waabaay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaay
m.dh la-mid: waabaayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAABAAY
(Wabai) N Acokanthera schimperi (DC.) Schweinf. Apocynaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaay
-da: (magac, dhedig, keli) sunta lagu dhinto sida ta maska iyo bahalaha kale. Masbaa qaniino waabaaydiisii baa saaqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayo
(Waabaaya-da)
Sun (ama waabaay, waabay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayo
m.dh Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. la-mid: waabaay, waabay².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waabaayo
m.dh Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. la-mid: waabaay, waabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabaayo
f. n., (mass n.): poison, venom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabaayo
-waabaayada: (n) poison (pooy-san); toxicity (tok-siisiti); toxic agent; poisonousness; venom (veenom); toxicant; toxin ~ sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayo
-da: (magac, dhedig, keli) sun ay masaska iyo bahaluhu wax ku dilaan. Masasku way kala waabaayo xun yihiin. Dh: waabay, sun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabaayo
cf: geegaali
de: poison, venom
initial: w
lx: waabaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: waabaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabay
(Waabay-da)
Waabaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabay
waabay¹: m.l Geedka xididkiisa laga sameeyo waabaayada.
waabay²: m.dh la-mid: waabaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabay
m. n. large tree species, growing in the mountains, from which poison is obtained
waabay [feminine] n. poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabay
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waabaayo.
waabay-ga: (magac, lab, keli) geed buuraha ka baxa oo xididkiisa laga sameeyo sunta fallaadhaha la mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso
(Abeesa-da)
Jaadad badan oo halaqa ka mid ah oo qaarkood waabaayo lee yihiin. Waxaa jira jaadad addimmo leh oo iyagana abeeso lagu magacaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abris
(Abris-ka)
1. Halaqa waabaayada leh jaad ka mid ah.
2. Halaq duqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balalo
(Balala-da)
1. Geedo waabaayo leh.
2. Xoolo ceel la keeno, iyadoo aan yeel loo sidin oo dabadeed baryo lagu waraabsho.
3. Bilaw; unug.
4. Cudur xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beer
1. (Beer-ka) a) Xubinta oogada kamid ah oo xammeetida samaysa dhiiggana ka ilaalisa wixii sun iyo waabaayo ah. b) (miro) qalbacyada hoose, (sida bun, yicib, quulle, garas,...).
2. (Beer-ta) Dhul la falay oo dhir iyo miro iyo badar iyo waxyaalo kale lagu abuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biir
(Biir-ta)
Gaas ur gaar ah oo waabaayaysan leh oo lagu dhinto; neecaw ur jaadkaas ah leh oo lagu biiroodo oo meelaha qaarkood, sida ceelasha gudohooda ka samaysanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysimo
(Caddaysima-da)
1. Rati aan rar saarrayn.
2. (fallaar) aan dhobnayn; aan waabaayaysnayn; caddaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhooban
1. (aqal, kd.) dhisan.
2. (dhagax, kd.) meel ku uruursan oo taallo laga dhigay.
3. (xoolo, dad, ...) meel yoobsan; meel tuuran; xoonsan.
4. (fallaar) waabaayaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobid
(Dhoobid-da)
1. Wax meel isugu geyn oo taallo ka dhigid; tuumin.
2. (xoolo, kd.) tuurid; xoomin.
3. (fallaar) waabaayo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobnaan
(Dhoobnaan-ta)
1. Dhisnaan; malaasnaan.
2. Taallaysnaan; tuunsanaan.
3. Tuurnaan; xoonsanaan; yoobsanaan.
4. (fallaar) Waabaayaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhunkaal
(Dhunkaa-sha)
1. Geed mirihiisa la cuno, waabaayona laga sameeyo.
2. Waabaayo; sun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibqallooc
(Dibqallooc-a)
Bahal caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulul oo engegan; wuxuu lee yahay lix lugood iyo labo ciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabo dheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhammaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayadiisa ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badan tahay, kolkolna waa loo dhintaa; hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geegaali
(Geegaali-da)
Waabaayo tan u daran oo aan laga kicin (ama geegali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiihiile
(Hiihiila-ha)
(waabaayo, kd.) saamays daran leh; geegaali ah; hunnati; kaloolley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebiso
(Jebisa-da)
Halaq weyn oo dheer oo waxay qabato, inta isku duubta burburisa oo disha; waxay leedahay harag qurux badan oo la ganacsado, waabaayona ma leh; (ama jebis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilbis
(Jilbis-ka)
Halaq aad u madow oo waabaayo daran leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsoobbax
(Marsoobbax-a)
Halaq waabaayo daran leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meriid
(Meriid-ka)
1. Geed aad u weynaada oo sunta meriidka laga liso.
2. Sun, fallaaraha iyo warmaha iyo lagu dhoobo oo wax lagu laayo; sun; waabaayo; (ama mariid, maliid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sun
(Sun-ta)
Wax haddii wax yar laga cuno ama laga cabbo ama si kale oogada u gaaraan, loo dhinto ama lala bukoodo; waabaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulsaddex
(Ummulsaddex-da)
Hab gaar ah, oo waabaayo aan laga kicin oo saddex maalmood huursanaata loo sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayay
(fal) waabay mari ama sii; sunta masaska iyo wax la mid ah mari. Fallaadha waabaayay. Dh: waabaayee, sumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iyo wixi lamida waabaayo marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabaayee
v. poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayee
(fal) sun iyo waabaayo mari ama sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabaayee
de: poison
initial: w
lx: waabaayee
pd: (waabaayeeyey)
ps: v2b=tr
key: waabaayee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dad, xoolo iyo wixi lamida wax waabaayo hayso noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabaayow
(fal) sumow; mid sumoobay noqo.
waabaayow -ga: (magac, lab, keli) sun ama waabay qaadid oo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabnaan
(Waabnaan-ta)
Wax la waabay ama waaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabnaan
m.f.dh eeg waaban. la-mid: waabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la waabay ama waaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waawaray
Waawaray!
Erey la yiraahdo, iyadoo lagu dhawaaqayo, kolka la argaggaxo ama la baqo ama cabsi laga digayo, si la isugu soo gurmado; Ciidamow! Qaatoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waawaray
e.d Erey dareen oo tilmaama yaab, naxdin ama baahi oo kaalmo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waawaray
inter. help!; wow!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waawaray
de: help!; wow! Expression used to call for assistance or to indicate shock or amazement {C & S}
initial: w
lx: waawaray
ps: intj
key: waawaray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabalay
-da: (magacwadareed) dad xaaba gurashadu ay meherad u tahay Dh: xaaboolay, xaabaysato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabay
(fal) arrin ama talo curi; arrin hindis oo taabbage-lintiisa qorshee. Talaan aabay lahaa, tusmaan gaadhsii lahaa, tilmaan abid baan lahaa. Dh: astay, aabee, qorshay, dheego.
aabay: (fal) wax u aabbayeel; tixgeli oo aabbee. Aabay waalidkaaga ajar baa ku jiree. Dh: aabee, aabbayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaay
m.dh la-mid: abbaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaay
-da: (magac, dhedig, keli) erey gabadha loogu yeedho oo uu macnihiisu yahay; walaaley. Waxa isugu yeedha, kuwa wada dhashay, xigtada iyo inta isjecel. Dh: abbaayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaay
-ga: (magac, lab, keli) geedmidhood aad u dheeraada oo dusha sarena ku yeesha caleemo balballaadhan iyo midho waaweyn oo dhexda iniinyo badan ku leh. Dh: manfafaay, canbefilfil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaay
m.dh Xirmo hal ah oo hal mar qof qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaay
-da (magac, dhedig, keli) xidhmo hal mar qof qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabay
(fal) caanaha qaab ka dhig. Qaabay caanaha martaa joogtee.
qaabay: (fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabay annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabad
-ka: (magac, lab, keli) dib u gabbasho; in yar hakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaban
La waabay; waab laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la waabay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaban
der. [adjective] built ~ erected as a hut for a sick person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaban
(tilmaame) la waabay; waab laga dhigay ah. Weylihii waxa lagu xereeyey geed waaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaban
de: built ~ erected as a hut for a sick person
initial: w
lx: waaban
pd: (waabnaa)
ps: adj-der
key: waaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalay
(Waalay-ga)
Qaalin ama dibi qooqii ugu horreeyey qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalay
m.l (-yo, m.dh) Qaalin, dib markii ugu horraysay qooqay; qooqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waalay
m. n. male animal coming into rut ~ heat for the first time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalay
(fal) ciyaarta waalada ciyaar.
waalay-ga: (magac, lab, keli) qaalin, dibi ama orgi aan weli adkaan oo joome noqon. Dh: geesbooc. Li: joome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waalay
de: male animal coming into rut ~ heat for the first time
initial: w
lx: waalay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: waalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqaa
(falkaabe) weligaa; abid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaray
m.l Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaray
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo ee buuraleyda bilowdo webiga Shabeelle deegaanta Soomaalida Itoobiya. Dh: qubley, maanyo, manyiikay, libin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxay
(fal) waaxwaax ka dhig; jarjar oo waax waax u googoo. Neefka gaawrac oo waaxay. Dh: waaxee, gobolee, jarjar, qaybqaybi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabaa
-ga: (magac, lab, keli) qofka yaabban. Adoo inaad anfariirsan tahay isku haysta uumbaad yaabaa kaa daran arki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbaay
m.l Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbaay
m.l Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbaay
m. n. papaya, pawpaw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BABBAAY
(Babai) N, S Carica papaya L. Caricaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbaay
-ga: (n) papaya (papaaya); papaw also pawpaw ~ mafafaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbaay
-ga: (magac, lab, keli) eeg babay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbaay
de: papaya, pawpaw
lx: babbaay
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
syn: mafafaay
key: babbaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naabaal
-ka: (magac, lab, keli) hub aad wax u gumaada oo dhuumo badan ka dhac wuxu sameeyaa gubasho iyo olol dhakhso u fida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saabaan
(Saabaan-ka)
Alaabada qolka ama guriga gudihiisa la dhigo oo lagu dhaqmo oo ay ka mid yihiin kursiyada iyo miisadaha iyo sarriiruhu; gurgur; (ama saamaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabaan
m.l.w Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iyo wixi lamida oo lagu dhaqmo. la-mid: saa-maan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saabaan
m.l.w Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iyo wixi lamida oo lagu dhaqmo. la-mid: saamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saabaan
m. n., (mass n.): furniture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saabaan
-ta: (n) furniture (fa-nijar) and household articles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabaan
-ka: (magac, lab, keli) alaabada guriga gudihiisa taalla oo ay ka mid yihiin miisaska. kuraasta iyo sariiruhu; iyo wixii la mid ah. Saabaan badan baa iiga muuqday agalka gudihiisa. Dh: gurgur, saamaan, agab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saabaan
a: saamaan
de: furniture
initial: s
lx: saabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: saabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabari
m.l Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. la-mid: waabberi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waabari
m.l Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. la-mid: waabberi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waabari
m. n., [compound] dawn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waabari
-ga: (n) daybreak (deey-bareeyk); dawn (doon); morning (moon-ing); crack of dawn ~ waabberi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waabari
de: dawn
initial: w
lx: waabari
pd: (-ga)
ps: n-m-cmp
see: waabberi
key: waabari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadaal
-sha: (magac, dhedig, keli) neef xoolo aanu garanayn lagu daro. Riyo iyo haweenba waadaasha ayay isku eryedaan.
waadaal -sha: (magac, dhedig, keli) neef gooni daaq ah oo aan cabsoon. Dh: goonidaaq, aadoole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jar iyo waraar ah oo googo'an aadna u dheer. Waadaan daayeerbaa ku hoyda. Dh: laallay, qaw, garbo.
waadaan-ta: (magac, dhedig, keli) weel balaastig ama harag ka samaysan oo la aslo oo biyaha lagaga soo saaro ceelasha dhaadheer si xoolaha loogu waraabiyo oo loo yeelo giiraan iyo dawlis. Wadaan biyo ah weel iigu keen. Dh: dawlis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waagaan
-ka: ((magac, lab, keli) qof jooga meel aanu cid ka garanayn. Waagaan ayaan ahay oo ma kala garanayayo meesha. Dh: marti, qarriib. Li: mudane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waangay
(fal) xaasid oo adoo wax haya ha siin. Waagay markaaga markuu kuu soo doonto.
waangay: (tilmaame) wax qadhaadh oo aan la ligi karin ah. Dacar waangay ah ayaan carrabka saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waastay
(fal) waas oo xilka sii dayntiisa is dul saar. Waastay ninkan arrin baa kaga xidhan hay'adaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayayn
(Waabaayayn-ta)
Waabaayo siin, ku darid, ka dhigid; sumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayayn
m.f.dh eeg waabaayee.