waafeerid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafeerid
-da: (magac, dhedig, keli) takoorid; fanqooqid. Waafeeriddu waa nooc yakaha ka mid ah. Dh: go'doomin, kaaraantinnimayn. Li: xidhiidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageerid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafmeerid
(Gaafmeerid-da)
Dusha ka ilaalin; ka korwareegid; dibadwareegid; kormeerid: afmeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafmeerid
m.f.dh eeg gaafmeer². la-mid: gaafammeer¹, gaafammeerid, gaafmeer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafmeerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rabo in la ilaaliyo dusha iyo hareeraha ka kormeerid. Dh: afmeer, gaafameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareerid
(Wareerid-da)
Wareer ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareerid
m.f.dh eeg wareer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareerid
-da: (magac, dhedig, keli) madax xanuun dareemid. Illaa saaka wareerid ayaan la joogi kari la'ahay.
wareerid -da: (magac, dhedig, keli) dawakh iyo wareer qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaceerid
-da: (magac, dhedig, keli) kibridda lagu kibro gallad Eebbe ku siiyey. Dh: kibrid, santaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageerid
m.f.dh eeg maageer². la-mid: meegaarid, waageerid, weegaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageerid
-da: (magac, dhedig, keli) maageer samayn: liin, deyr iyo wixii la mid ah wereejin oo wax maageersan ka dhigid. Maageeridda qalwadu mitir iyo saawiyad ayay u baahan tahay.
maageerid -da: (magac, lab, keli) xaydaan kut wareejin dhinacyada ka xidhid. Maageeridda jagadu kharash badan bay ku kacaysaa. Dh: wareejin, xaydaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taageerid
(Taageerid-da)
Waxtarid; kaalmayn; gargaarid; caawinid; (ama teegaarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taageerid
m.f.dh eeg taageer. la-mid: taageero, teegaarid, teegaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taageerid
vl. n. supporting, assisting; subsidy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taageerid
-da: (n) support (sa-poort); the act of supporting ~ ayidaad, taageero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taageerid
-da: (magac, dhedig, keli) gacan siin waxtar leh. Dh: kaalmayn, waxtarid.
taageerid -da: (magac, dhedig, keli) rayi, mabda' ama arrin ku raacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taageerid
de: supporting, assisting; [ext.] subsidy
initial: t
lx: taageerid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: taageerid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageerad
-ka: (magac, lab, keli) deyr ama ijaar ku meersasho. Waageeradka bootada ruqsad u qaado. Dh: meegaarad; ijaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeelid
m.dh la-mid: waayeeloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo xilkas ah noqosho. Wiilka calaamadihii waayeelidda ayaa ka muuqda. Dh: waayeeloobid, mudakarid, weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxbeerid
m.dh Wax abuurid, wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxbeerid
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodid oo dalag abuurid. Waxbeeriddu waa cibaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaweerid
m.dh la-mid: kabawaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberyid
-da: (magac, dhedig, keli) xilli subax ah oo waagu beryey noqosho. Dh: waaberi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerid
(Feerid-da)
1. Cayaar ama dagaal feer ugu dhufasho, ula dhicid.
2. (timo) firid; shanlayn.
3. (caw, kd.) jeexjeexid; dhilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feerid
m.f.dh eeg feer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerid
-da: (magac, dhedig, keli) shanlaynta timo iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waarid
(Waarid-da)
Cimri aan dhimasho lahayn ku noolaan; jirid weligeed ah jirid; daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waarid
waarid¹: m.l la-mid: waalid¹.
waarid²: m.f.dh waar². la-mid: waaris.
waarid³: f.g1 (-day, -dday) Soo w.: badeeco dibadda ka keenid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waarid
Conservation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waarid
m. n., [collective] parent ~ parents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarid
(fal) dibadda ka soo deji. Kolba waxa loo baahan yahay soo waarid.
waarid -da: (magac, dhedig, keli) dhimasha la'aan; adduunka in badan ku negaansho: jirid waligeed ah jirid. Aakhiro mooyee adduunyo waarid ma leh. Dh: waaris, daa'imid, abaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waarid
de: parent ~ parents
initial: w
lx: waarid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: waalid
key: waarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerid
m.f.dh eeg weer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerid
-da: (magac, dhedig, keli) cid weer u xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abeerid
-da: (magac, dhedig, keli) abeer aad u naaxay oo an curan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaberi
m.l la-mid: waabbari.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waaberi
Dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaberi
magac loo bixiyo wiil cadceed soo baxa dhasha ama inuu nolol cusub oo wanaagsan horseedo la rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageer
waageer¹: m.l la-mid: maageer¹.
waageer²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: maageer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageer
(fal) deyr ama ijaar ku meeri;. Guriga waageer. Dh: maageer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wareer ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareeri
f.g2 (wareer-iyay, wareer-isay) Cid wareer ku ridid. m.f.dh, wareerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareeri
v. make someone dizzy; confuse; cause to be restless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareeri
-yey / say: (v) confuse (kon-fiyuus); perplex (peer-palaksi); confound (kon-faawndi); throw someone into a state of confusion. Ex: ha i wareerin! Don't confuse me!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeri
(fal) madaxa xanuuni; madax wareer ku rid.
wareeri: (fal) dawikhi oo kolba wax buuq geliya ku samee. Miftaaxa ka khabbee oo wareeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareeri
de: make s.o. dizzy; confuse; cause to be restless
initial: w
lx: wareeri
pd: (wareeriyey)
ps: v2a=tr
key: wareeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmeerid
(Afmeerid-da)
Wax wareegsan ama qaab kaleba leh, afkiisa ku soo wareegid, soo koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmeerid
m.f.dh eeg afmeer². la-mid: afmeer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmeerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wareegsan ama qaab kaleba leh, afkiisa ku soo wareegid oo soo koobid. Afmeeridda oo keli ah uun baa lagu heli karaa ballaca garoonka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheerid
m.f.dh eeg asheer. la-mid: asheerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareerid
(Bareerid-da)
Qarsoodi la'aan wax u falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareerid
m.f.dh eeg bareer². la-mid: bareer¹, bareero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareerid
-da: (magac, dhedig, keli) gabbashala'aan iyo qarsoodi wax u falid, u dhihid. Dh: badheedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saafirid
(Saafirid-da)
Meel safar u aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafirid
m.f.dh eeg saafir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafirid
-da: (magac, dhedig, keli) safar aadid, meel u kicid. Dh: socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabberi
(Waabberi-da)
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog; waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabberi
m.l la-mid: waabari, waabberi, waaberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabberi
m. n. dawn, daybreak, early morning
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waabberi
name-m sunrise. Lit: one born in early morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabberi
-ga: (n) daybreak (deey- bareeyk); dawn (doon); morning (moon-ing); crack of dawn ~ waabari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waabberi
magac loo bixiyo wiil cadceed soo bax dhasha ama inuu nolol cusub oo wanaagsan horseedo la rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberi
-ga: (magac, lab, keli) xiliga uu soo ifo kaaha arooryaad ee habeen dhammaado maalintuna bilaabmayso; kolka waagu dillaaco. Waabberi intii ayna gaadhin buu libaaxu soo dhacay. Dh: aroor, oog, waa, subax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabberi
bw: subax
de: dawn, daybreak, early morning
initial: w
lx: waabberi
pd: (-ga)
ps: n-m-time
syn: aroor
key: waabberi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waabberi
فجر
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafagid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho; aqbalid. Is waafagid ayaa wanaag lagu gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafaqid
m.f.dh eeg waafaq.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waafiqid
-da: (n) conformity (kon-foor-matiy, agreement (agrii-ment); accord (a-koodh); harmony (haar-ma-ni) ~ waafaqsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageeni
-ga: (magac, lab, keli) qof ajnebi ah; soo galayti. Ninkaan sharci haysani waa waageeni.
waageeni -ga: (magac, lab, keli) eeg waagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageero
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: maageero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageero
(fal) ijaar ku wareejiso, xayndaab ama miir ku soo meerso. Beerta waageero ayaan lagaaga soo durkine. Dh: xayndaabo, meegaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegid
(Wareegid-da)
Si wareeg ah u dhaqaaqid, u socosho; u meerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegid
m.f.dh eeg wareeg². la-mid: wareeg¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegid
vl. n. going around; touring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegid
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad aan fogayn oo jaar ah tegid. Naag sheeko badani wareegid ma dayso.
wareegid -da: (magac, dhedig, keli) duurid oo si wareeg ah u meerid; si goobo ah u dhaqaagid oo u socosho. Wareegidda dhulka lama dareemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegid
de: going around; touring
initial: w
lx: wareegid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wareegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareemid
(Wareemid-da)
Waran ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareemid
m.f.dh eeg wareen². la-mid: warmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareemid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af fiigan leh ku mudid. Maroodi wareemid laguma dilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareerin
(Wareerin-ta)
Wareer ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareerin
m.f.dh eeg wareeri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareerin
-ta: (n) confusion (kon-fiyuu-shin); confusing (kon-fiyuus-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareerin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wareer ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeris
-ka: (magac, lab, keli) wareerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceerid
m.f.dh eeg carceer². la-mid: carceer¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafmarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad meel ama wax kale, dhinac ka martid, barbar ka martid, gees u dhaaftid. Daafmarid baan ku dhaafay aqalkii. Dh: agmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayeerad
m.dh (-do, m.l) Dheddiga daayeerka; saayo. la-mid: daanyeerad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daayeerad
m.dh (-do, m.l) Dheddiga daayeerka; saayo. la-mid: daanyeerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daayeerad
f. n. female monkey ~ ape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daayeerad
-da: (n) female monkey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayeerad
-da: (magac, dhedig, keli) dhidigga xayawaanka daayeerta. Daayeerad yahay xumi, ma adaa dacwiyi kara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daayeerad
a: daanyeerad 8
de: female monkey ~ ape
lx: daayeerad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daayeerad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedid
(Haaneedid-da)
(geel) haaneedka iska taagid oo lisid.