waanjuucin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanjuucin
-ta: (magac, dhedig, keli) xurmayn la'aan iyo cadaadis cid lagula dhaqmo. Waanjuucinta ka ilaali dadka kuu shaqeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanjuuci
(fal) cadaadi oo cid haba yaraatee ha xurmayn. Ciddii aan ku xurmayn adna waanjuuci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waanjuucis
-ka: (magac, lab, keli) xurmayn la'aan iyo cadaadis cid lagula dhaqmo. Waanjuucis waa dhaqan colaadeed.
waanjuucis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg waanjuucin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) camajuujin; camcamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» meel ka weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumin
m.dh la-mid: daadduumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurin
m.f.dh eeg jaanguuri. la-mid: jaanguuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano siin; naaska u dhigid; nuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanuun
-ka: (magac, lab, keli) caano geel oo dhanaanaaday. Dh: karuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanuun
(Qaanuun-ka)
Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ahi ku dhaqanto ama dadyow badani ku wada dhaqmo; xeer; (ama qaynuun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaanuun
m.l (-nno/qawaaniin, m.dh) 1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. m.dh, qawaaniin. la-mid: qaynuun, qeynuun.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanuun
Rule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanuun
m. n. rule, law, ordinance, regulation; procedure; constitution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaanuun
-ka: (n) law (loo); regulation (rege-leey-shen)-, rule (ruul): bylaw (baay-loo); legislation (legas-leey-shen) ~ qaynuun, sharci, xeer, dastuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanuun
-ka: (magac, lab, keli) qodobbo sharci ah oo lagu heshiiyo si loo nidaamiyo maaraynta xidhiidhka bulshada dhexdeeda ama bulshada iyo dawladda u dhexeeya. Caliyoow qaanuunka ilaali oo ha ku xad gudbin. Dh: xeer, qaynuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaanuun
a: qaynuun ~ qeynuun
bw: Arabic
de: rule, law, ordinance, regulation; procedure; [ext.] constitution
lx: qaanuun
pd: (-ka Pl: qawaaniin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: qaanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunin
m.f.dh eeg ganuuni. la-mid: ganuunis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunin
(Hanuunin-ta)
Waddada wanaagga, samafalka iyo Alla-ka-yaabka kuduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunin
m.f.dh eeg hanuuni. la-mid: hanuunis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunin
vl. n. orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) waddada wanaagga iyo samafalka ku duwid. Dh: hanuunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunin
de: orientation
lx: hanuunin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: hanuunin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansuun
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl xilliyeed ka timaad badweynta Hindiya oo roobab badan u soo xambaarta xeebaha ku wareegsan. Xilliyada dabaylaha maansuuntu waa bad xidhan. Dh: maasuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majuujin
(Majuujin-ta)
Wax qoyan xoog gacnaha ugu maroojin, si biyaha ku jiraa uga yimaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujin
m.f.dh eeg majuuji. la-mid: majuujis, majuujo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan xoog gacmaha ugu maroojin si ay biyuhu uga dhammaadaan. Dh: maroojin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
majuujin
عَصر، ضَغط
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laga dhursugayo daba socoho oo ka warhayn.
raajicin -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh la furay dib u soo celin inta ay ciddada ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibin
m.f.dh eeg waajibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibin
-ta: (magac, dhedig, keli) waajib ka dhigid; hawl fulinteeda qasab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihin
m.dh la-mid: wejihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajihin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iska horgeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waasicin
m.f.dh eeg waasici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waasicin
-ta: (magac, dhedig, keli) faalalin oo wax aan cidhiidhi ahayn ka dhigid. Aqalladu waasicin ayay ku fiican yihiin. Dh: faalalin, ballaadhin, Li: cidhiidhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanjaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ka w.: wax cid ka leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanjaaci
(fal) ka meel ka weeci. Wanjaaci laxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuujin
(Xanuujin-ta)
Xanuun u yeelid, gaarsiin, dareensiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuujin
m.f.dh eeg xanuuji.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuujin
-ta: (n) hurting (heert-ing); causing physical pain; punishment (pa-nash-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xanuuniya ku jiidid; xanuun dareensiin. Waraabuhu xanuujin ayuu kaaga tegi. Dh: xanuunin, xanuujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuujin
m.f.dh eeg cantuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano iyo wa la mid ah, qof kale in afku u qaado siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: daadduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajuusid
(Jaajuusid-da)
Jaasuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajuusid
m.dh la-mid: jaasuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajuusid
-da: (magac, dhedig, kali) ku shaqaynta habka wax loo basaaso oo cid kale, xog ka tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabar goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanguuri
(fal) wax dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) sugid cid wax laga sugo iyada oo sidii looga heli lahaa lagu dadaalayo. Nin maacuudin wax lagaga waayay waa laga malaystaa. Dh: dhursugid. Li: quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuudin
m.f.dh eeg maasuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) aad uga faraxsiin oo aad raalli uga dhigid. Maasuudinta waalidka ajar ayaa ku jira. Dh: mabsuudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la mamnuucay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mamnuucan
der. [adjective] prohibited, forbidden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucan
-mamnuucnaa: (adj) prohibited (poroohibitidh); banned (baanidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucan
(tilmaame) reebban ah; la isku oggolayn ah. Wax mamnuucan ha samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamnuucan
de: prohibited, forbidden
lx: mamnuucan
pd: (mamnuucnaa)
ps: adj-der
key: mamnuucan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucid
m.f.dh eeg mamnuuc².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucid
-da: (n) prohibition (poroohibishiri); the act of prohibiting ~ maanicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucid
-da: (magac, dhedig, keli) wax reebban oon cidna loo oggolayn ka dhigid. Dh: celin, joojin. Li: oggolaansho, fasixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabuun la'aan dhar maydhid oo calaacalaha ku jijibin.
xanfuujin -ta: (magac, dhedig, keli) maro qoyan labada calaacalood xoog ugu qabasho oo aad ugu tuujin oo biyaha ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camajuujin
(Camajuujin-ta)
Camcamin; rifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujin
m.f.dh eeg camajuuji. la-mid: camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) rifid oo camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuuji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: camajuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuuji
(fal) qabo oo dhulka ama meel kale ku ruquus. Dh: camajuuji, camcami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumin
m.f.dh eeg daadduumi. la-mid: daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumin
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo ku reebid. Daadduuminta dadkan ku dhacday waa mid murugo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduumid
m.dh la-mid: daadduumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhankuulin
m.dh (-nno, m.l) Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun, dareere u fuuqsasho. Dh: haanfuurid, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuris
m.l la-mid: jaanguurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandhicin
m.f.dh eeg laandhici. la-mid: laandhicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naasnuujin
m.f.dh eeg naasnuuji. la-mid: naasnuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naasnuujin
-ta: (n) 1. breast feeding (bareest fiidhing) 2. favouritism (feey-fara-tiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid dadka kale uga roonaan oo si qarsoodi ah wax u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanjiaacin
m.f.dh eeg wanjaaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuujin
m.f.dh eeg caanannuuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandhuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunsiin
m.dh la-mid: daadduumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanduunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxin oo meel dheer u daaduumin. Daanduunsiinta maatida maxaad ka helaysaa. Dh: daaduunsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurin
m.f.dh eeg dhaqanguuri. la-mid: dhaqanguuris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid beddelid oo dhaqankii iyo hiddihii asalka u ahaa ka rarid; dhaqan kale qaadsiin. Dh: dhaqangeddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawaanraacin
(Gawaanraacin-ta)
Fardo badan, inta kuwo yar loo fuulo, didin oo eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraacin
m.f.dh eeg gawaanraaci. la-mid: gawaanraacis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawaanraacin
vl. n., [compound] driving a herd of horses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaanraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) fardo, kuwo la fuushan yahay, gurdaanraacin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawaanraacin
de: driving a herd of horses
lx: gawaanraacin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: gawaanraacin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: daadduumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanguursan
(tilmaame) dawakhsan oo dhulku la wareegayo ah. Nin maanguursan lalama hadlo. Dh: maskaxguursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansuukhan
(tilmaame) maansuukh ah. Dh: maansuukhsan, dhaandhaansan, derderan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjasuuxin
m.f.dh eeg manjasuuxi. la-mid: majasuuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqdhaacin
m.l Xoolo farabadan oo alla-bari ahaan loo qalo.