waageensi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageensi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, waaceensi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageeni
-ga: (magac, lab, keli) qof ajnebi ah; soo galayti. Ninkaan sharci haysani waa waageeni.
waageeni -ga: (magac, lab, keli) eeg waagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaceensi
(Waaceensi-ga)
Aanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceensi
m.l 1. Doonidda qof doonayo in uu aarsado. 2. la-mid: waaceensasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaceensi
vl. n. blame, desire for revenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceensi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, soo dhawaysi; ehel ka dhigasho. Dh: aanaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaceensi
cf: aanaysi
de: blame, desire for revenge
initial: w
lx: waaceensi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: waaceensi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taageersi
-ga: (magac, lab, keli) gargaarsi; kaalmaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceenso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid wehel, garab iyo wixi lamida ka dhigasho. 2. Aanayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaceenso
v. take someone along as a companion; seek support from someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceenso
(fal) cid kale ehelnimo u tohoyo oo warayso. Ciddaad doonayso dadka waaceenso. Dh: aanayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaceenso
de: take s.o. along as a companion; seek support from s.o.
initial: w
lx: waaceenso
pd: (waaceensaday)
ps: v3a=tr
key: waaceenso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceensad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ehel ama dhawaale ka dhigasho.
waaceensad -ka: (magac, lab, keli) wax kale aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageersan
(tilmaame) meegaaran oo deyr ku wareejisan ah. Jasiiraddu waa berri biyo ku waageersan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waagee
(ereysu'aaleed) lagu bilaabo su'aal lagu ogaanayo xilliga falku dhacay. Dh: xillima, goorma, waama, hadma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceen
m.dh Naq aan badnayn oo ku baxay roob yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceen
-ka: (magac, lab, keli) dhul aan daaq badan lahayn oo roob yari ku da'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageer
waageer¹: m.l la-mid: maageer¹.
waageer²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maageer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageer
(fal) deyr ama ijaar ku meeri;. Guriga waageer. Dh: maageer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensi
m.l la-mid: caleensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daleensi
-ga: (magac, lab, keli) ood gabsasho si looga dhaco. Oodda daleensiga ka daa. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareensi
(Dareensi-ga)
Dareensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensi
m.l la-mid: dareensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensi
-ga: (magac, lab, keli) dareen ka qaadid. Dh: shaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeensi
m.l la-mid: labeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageero
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: maageero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageero
(fal) ijaar ku wareejiso, xayndaab ama miir ku soo meerso. Beerta waageero ayaan lagaaga soo durkine. Dh: xayndaabo, meegaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washensi
m.l.kh Badow; qashiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
washensi
m.l.kh Badow; qashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washensi
-ga: (magac, lab, keli) qof badow ah. Dh: qashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taageerso
(fal) cid kale, garabso ama gargaarso oo kaalmayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerad
-ka: (magac, lab, keli) deyr ama ijaar ku meersasho. Waageeradka bootada ruqsad u qaado. Dh: meegaarad; ijaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageeran
(tilmaame) deyr ama ijaar ku meegaarsan ah. Booto meegaaran ayaan ibbsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageerid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageerasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waageerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageernaan
m.dh la-mid: maageernaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hareeraha ka soo oodnaan oo soo wareegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laameedhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg laamadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: maageeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageersan
der. [adjective] surrounded; in a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageersan
(tilmaame) xayndaab lagu wareejiyay ah. Meel wada maageersan cidina ma gasho. Dh: meegaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageersan
de: surrounded; in a circle around s.t.
lx: maageersan
pd: (maageersanaa)
ps: adj-der
see: maageeran
key: maageersan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taageersan
-aa -ayd: (adj) allied; supported
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaaxeedsi
m.l la-mid: garwaaxeedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaceensasho
m.f.dh eeg waaceenso. la-mid: waaceensi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaceensasho
-da: (magac, dheddig, keli) cid kale ehel ka dhigasho.
waaceensasho -da: (magac, dhedig, keli) aanaysad, aanaysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
waageerooyin
zones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayeen
[with preposition u ] they benefited
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansi
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg baansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensi
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, weelka inta ku hadhay ka laac. Dh: dhammayso, heemi.
heensi-ga: (magac, lab, keli) heeminta wax weel guntii ku hadhay.
heensi-ga: (magac, lab, keli) eeg heensad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensi
(Jeensi-ga)
Jeensasho; (ama jeedsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensi
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensi
-ga: (magac, lab, keli) xalasho muddo xilliroobaad oo la joogo, xilliga jeensiga dayreed waa wixii loo gaadho tirada 140ka ee sannadka dabshidka. Dh: xalad, fanjeedis, jeesi, gamashi, kaaye, af-keen, horraamis, jeedsi, jeesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keensi
-ga: (magac, lab, keli) eeg keensad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsi
(Raagsi-ga)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsi
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsi
-ga: (magac, lab, keli) dheeraysi in badan la sugo wax maqan oo la naawwilayo. Dh: daahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax taagan ahaan; sare u joogid. Taagni ayuu igula hadlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsi
(Taagsi-ga)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsi
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsi
-ga: (magac, lab, keli) (ku ~ eeg taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waakee
(ereysu'aaleed) lagu bilaabo su'aal lagu ogaanayo cidda fal dhacay samaysay. Waakee ninka labaabka furay. Dh: kuma, ayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. la-mid: waaxyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waaxee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Wax afar meelood u qaybin. m.f.dh, waaxayn. la-mid: waaxyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaxee
v. quarter, divide into quarters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaxee
-yey / waaxeysay: (v) divide into shares
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxee
(fal) cad iyo wax la mid ah jarjar oo afar waaxood ka dhig. Waaxee neefka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaxee
de: quarter, divide into quarters
initial: w
lx: waaxee
pd: (waaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: waaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Ilmo si uu u seexdo ruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareen
wareen¹: m.l Nabar ama dhaawac waran ama hooto.
wareen²: f.g1 (-eemay, -eentay; -eemi) 1. Cid waran ama hooto ku dhufasho. 2. Xanuun si kedis ah cid u qabasho. la-mid: warmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareen
v. wound ~ stab with a spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareen
(fal) wax caaro fiiqan leh ku mud; ku turuq. Meesha bararsan in yar wareen dhiiggu ha ka yimaaddee. Dh: mud, turuq.
wareen -ka: (magac, lab, keli) mudid dubka wax af fiiqan leh lagu turqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareen
de: wound ~ stab with a spear
initial: w
lx: wareen
pd: (wareemay)
ps: v1=tr
syn: warmee
key: wareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) U w.: war cid kale u tebin ama gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargee
(fal) war gudbi oo sii horraysii. Dh: warran, wargey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg weecsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aayeen
de: they were
lx: -aayeen
ps: v5a-3pl-past
xe: They were fine.
xv: Wey fiicnaayeen.
key: -aayeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adeegsi
m.l la-mid: adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeegsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg adeegsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adeenti
-da: (magac, dhedig, keli) wax war iyo wacaal ah; xog iska waraysi ama isweyddiin.
adeenti -da: (magac, dhedig, keli) raad wadiiqo sameeyay. Waddo muuqata ma aha laakiin waa meel uu raad maray. Adeentida raac iyadaa reerkii ku geyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbi
(Afgenbi-ga)
Taliskii hore oo xoog lagu rido oo mid kale oo cusub la curiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afgenbi
v., [compound] turn upside down; mount a coup d'etat, overthrow
afgenbi m. n. coup d'etat, revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgenbi
-ga: (magac, lab, keli) eeg afganbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysi
m.l la-mid: cageysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaageer
-ta: (magac, dhedig, keli) caanaha yar ee ku hadha candhada riyaha kolka ay gudhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maageer
(Maageer-ka)
(wax) qaab wareegsan leh; koobaab; xero; (ama waageer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageer
maageer¹: m.l (-rro, m.dh) Deyr wareegsan oo dhagax iyo wixi lamida ka samaysan. la-mid: meegaar¹, waageer¹, weegaar¹.
maageer²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhagax iyo wixi lamida ku meel ood, meel ku wareejin. la-mid: meegaar², weegar², waageer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maageer
maageer¹: m.l (-rro, m.dh) Deyr wareegsan oo dhagax iyo wixi lamida ka samaysan. la-mid: meegaar, waageer, weegaar.
maageer²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhagax iyo wixi lamida ku meel ood, meel ku wareejin. m.f.dh, maageerid. la-mid: meegaar, weegar, waageer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageer
m. n. circle, enclosure
maageer v. enclose, encircle, fence in; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageer
(fal) xaydaan dhinacyada kaga wareeji deyr ku soo wareeji. Oodda ku maageer xerada adhiga. Dh: meegaar, wareeji, jaar, ood.
maageer: (fal) xarriiq wareegsan jeex, dhis si wareegsan u samee. Qalinka qaado oo goobo maageer. Dh: meegaar.
maageer -ka: (magac, lab, keli) wareegjinta deyr ama xayndaab meel dhinacyada oo dhan lagaga wareejiyo. Xabaalaha xumbuli maageer adag oo dhagax madaw ah ayaa loo sameeyey Dh: deyr. meegaar, xaydaab, ijaar.
maageer -ka: (magac, lab, keli) wax la wareejiyo oo qaab wareegsan leh si da goobaabinta. Maageer u samee ceelka. Dh: goobaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maajeen
maajeen¹: m.l Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.
maajeen²: m.dh Naq badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maajeen
-ta: (magac, dhedig, keli) caws xooluhu daaqaan oo ka baxa bannaanada oo birre leh oo maadha ay isku bah yihiin. Dhul maajeen leh ayuu reerku degey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magansasho.