waajibid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibi
f.g2 (-iyay, -isay) Waajib ka dhigid (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waajibi
f.g2 (-iyay, -isay) Waajib ka dhigid (wax). m.f.dh, waajibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waajibi
v. make a duty for, render an obligation to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibi
(fal) waajib ka dhig; hawl fulinteeda qasab ka dhig. Qof walba nadaafadda qolkiisa ku waajibi. Dh: faralyeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waajibi
bw: Arabic
de: make a duty for, render an obligation to s.o.
initial: w
lx: waajibi
pd: (waajibiyey)
ps: v2a=tr
key: waajibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibin
m.f.dh eeg waajibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibin
-ta: (magac, dhedig, keli) waajib ka dhigid; hawl fulinteeda qasab ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waajibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihid
m.dh la-mid: wejihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajihid
-da: (magac, dhedig, keli) is hortaagid; u babac dhigid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dovére
s.m. - waajib.
v.intr. - ku waajibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaajiyid
m.f.dh eeg awaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaadhsiin. Awaajiyad baan u baahannahay, si aaska loo yimaaddo. Dh: faafin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waajibaad
-ka: (n).[plural of waajib] obligations (oobligeeyshinis); duties (dhuutis); responsibilities (ris-poonsi-bilitis) ~ xil, mas'uuliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg waajib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabid
m.f.dh eeg waab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabid
-da: (magac, dhedig, keli) waab dhisid oo laamo iyo caleen isku yayabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waajib
(Waajib-ka)
Wax la is faray oo ka tegiddoodu denbi tahay; faral.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajib
waajib¹: m.l (-baad, m.l) 1. Shaqo go'an oo qof u xilsaaranyahay oo laga doonayo inuu guto. 2. Wax Alle amray oo lays faray oo ka tegiddiisu dambi yahay; faral; farli.
waajib²: f.mg1 (-bay, -btay) Ku w.: cid inay wax samayso ku khasbanaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waajib
waajib¹: m.l (-baad, m.l) 1. Shaqo go'an oo qof u xilsaaranyahay oo laga doonayo inuu guto. 2. Wax Alle amray oo lays faray oo ka tegiddiisu dambi yahay; faral; farli.
waajib²: f.mg1 (-bay, -btay) Ku w.: cid inay wax samayso ku khasbanaansho. m.f.dh, waajibid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waajib
m. n. responsibility, obligation, duty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waajib
-ka: (n) obligation (oobligeeyshin); duty (dhuuti); responsibility (ris-poonsi-biliti) ~ farad, faral, xil. —waajib ah: (adj) mandatory (maan-dha-tori); obligatory (ob-liga-tori); required (rik-waaridh) ~ khasab ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajib
-ka: (magac, lab keli) amar in sharci ahaan la fuliyo ay lagama maarmaan tahay ka tegiddiisana uu dembi iyo gef ka ratibmo. Salaaddu waa waajib. Dh: faral.
waajib -ka: (magac, lab, keli) xil, shaqo iyo wax la mid ah oo qof laga doonayo inuu guto. Qof walba waajibkiisa ha ka soo baxo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waajib
bw: Arabic
de: responsibility, obligation, duty
initial: w
lx: waajib
pd: (-ka Pl: waajibaad (ka))
ps: n8-m, n2a-m
key: waajib
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waajib
فرض، واجب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: wejihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajihid
(Wajihid-da)
Kafool kafool uga hor tegid; wejiga siin; foodsaarid; qaabbilid; (ama wejihid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajihid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wajahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qaban kari waayid; wahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalibid
(Gaalibid-da)
Orod gaalib ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalibid
m.f.dh eeg gaalib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalibid
-da: (magac, dhedig, keli) orodka gaalibka ordid. Li: hardafidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixid
m.f.dh eeg naajax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naajax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaayibid
(Qaayibid-da)
1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.
2. Wax u bogid, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaayibid
m.f.dh eeg qaayib. la-mid: qaayib¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaayibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ula qabsasho; ugu dhaqmid; u barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa'ibid
(Taa'ibid-da)
Ilaah u soo noqosho; toobadkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taa'ibid
m.f.dh eeg taa'ib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taa'ibid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaah u soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajirid
m.f.dh eeg taajir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waafiqid
-da: (n) conformity (kon-foor-matiy, agreement (agrii-ment); accord (a-koodh); harmony (haar-ma-ni) ~ waafaqsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihin
m.dh la-mid: wejihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajihin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wax iska horgeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalifid
-da: (magac, dhedig, keli) qabatimid; caadaysasho. Kii yaraa waalifid baa ku dhacday oo qaad iyo sigaar ayuu daba ordaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaridid
m.f.dh eeg waarid³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaridid
-da: (magac, dhedig, keli) dibed ka keeid; alaab ganacsi soo dejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afwaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof odhan lahaa ka hortegid; hadal nuxurkiisa la diiddan yahay hadal kale ka horgeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaajiyid
m.f.dh eeg abaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baadi, in badan tebid la'aan oo tasoobid. Abaajiyid ayaa ka muugata shagadaada, waayo wax badan baa ka magan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanjiyid
m.f.dh eeg baanji². la-mid: baanji¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) faandigid oo aad wax u doondoonid. Dh: doondoonid, raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajabid
m.dh la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxiibid
(Saaxiibid-da)
Saaxiib noqosho; rafiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxiibid
m.f.dh eeg saaxiib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxiibid
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiib la noqasho; la jaalid. Dh: rafiiqid.
saaxiibid-da: (magac, dhedig, keli) «lacid kale xidhiidh wanaagsan oo dhow la yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talajirid
m.f.dh eeg talajir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talajirid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku arrin iyo talo inay si u dhacaan ama loo qabto filasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranjiid
-ka: (magac, lab, keli) niyadjab iyo nacsiin ciidammo dagaal ku jira lagu sameeyo. Waranjiid cadaw ma difaaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaajiid
-da: (magacwadareed) timaha ka sarreeya indhaha. Dh: sunnaarado, xawaajiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibaysad
-ka: (magac, dhedig, keli) wax waajib ku saaran ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid ama wax socday hakin. 2. Wax dagaal u taagan ama u soo socda nabar uu la hakado ama uu ku gabbado u taagid; baacin. m.f.dh, waabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabi
v. shoo; send away, keep ~ drive back; repel, throw back
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabi
-yey / say: (v) drive back; turn away; oppose with force; shoo away; repel (ri-peel); resist (ri-zist); oppose (o-pows) ~ caabbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabi
(fal) jooji oo in yar haki. Baabuurka yar waabi inta tareenku dhaafayo.
waabi: (fal) ka cabsii oo wax aad gacanta ku hayso kaga nixi. Saca usha iskaga waabi. Dh: gabbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabi
cf: celi; gaaci
de: shoo; send away, keep ~ drive back; repel, throw back
initial: w
lx: waabi
pd: (waabiyey)
ps: v2a=tr
key: waabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qofka ruuxiisa dhiba ku akhriyid; girigiri u samayn; sixir iyo wax xun u qabad. Baabiddu waa xaaraan. Dh: sixrid, baabis, qataarid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabid
caabid¹: m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. la-mid: caabud¹.
caabid²: f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. la-mid: caabud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabid
f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. m.f.dh, caabidid. la-mid: caabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabid
m. n. worshipper, believer, devotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabid
bw: Arabic
cf: caalin
de: worshipper, believer, devotee
lx: caabid
pd: (-ka Pl: caabidiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: caabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabid
(Daabid-da)
Daab la qabto u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabid
m.f.dh eeg daab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daabi ku dhacday oo buka noqosho. Nirgaha daabidda ka ilaaliya. Dh: daabis.
daabid-da: (magac, dhedig, keli) gudun, billaawe. taki, dongore iyo wixii la mid ah, daab u samay. Dh: daabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabid
(Laabid-da)
Wax kala baxsan ama fidsan isku soo celin, isku soo rogid; (soo laabid) soo qalloocin; dib u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabid
m.f.dh eeg laab4. la-mid: laabis², laabniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan ama fidsan isku celin; isku soo rogid. Dh: laabis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Majiid
name-m honorable, glorious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naabid
m.f.dh eeg naab³. la-mid: naab¹, nabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ku dhedjin. Dh: naab, nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabid
m.dh la-mid: qaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabid
-da: (magac, dhedig, keli) caano ururin oo kuwii xalay iyo kuwii maanta isku biirid.