj
key: waawaray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayitaan
-ka: (n) the act of not finding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayitaan
-ka: (magac, lab, keli) heli waayitaan oo ka quusasho.
waayitaan -ka: (magac, lab, keli) keli) dhicid oo dallici waayid. Li: helitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayowaayo
(falkaabe) eeg waayawaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadki-arag
m.l Cantalyaa, coomaadi. la-mid: wedki-arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadki-arag
m. n., [compound] bird species, said to be in a state of fear at all times
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedki'arag
(Wedki'arag-ga)
Shinbir la moodo inuu weligi naxsan yahay; (ama wadki'arag).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calool'adag
(tilmaame) qof aan sirtiisa la helin ama aan nixin; qof aan biqin.
calool'adag: (tilmaame) aan sindhoonayn; aan calooshiisu socon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadka'adag
(Haadka'adag-ta)
Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadka'adag
-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.
haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-waayo
m.l Waayo kale geddisan oo la soo maray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waayo-waayo
m.l Waayo kale geddisan oo la soo maray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkii'arag
-ga: (magac, lab, keli) qof weyn oo qiyaasi kara waxa ku soo foolleh. Nin weyni waa wedki'arag. Dh: indheer garad. Dh: wadkii-arag. wadki'arag.
wedkii'arag -ga: (magac, lab, keli) shimbir la moodo inuu weligii naxsan yahay; wadkii'arag.