waaxwaaxsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxwaaxsad; waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxso
(fal) waadhwaadhso; lugaha oo kala fog soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxaysasho
m.f.dh eeg waaxayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsad
-ka: (magac, lab, waadhwaadhsasho oo lugaha kala fogayn. waaxwaaxsadka daa oo saani u tallaabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walalaaxsasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg walalaaxsad; waadhwaadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwaadhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) waaaxwaaxso oo sidii wax la guday u soco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsi
-ga: (magac, lab, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ay isdhawridi ku jirto. Wiilasha baarada laga gooyaay waxa lagu gartaa waaxwaaxsiga. Dh: waadhwaadhsi, waarwaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxsasho
m.dh eeg wabaxso. la-mid: wabxib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad leedahay iyo wixii la mid ah biyo ka dhergin oo daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansasho
m.f.dh eeg cawaanso. la-mid: cawaansad, cawaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cawaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaarsasho
m.f.dh eeg cawaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansasho
m.f.dh eeg dawaanso. la-mid: dawaansad, dawaansi, tawaansad, tawaansasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) barraaqsadka iyo fadhi aan habaysnayn oo kala baahsan fadhiisi. Dh: hawaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsasho
m.dh la-mid: lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwaaxsasho
m.f.dh eeg quwaaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysasho
(Raaxaysasha-da)
Raaxo ku dhex noolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysasho
m.f.dh eeg raaxayso. la-mid: raaxaysad, raaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxaysi jrid; raaxo ku dhex noolaansho. Huteellada waa loo galaa raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansasho
m.f.dh la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalaysasho
m.f.dh eeg waalayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta waalo ciyaarid. Dhallinyaradu waalaysashada way iskugu yeedhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaadid iyo la socod wax culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagsasho
m.f.dh eeg wanaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale in uu wanaagsan yahay u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsasho
m.f.dh eeg waraabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer iyo wax la mid ah biyo siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warwacsasho
(Warwacsasha-da)
Sabab iyo marmarsiinyo qurux badan ama lagu faani karo ka dhigasho, sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warwacsasho
m.f.dh eeg warwacso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) war dirsasho. Kolkuu magaalada yimidba warwacasho ayuu saaxiibbadii u dirsaday. Dh: qayladhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaansasho
m.f.dh eeg garwaanso. la-mid: garwaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaqsasho
m.f.dh eeg garwaaqso. la-mid: garwaaqsad, garwaaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaafsasho
m.f.dh eeg khawaafso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cabsi ku ridasho. Dh: baqsasho, didsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansasho
(Daandaansasha-da)
Xumaan iyo dagaal ka doonid; ka caraysiin; maagid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansasho
m.f.dh eeg daandaanso. la-mid: daandaansad, daandaansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansasho
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarro ku doonasho. Daandaansashada docdaada la joog. Dh: edebdarraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansasho
de: provocation
lx: daandaansasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daandaansasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daandaansasho
إغضاب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaankaansasho
(Kaankaansasha-da)
Kicid isu diyaarin; ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaansasho
m.f.dh eeg kaankaanso. la-mid: kaankaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicid isu diyaarin ah. Dh: ruqruqaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la sido, korka sare qabasho oo sidaas ku qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hadal iyo wixii la mid ah ku celcelin oo ku tiiqtiiqsa, iyadoo la kala saafayo hadalka si fahankiisu u xeel dheerado, oo uu u kala cadaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibaysasho
m.f.dh eeg waajibayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waajib ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxaysasho
m.dh la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarsasho
m.f.dh eeg maradhaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsasho
m.dh la-mid: abaarsad, abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsasho
m.f.dh eeg asaagso. la-mid: asaagsad, asaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad isku fil iyo da' tihiin u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsasho
m.f.dh eeg dawarso. la-mid: dawarsad, dawarsi, dewersad, dewersasho, dewersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ku noolaanshaha aan tuugsiga laga xidhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanasho
m.f.dh eeg kawaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysasho
(Kaxaysasha-da)
Wax nool oo socona haya wadasho, la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysasho
m.f.dh eeg kaxayso. la-mid: ka-xaysad, kaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxayasad, kaxaysi, wadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsasho oo afka ka keensasho. Malaasashada ad weelka malaasanayso ma beelo ba'ay baad ka hadhay. Dh: buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawisasho
m.f.dh eeg qaawiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawisasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka ama qayb ka mid ah dharka ka tirid: is qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxaabasho
m.f.dh eeg raxaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaxsasho
m.f.dh eeg tabaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsasho
m.f.dh eeg walacso. la-mid: walacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walacsi cid inta wax loo fiiqo haddana diidmo faan ku jiro loo diido; hor marmarin cid la hor marmariyo wax ay u baahan tahay in la siiyana loo diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aabayeel la'aan ah wax u cunid. Walamsadka waa lagu saxdaa. Dh: qalamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraarasho
m.f.dh eeg waraaro. la-mid: waraarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysasho
(Waraysasha-da)
Cid wax weydweyddiin, si war looga helo; war ka doonid, ka raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysasho
m.f.dh eeg warayso. la-mid: waraysad, waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax weyddiin; su'aalo xog lagu raadinayo cid la yeelasho. Dh: waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwacasho
-da: (magac, dhedig, keli) sabab iyo marmarsiiyo qurux badan oo lagu faani karo ka dhigasho. Dh: sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watahsasho
m.f.dh eeg watahso. la-mid: watahsad, watahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxbarasho
m.dh Tacliin; aqoonkororsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxbarasho
m.dh Tacliin; aqoonkororsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxbarasho
vl. n., [compound] education, instruction, one's studies
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxbarasho
-waxbarashada: (n) education (eju-keey-shiri)-, learning (leern-ing)-, study (istadi) ~ tacliin, waxbarid. Ex: Wasaaradda Waxbarashada; the Ministry of Education
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) tacliin iyo cilmi dhiman barasho; aqoon korodhsi, aqoon barasho, cilmi biirsi. Waxbrasho la aani waa iftiin la aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxbarasho
de: education, instruction, one's studies
initial: w
lx: waxbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: waxbarasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waxbarasho
تعليم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxqabasho
m.dh la-mid: waxqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waxqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo iyo ehel ka yeelasho. Dh: aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansasho
m.f.dh eeg abbaanso. la-mid: abbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansasho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ammaano ahaan u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaadsasho
m.f.dh eeg awlaadso. la-mid: awlaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) baaho iyo gargaar urursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysasho
m.f.dh eeg baasayso. la-mid: baasaysad, baasaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhigashada wax baas leh oo belo ah.