waabtiris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabtiris
-ta: (magac, dhedig, keli) socsocod badan socsocosho oo meelo badan soo marid. Waabtiris warbaa lagu helaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaaltiris
-ka: (magac, lab, keli) wax aanad hubin inta ay tiradiisu tahay qiyaasiddiisa. Ma hubo ee waa awaaltiris waxaan kuu sheegayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtiris
(Abtiris-ka)
Aqoonta ku saabsan awooweyaashii hore magacyadooda iyo siday isugu xigeen; abtirsiino; abtirsiinyo; abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiris
m.l la-mid: abtirin, abtirsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abtiris
vl. n., [compound] genealogy, lineage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abtiris
-ka: (n) a family tree ~ see [eeg] abtirsiinyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg abtirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abtiris
de: genealogy, lineage
lx: abtiris
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: abtiris
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
abtiris
علم الأنساب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baahitirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Waabberiis
m. n. eighth month of the Somali lunar calendar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Waabberiis
de: eighth month of the Somali lunar calendar
initial: w
lx: Waabberiis
pd: (-ka)
ps: n-m-time
syn: Gasayar, Shacbaan, Soondheere
key: Waabberiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiri
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiri
(fal) «u ~» sheeg oo tax magacda nasabka. U abtiri wiilka ad isa soo raacdeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabis
m.l Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaris
m.dh la-mid: waarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaris
-ta: (magac, dhedig, keli) soo jeedka habeenkii oo la sheekaysto. Dh: waarid.
waaris -ta: (magac, dhedig, keli) abidba jiritaan. waarin..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirin
m.f.dh eeg abtiri. la-mid: abtiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirin
-ta: (magac, dhedig, keli) aqoonta ku saabsan awoowayaal hore magacyadadooda iyo siday isugu xigeen, u kala horreeyeen. Abtirinta Soomaalida aad baan u aqaan. Dh: abtirsiinyo, abtirsiimo, abnaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabtir
-ka: (magac, lab, keli) macaluul iyo gaajo ka bi'in. Daabtirka xigtaada ogow oo ha moogaan. Dh: dheefsiin. Li: gaajaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabari
m.l Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. la-mid: waabberi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waabari
m.l Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. la-mid: waabberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabari
m. n., [compound] dawn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabari
-ga: (n) daybreak (deey-bareeyk); dawn (doon); morning (moon-ing); crack of dawn ~ waabberi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabari
de: dawn
initial: w
lx: waabari
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
see: waabberi
key: waabari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaberi
m.l la-mid: waabbari.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waaberi
Dawn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaberi
magac loo bixiyo wiil cadceed soo baxa dhasha ama inuu nolol cusub oo wanaagsan horseedo la rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarris
-ka: (magac, lab, keli) eeg waarrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabi'is
-ka: (magac, lab, keli) eeg baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayiris
-ta: (magac, dhedig, keli) cayilitaan iyo naaxis. Dh: baayirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabbiri
(Caabbiri-ga)
Jaadadka doonyaha mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiri
m.l (-iyo, m.dh) Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabbiri
m. n. boat, kind of sailboat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabbiri
-ga: (magac, lab, keli) jaadadka doonyaha mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabbiri
de: boat, kind of sailboat
lx: caabbiri
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: caabbiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbiris
m.dh la-mid: cabbirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltiris
m.l la-mid: kaltirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltiris
-ka: (magac, lab, keli) inta beri ee ay biyaha ama ceelka ka maqnaanayaan xoolaha u tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taabsiis
(Taabsiis-ka)
Taabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabsiis
m.f.dh la-mid: taabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg taabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabberi
(Waabberi-da)
Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog; waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabberi
m.l la-mid: waabari, waabberi, waaberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabberi
m. n. dawn, daybreak, early morning
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waabberi
name-m sunrise. Lit: one born in early morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabberi
-ga: (n) daybreak (deey- bareeyk); dawn (doon); morning (moon-ing); crack of dawn ~ waabari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waabberi
magac loo bixiyo wiil cadceed soo bax dhasha ama inuu nolol cusub oo wanaagsan horseedo la rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberi
-ga: (magac, lab, keli) xiliga uu soo ifo kaaha arooryaad ee habeen dhammaado maalintuna bilaabmayso; kolka waagu dillaaco. Waabberi intii ayna gaadhin buu libaaxu soo dhacay. Dh: aroor, oog, waa, subax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabberi
bw: subax
de: dawn, daybreak, early morning
initial: w
lx: waabberi
pd: (-ga)
ps: n-m-time
syn: aroor
key: waabberi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
waabberi
فجر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabjiif
(Waabjiif-ka)
Qof buka oo waab jiifa laguna daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabjiif
m.l.kh Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabjiif
m. n., [compound] sick person housed in an isolation hut; patient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabjiif
-ka: (magac, lab, keli) qof da' ama xanuun hayo oo itaal uu ku socsocdo aan lahayn. Odaygu waayadanba waabjiif buu ahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabjiif
de: sick person housed in an isolation hut; [ext.] patient
initial: w
lx: waabjiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: waabjiif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabniin
-ka: (magac, lab, keli) meel waabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg waajibin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waasicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waasicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxbaris
m.dh la-mid: waxbarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxbaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waxbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadiris
m.l la-mid: xaadirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadirid.
xaadiris -ka: (magac, lab, keli) yeedhin oo mid mid inuu joogo u hubin. Dh: yeedhin, xaadirin.
xaadiris-ka: (magac, lab, keli) u yeedhid oo goobta soo joojin. Dh: keenid.
xaadiris-ta: (magac, dhedig, keli) meel imasho oo goob joog ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbi'is
m.l la-mid: baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaberiis
-ta: (magac, dhedig, keli) bisha toddobaad ee bilaha Soomaalida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakutiris
-ka: (magac, lab, keli) aad iyo aad u tiro yar. Dh: dhif, naadir. Li: badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqabtirid
m.dh eeg haqabtir². la-mid: haqabtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqabtirid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberiisi
(fal) waaga u berii; subaxa gaadhsii.
waabberiisi -ga: (magac, lab, keli) eeg waabberi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabberiiso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: waabariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberiiso
(fal) waagu ha kuu beryo; cadceedda soo bixisteeda sug. Nabad ku waabberiiso oo kolkaa iska soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaantirin
m.dh Maalin wakhti gaar ah lagu magacaabay. Tusaale: “Maalin gaar ah”, “Sannad gaar ah”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caansiiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg caansiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambitirid
m.dh la-mid: dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dembidhaafid iyo saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayris
-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabaydhis, kalabaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixis
m.l la-mid: kalabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabmaris
m.dh (-syo, m.dh) Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir malabka sheegta. Malabmaris ayaa geedkaa ku joogta. Dh: maris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaafiris
(Masaafiris-ka)
Masaafirinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafiris
m.l la-mid: masaafirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxartirid
m.f.dh eeg saxartir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tababbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacabbirid
m.f.dh eeg tacabbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkii aad degganayd meel kale uga guurid gaar ahaan kolkaad bad ka gudubtid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarantaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg tarantarinta. tarantarree: (fal) xoog ku socodsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantirid
m.dh (daawo) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantirid
m.dh (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarantirid
vl. n., [compound] sterilization, sexual neutering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarantirid
de: sterilization, sexual neutering
initial: t
lx: tarantirid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: tarantirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabariiso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax meel waagu ugu baryid. la-mid: waabberiiso.