waa-jireed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAA-JIREED
(Wa-jired) May Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waran-cireed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Gobol maatar ah oo cirka ka soo dhaca, muuqdana ama la arko marka u soo galo gibirka atmosfeerka ee inoo dhaw. Isliska hawada uu soo dhexmarayo ayaa inoo sahla aragga waran-cireedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab-hireed
Wave form
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Warancireed
Meteor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warancireed
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar oo ka yimaada hab-qorraxeedka oo ka gubta gibil dhuleedka marka uu korka ka soo galo; fallaadh cirka habeenkii ka soo dhacda. Warancireed badan ayaa daadanaaya caawa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tamar-hireed
Wave energy
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waran cireed
Shooting star
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawadhireed
-da: (magac, dhedig, keli) dawadhaqameed dhirta laga sameeyo oo loo adeegsado dawo ahaan. Dh: dawodhireed, dawodhaqameed.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAN BIREED
(Lanbired) S Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-bireed
Qalab lagu qallaco birta la jarayo, soofaynayo, la kala dillaacinayo, godayo, laabayo iwm.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raando-bireed
Nooc ka tirsan faaradaha ee burada iyo gacanqabsiga mooyee inta kale ka samaysan tahay bir heer sare ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafid-tireed
m.dh 1. (xisaab) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xisaab) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saafid-tireed
m.dh 1. (xisaab) Barashada habab xisaabin ee leh seebid. 2. (xisaab) Barashada tabaha seebidda ee loo isticmaalo aritmatig marka la furfurayo mas'alooyin xisaabeed.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xaasaw-bireed
Xig biireed dhumucda ka leeg dunta dharka co kale, sida timaha burush-shooladeedka, xaasawda xarigga korontada iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaljire
-ha: (magacwadareed) ciidanka u qaabilsan ilaalada dalka. Daaljire dalka iyo dadkuu cadawga ka jiraa. Dh: daljire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faajirad
m.dh Naag wax diinta xaaraantimaysay samaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faajirad
-da: (magac, dhedig, keli) naag denbi iye macsi badsata ama saaniyad ah. Dh: dhillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lajireen
m. n. comrade-in-arms, fellow soldier; companion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lajireen
de: comrade-in-arms, fellow soldier; companion
lx: lajireen
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: jir
key: lajireen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taajirad
-da: (n) rich woman; wealthy woman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajirid
m.f.dh eeg taajir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajibid
m.f.dh eeg waajib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waajihid
m.dh la-mid: wejihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajihid
-da: (magac, dhedig, keli) is hortaagid; u babac dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waajiine
m. n. winter rains
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waajiine
de: winter rains
initial: w
lx: waajiine
pd: (/ha)
ps: n-m
key: waajiine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejiyeed
n. phr., genetive: facial
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejiyeed
de: facial
initial: w
lx: wejiyeed
ps: np-gen
key: wejiyeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garjileed
(tilmaame) gar mid kale laga horgeeyo si ta hore loo baabbi'iyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarjiyee
(fal) beytari dab ka buuxi oo si uu u shaqeeyo koranto ku xidhiidhi. Beytariga ii jaarjiyee. Dh: shaarjee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waajibaad
-ka: (n).[plural of waajib] obligations (oobligeeyshinis); duties (dhuutis); responsibilities (ris-poonsi-bilitis) ~ xil, mas'uuliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waajibaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg waajib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waardiyee
(fal) gaadh ka hay. Miftaaxii baa magane dukaanka waardiyee. Dh: ilaali, dhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanjiriid
-ka: (magac, lab, keli) daanka oo xagga danba ah gawska ku yaalla. Waa weedha da'weyne, daanjiriidka ku haystoo. Dh: gawsdanbeedka. Wa: daanjiriidyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabjileec
-a: (magac, lab, keli) naxariis waalidnimo ama bini'aadminimo oo cid itaal yar loogu uurnuglaado. Dh: calooljieleec. Li: calool'adayg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaashireedle
name-m spot, circular mark
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Itaal hireed
Wave intensity
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XAGAR-JAREER
(Hagar-jarer) S Commiphora erythraea (Ehrenb) Engl. Burseraceae.
S Commiphora kataf (Forsk) Engl. Burseraceae.
C Commiphora pseudopaolii Gillett. Burseraceae.
C, S Commiphora africana (A.Rich.) Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawodhireed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dawadhaqameed.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-MIREED
(Ged-mured) NFD Grewia mollis Juss. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ina-habreed
m.l/dh (ilma-habreed, m.dh) Hooyada walaasheed wiilka ama gabarta ay dhashay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ina-habreed
-ka / da: (n) a child of one's aunt [the sister of one's mother]: cousin (kaasan); first cousin ~ ilmo-habreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfareed
m.l la-mid: maskaxfareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef-cireed
m.l Walxo ku wareega qorraxda, raacana meeris qaabkiisu yahay qabaal. Seef-cireedyada, badankoodu, waxa ay leeyihiin daba dheer oo aad noogu muuqa-ta marka uu qorraxda u soo dhawaado.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Seef-cireed
Comet
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbe-bireed
* (Dhabbe-bireed-ka)
Dhabbaha tareenku maro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbe-bireed
m. n. railroad, railway
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laan-cigaleed
(Laan-cigaleed-da)
1. Qalab waayadii hore lagu dagaallami jirey oo dhagaxa lagu tuuri jirey.
2.* Qalab jaadkaas u eg oo dayuuradaha kaca haya, siiba kuwa maraakiibta dushooda ka kaca haya, anbabbixiya oo xoog xiimiya u yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laan-cigaleed
f. n. catapult
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mawjad bireed
Tidal wave
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qallac-tibeed
Looxqallaca kan ugu dheer uguna culus ee loogu isticmaalo looxda badan ee laysku qallacayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saafid tireed
Numerical analysis
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waqti jlideed
Zone line