waaqla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqla'
m.dh.kh W. ah: meel aan cidi degganyn; cidla ciirsila'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqla
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidla' ah oo aan la degganayn. Waaqla' ayaannu xalay barinay. Dh: ciirsila'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaaqla'
(tilmaame) meel aan cidi ku noolayn. Dh: cidla', waaqla'. Wa: jaaqlooyin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
desolato
agg. - tiiraanyaysan, cidla', waaqla'.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
disabitato
agg. - waaqla', cidla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulato
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan dad joogin; cidlo ciirsila'; waaqla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhla'
-da: (magac, dhedig, keli) aan inaba shanqar ahayn; juuqla la' ah.
sanqadhla' -da: (magac, dhedig, keli) meel cidla ah oo aanay dad iyo duunya ba joogin. Dh: waaqla, juuqla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlayn
m.f.dh eeg waaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) oohin badan ooyid; cod 'waaq' ah ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun waalli ah qaadid. Marka faqri iyo dagaalla jiraan waaladka ayaa bata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalan
Waalli qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Qof waalli hayso ahaansho. 2. U w.: cid wax si xad dhaafa ah u jecel ahaansho. m.f.dh, waalanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waalan
f. n. noun of the feminine gender {grammar}
waalan [derived] [adjective] insane, crazy, mad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Waalan
fou.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waalan
-waalnaa / waalnayd: (adj) mad (maadhy, crazed (ka-reeyzid); insane (in-seeyn); mentally disturbed; lunatic (luuna-tik); mental (men-tal), nuts (na-tis); crazy (ka-reeysi). Ex: ma waalan tahay? are you crazy or nuts?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalan
(tilmaame) miyir la' oo maanka iyo kala garashaduba ka luntay ah. Ninka waaln ee, waran qaatay iyo, willkil yaree, waabwaabiyana, yaa u kala warrama. Dh: miyirdoorsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waalan
de: insane, crazy, mad
initial: w
lx: waalan
pd: (waalnaa)
ps: adj-der
key: waalan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waalan
مَجْنُونِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalay
(Waalay-ga)
Qaalin ama dibi qooqii ugu horreeyey qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalay
m.l (-yo, m.dh) Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waalay
m. n. male animal coming into rut ~ heat for the first time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalay
(fal) ciyaarta waalada ciyaar.
waalay-ga: (magac, lab, keli) qaalin, dibi ama orgi aan weli adkaan oo joome noqon. Dh: geesbooc. Li: joome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waalay
de: male animal coming into rut ~ heat for the first time
initial: w
lx: waalay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: waalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqaa
(falkaabe) weligaa; abid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqle
-ha: (magac, lab, keli) qori ama hub ka dhaca jiibka oo taangiyada lagaga hortego. Intaan waaqle iyo, wareerkani dhicin, gaashaanle wanaagsanaayaa.
waaqle -ha: (magac, lab, keli) shimbir madaw oo xeebaha iyo meelaha degaannada ah ku badan. Intaan waaqluhu ciyin ee waaga berigiisa kallah. Dh: qanbaar, tuke, qaaqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqlal
waqlal¹: m.dh la-mid: walqal¹.
waqlal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: walqal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waqlal
waqlal¹: m.dh la-mid: walqal¹.
waqlal²: f.mg1 (-alay, -ashay) la-mid: walqal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waqlal
m. n. naming ceremony for a newborn child
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waqlal
-ka: (n) name giving to an infant and ceremonial dedication, usually with the ritual slaughter of an animal ~ see [eeg] walqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqlal
-ka: (magac, lab, keli) eeg wanqal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waqlal
de: naming ceremony for a newborn child
initial: w
lx: waqlal
pd: (-ka)
ps: n-m
see: walqal
key: waqlal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warla'
der. [adjective] uninformed, unknowing, ignorant
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warla'
name-f innocent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warla'
-aa / ayd: (n) unaware (an-aweer); in ignorance (in ig-no-ransi); ignorant (ig-no-rant); not told; uninformed (an-in-foormidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warla'
(tilmaame) warlaawe aan xog hayn ah. Warla' ayuu ku helay colku reerka. Dh: colmoog, warmoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warla'
de: uninformed, unknowing, ignorant
initial: w
lx: warla'
pd: (warla'aa)
ps: adj-der
key: warla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaqla
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidia' ah oo aan wax jooga iyo wax ka shanqadhaya midina jirin: cidlo ciirsi la'. Maxaan yaaqla keligay ka yeedhay ciyow wehel i ahaa Dh: gabaahiir, jaagla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabla'
Kartida xusuusta iyo wax garashadiisu yar tahay; wax kasta oo loo sheego ama la ogeysiiyo illaawa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan xusuus lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laabla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan xusuus lahayn ahaansho. m.f.dh, laabla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabla'
adj., [expression] absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabla'
-aa: (adj) forgetful (for-gat-fuul); unmindful (an-maayndfuul); oblivious (obliiviyas) ~ hilmaan badan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabla'
(tilmaame) dhugmo la'aan, fahamo yaraan aan wax badan la fahmin. Dh: qalbila'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabla'
de: absent-minded
lx: laabla'
pd: (laabla'aa)
ps: adj-expr
key: laabla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanla'
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh maan gaaban. Maanlaay haddaad iga warhayso waan mabsuudi lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqlee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Qof, tuke iyo wixi lamida qaylo dheer aad ugu qaylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaqlee
v. make a shrill, piercing sound (of bird, frog, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqlee
(fal) oy oo si kor ah u qayli; codka 'waaq' ku celceli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaqlee
de: make a shrill, piercing sound (of bird, frog, etc.)
initial: w
lx: waaqlee
pd: (waaqleeyey)
ps: v2b=intr
key: waaqlee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baahila'
name-fhungerless; needless; demandless. Lit: self-sufficient
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilad
m.dh (-dyo, m.dh) Naag caqli badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garanla'
adj., [expression] without understanding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garanla'
-aa: (adj) can't understand, apprehend or comprehend ~ fahmila'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garanla'
cf: gar
de: without understanding
lx: garanla'
ps: adj-expr
key: garanla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hagarla'
magac ama naanays loo baxsho gabadh wax qabadka xil gaar ah iska saarta oo aan wixii dedaal ah la waakan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarla'
(tilmaame) hawl, arrin iyo wixii la mid ah kal iyo laab kusoo dhawayn oo ku qaabilid. Adigu si hagarla' baad shaqada u waddaa. Dh: daacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaqlay
-da: (magac, dhedig, keli) kalagoyska tagoogta iyo calaacashu halka ay iska galaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxla'
(Madaxla'-da)
Waddo soo oodanta; aan madax lahayne go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxla'
m.dh 1. Waddo yar oo markii waxyar lagu socdo dhammaato. 2. Jeex wax yar markuu socdo dhamaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxla'
f. n. closed road, dead end
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxla'
-da: (magac, dhedig, keli) waddo soo oodanta oo aan lahayn meel loo sii socdo. Dariiq madaxla' ah ayaad na soo marisay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxla'
de: closed road, dead end Lit: without a head
lx: madaxla'
pd: (-da)
ps: n-f
key: madaxla'
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qaladla'
name-f corrected, errorless; straight; righteous. Syn: Qaladla', Saxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qaladla'
magac loo bixsho gabadh la rajaynayo inay yeelato habdhaqan toosan oo aan wax la quudhsado lahayn. Qaladlaay walaal, calaf waa mar qudha, tiro waa cuddoon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saxarla'
name-f the one without fault). Syn: Ceebla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Saxarla'
magac loo baxsho gabadh quruxda ay leedahay la moodo biyo aan saxar ku duulin, wax ceebaal ah lahayn oo saafi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waallaan
(Waallaan-ta)
(waalnaan) wax waalan ama waalli qaba ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waallaan
f. n., [abstract] insanity, madness, state of being insane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waallaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax waalan oon miyir qabin ahaan. Waallaantu waa cudur ilaahay keeno. Dh: waalli, wajaqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waallaan
a: waalnaan (ta) [n0-f-abs]
de: insanity, madness, state of being insane
initial: w
lx: waallaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: waallaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqwaaq
(ereycodeed) lagu tilmaansado codka shimbiraha iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaali'
(fal) xoolo iyo wixii la mid ah, wada raac; gaar u raac.
wadaali: (fal) is dhaafi adoo dad kale la qabanaya. Wadaali oo dibadda innoo dhaafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnala'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof cabsi badan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadnala'
adj., [expression] cowardly, fearful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnala'
(tilmaame) fulay ah oo cabsi badan. Nin wadnala' wehel kuuma nogdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadnala'
de: cowardly, fearful
initial: w
lx: wadnala'
pd: (wadnala'aa)
ps: adj-expr
key: wadnala'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wakaalad
(Wakaalad-da)
1. Xafiis dowlad ama shirkad ama cid kale ka wakiil ah, oo danaha u ilaaliya (kuwo ganacsi iyo kuwo kaleba).
2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale lee yahay ku maamulo, oo wakiil ugu ahaado; (ama wakaalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wakaalad
m.dh (-do, m.l) 1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wakaalad
m.dh (-do, m.l) 1. Hay'ad dawladeed oo hawl gaar ah u qaybsan oo wasaarad hoos tagta. 2. Warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa karti uu dano ama hawlo qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wakaalad
f. n. office, agency; delegate, representative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wakaalad
-da: (n) 1. agency (ey-jansi); department (di-paart'-ment); representative (rapara-zen-ta-tiv)~ hay'ad. Ex: wakaaladda shaqaalaynta; the employment agency. 2. power of attorney; written authority wakiilasho. Ex: wakaalad baan Cali u sameeyey; I gave Ali power of attorney
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wakaalad
-da: (magac, dhedig, keli) xafiis dawladeed ama shirkad u xilsaaran shaqo go'an oo lagu og yahay. Wakaaladda biyaha gee waraaqahaaga.
wakaalad -da: (magac, dhedig, keli) warqad si sharci ah u qoran oo qofka haysta siisa awood uu dano qof kale leeyahay ku maamulo oo wakiil uga ahaado. Baanku wuxu doonaa wakaalad si ninka maqan lacag loogu qaado. Dh: wakaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wakaalad
de: office, agency; delegate, representative
initial: w
lx: wakaalad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: Arabic
xv: wakaalo (/da) [n6-f]
key: wakaalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalay
(fal) walaalo ka dhig. Dadka walaaleeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlay
(fal) kolba is melmel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waa'
(fal) ha helin oo ka quuso; imtixaan ku dhac. Dh: gab. Li: hel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waal
(Waal-ka)
Jaal; laag, fac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Qof wax maskaxda lagaga jiro ka dhigid. 2. Is w.: qof waalan iska dhigid. 3. Qalabka matoorrada mid ka mid ah oo qarxinta shidaalka ka qaybgala. m.f.dh, waalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waal
m. n. age-mate, contemporary, person of the same age; equal (of the same rank ~ social standing)
waal v. madden, drive someone mad, make someone go insane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waal
-ay / waashay: (v) madden (maa-den); make mad; drive mad, drive insane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waal
(fal) miyirka ka qaad; waalli ku rid.
waal: (fal) khiyaanee oo wax aan jirin run uga dhig.
waal -ka: (magac, lab, keli) bir injiinnada ku jirta oo qarxinta shidaalka ka qaybgasha. Waalka ii soo qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaq
(Waaq-a)
Ilaah; Eebbe; Rabbi.
Waaq-
(sida waaqay, waa-qood) weli-waaq; waq-waaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaq
m.l Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. la-mid: waq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaq
m.l Magac ay Soomaalidu waagii hore ay u tigiin Ilaah. la-mid: waq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waaq
m. n. God
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaq
adv., time: still, yet, ever; never
waaq inter. croak