waaya'aragnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaya'aragnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof waaya'arag ah ahaan, qofka shaqda la qorayaa waa inuu waaya'aragnimo hore lahaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaya-aragnimo
m.dh Waaya-aragnimo ahaansho; khibrad. la-mid: waayo-aragnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaya-aragnimo
m.dh Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas. la-mid: waayo-aragnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaya-aragnimo
f. n. experience, state of being experienced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaya-aragnimo
-waayaaragnimada: (n) experience (ikis-piiri-yansi); practical experience; acquired knowledge
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waayo aragnimo
Esperienza
Experience
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-aragnimo
m.dh Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waayo-aragnimo
m.dh Aqoon ama fikrad la xiriirta shaqo gaar ah taasoo laga helay muddadii dheerayd ee laga shaqaynayay hawshaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murti
(Murti-da)
1. Ulajeeddo kasmo iyo aqoon iyo waaya'aragnimo ku dhisan oo ama cusub ama la dhaxlay oo fil weyn, oo sida eg ama runtu tahay, si sarbeeb ah ama cad, dadka u barta, oo hadalka iyo maansada iyo heesta iyo maahmaahda iyo waxyaalo kale oo suugaanta kamid ah, laga dhex helo; hadal saamays weyn leh; suugaan; xigmad; quluud.
2. Duluc; ujeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugcadde
(Ruugcadda-ha)
Nin odaynnimo iyo waaya'aragnimo ka soo saareen karti iyo dhabar'adayg; ruugmaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tab
(Tab-ta)
Aqoon gaar ah oo waaya'aragnimo lagu soo bartay oo hawl ama cayaar ama wax kale oo adag qabashadooda fududaysa; hab;
2. Sir; dhagar; xeelad; khatal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeelad
(Xeelad-da)
Aqoon gaar ah oo waaya'aragnimo ka timid oo hawlaha iyo waxqabashada lagu farsameeyo oo lagu fududeeyo; tab; khatal; xirrib; sir; (ama xeel, xeelo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abwaan
m.l (abwaanno, m.dh) 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. Abwaan ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riwaayad) Qof riwaayadaha curiya.

bisayl
m.l 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iyo wixi lamida marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. la-mid: bislaan.

bisil
f.mg4 (-slaa, -slayd) 1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iyo wixi lamida wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murti
m.dh Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iyo wixi lamida laga dhex helo; xigmad.

ruugcadde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin da' weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.

xeeldheere
m.l.kh (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abwaan
m.l (abwaanno, m.dh) 1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. Abwaan ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riwaayad) Qof riwaayadaha curiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisayl
m.l 1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iyo wixi lamida marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. la-mid: bislaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisil
f.mg4 (-slaa, -slayd) 1. Cuno, wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 2. Miro iyo wixi lamida wax heerkii lagu cuni lahaa gaarey ahaansho. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad ah leh ahaansho. m.f.dh, bislaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaalkagaar
m.l Qof dhawaan meherad, balwad iyo wixi lamida bilaabay oo aan waaya-aragnimo u lahayn. la-mid: gadaalmagaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murti
m.dh Ulajeeddo kasmo, aqoon iyo waaya-aragnimo ku jirto oo hadalka, heesaha, gabayada iyo wixi lamida laga dhex helo; xigmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruugcadde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin da' weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeeldheere
m.l.kh (-rayaal, m.l/dh) Qof aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah u leh qayb cilmiga ka mid ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adept
/adhept/ (adj) khibrad ama waaya-aragnimo leh. e.g. He became more adept at his work.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aygaradnimo
m.dh Aygarad ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxgaradnimo
m.dh Caaqilnimo; waxgarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxgaradnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caaqil ahaan; aqoon iyo garasho lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayawaannimo
(Xayawaannima-da)
Xayawaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayawaannimo
m.dh Xayawaan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayawaannimo
f. n., [abstract] condition of being an animal; stupidity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayawaannimo
-xayawaannimada: (n) 1. animality (a-ni-maaliti). 2. stupid act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayawaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) doqonniimo maangaabni ah oo la mid ah ta noolaha aan caqliga lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayawaannimo
de: condition of being an animal; [fig.] stupidity
initial: x
lx: xayawaannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xayawaannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaqaatannimo
m.dh Caadaqaate ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abakaarnimo
m.dh Abakaar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abakaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsade haynyar ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhyaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad qaddarin mudan ahaan. Akhyaarnimadiisu, hadalkiisa ayay ka muuqatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarnimo
(Barbaarnima-da)
Barbaar ahaan; dhallinyarannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarnimo
m.dh Barbaar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbaarnimo
f. n., [abstract] young adulthood, youth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbaarnimo
-barbaarnimada: (n) the condition of bring young adult male; youthfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha barbaar koray. Dh: dhallinyaranimo, gurboodnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbaarnimo
de: young adulthood, youth
lx: barbaarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: barbaarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayeernimo
-da: (magac, dhedig, keli) sida daayeerka u dhaqmid. Dh: daanyeernimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharaarnimo
m.dh Maalinnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharaarnimo
-dharaarnimada: (n) daytime (dheey-taaym) ~ maalinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaansha milay dharaareed. Labiyo tobankii dharaarnimo waan shaqaynaayay. Dh: maalinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallaagnimo
m.dh la-mid: fallaaganimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ikhyaarnimo
(Ikhyaarnima-da)
Ikhyaar ahaansho; sansaanka iyo falaadka ikhyaarka; wabarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ikhyaarnimo
m.dh Ikhyaar ahaansho. la-mid: aqyaarnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ikhyaarnimo
f. n., [collective] good manners, civilized behavior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ikhyaarnimo
-ikhyaamimada: (n) the act of being considerate or kindly; gentleness (jen-tal-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhyaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta qof wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ikhyaarnimo
de: good manners, civilized behavior
lx: ikhyaarnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: ikhyaarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagnimo
m.dh Sagsaag ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santaagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dadka iskala weynaan. Dh: islaweyni.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqajaanimo
-saqajaanimada: (n) immorality (i-moo-raalati)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waayeelnimo
(Waayeelnima-da)
Waayeel ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeelnimo
m.dh Waayeel ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waayeelnimo
f. n., [abstract] old age, elderliness; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waayeelnimo
-waayeelnimada: (n) 1. the act of being old; old age; maturity. 2. responsibility ~ masuulnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeelnimo
-da: (magac, dhedig, keli) waayeel xilkas ah ahaan; qof da' jooga ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waayeelnimo
bw: madaxnimo
de: old age, elderliness; leadership
initial: w
lx: waayeelnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: duqnimo
key: waayeelnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wastaadnimo
m.dh Wastaad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wastaadnimo
f. n., [abstract] masonry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wastaadnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wastaad ku shaqayn; farsamayaqaanka aqallada dhisa ahaan. Nin wastaadnimo ku shaqeeya iigu yeedh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wastaadnimo
de: masonry
initial: w
lx: wastaadnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: wastaadnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraannimo
m.dh Xaaraan ahaansho. la-mid: xaaraantinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraannimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaraan ahaan; wax sharci ahaan la oggolayn oo xalaasha ka soo horjeeda ahaan. Ribada xaaraannimo ayaa loo nacaa. Dh: xaaraantinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflahaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada qof afmiinshaar ah. Aflahaarnimo awood ma aha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadyaalnimo
m.dh Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax muuqda ahaansho; dibadyaal ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayanaansho
m.l/dh la-mid: caayanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaawannimo
m.dh Cadaw ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawannimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadaawe ahaansho; cadownimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faantaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qabweyni iyo kibir; isqaadqaadid macnala'aaneed. Dh: batraanimo, faacuuranimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaaganimo
-da: (magac, dhedig keli) mucaaradnimo hubaysan iyo u jabhadayn lagala hortego nidaam jira, Dh: mucaaradnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangaabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aan nasab ahayn ama tol weyn ka dhalan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaabnimo
m.dh la-mid: maangaabi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maangaabnimo
-maangaabnimada: (n) stupidness (istuupidnes); slowness (isloow-nes), dullness (dal-nes), obtuseness (obtuus-nes); blockheadedness ~ doqonnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax maangaaban oo kasmadiisu kooban tahay ahaan. Dh: kasyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macangagnimo
(Macangagnima-da)
Macangag ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macangagnimo
m.dh Macangag ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macangagnimo
f. n., [abstract] obstinacy, stubbornness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macangagnimo
- macangagnimada: (n) obstinacy (oo bis-tanas i); single-mindedness; hard line; stubbornness ~ see also [eeg] macangag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macangagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) macangag ahaan; qof dabcixun oo madax adag ahaan. Dabeecadda macangagnimada ah iska daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macangagnimo
de: obstinacy, stubbornness
lx: macangagnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: macangagnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mucaaradnimo
m.dh Mucaarad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mucaaradnimo
f. n., [abstract] antagonism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mucaaradnimo
-da: (magac,dhedig, keli) cid wax diddan oo ka soo horjeedda ahaan; mucaarad ahaan. Dh: macaaradnimo, mucaaridnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mucaaradnimo
de: antagonism
lx: mucaaradnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: mucaaradnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaangaarnimo
-qaangaamimada: (n) puberty (piyuubarti); maturity (majuurati); adulthood (a-dhalt-huudh) ~ baaluqnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacatannimo
m.dh Raacato ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacatannimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad xoolo raacato ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqajaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) ka arradnaanta dhaqanka iyo sharafka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaydaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) shaydaan ahaan.