w,w
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
W,w
/dhabalyuu/ xarafka saddex-iyo labaatanaad ee alifbeetada ingiriisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Nolol aan cudur, gaajo iyo wixi lamida lahayn. 2. (w) Waqti roobeed oo uu dhulku doogganyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolt
m.l (fiisikis) Summad V. Halbeegga caalamiga ee keyd faraqa ama xoogga danab wadidda (x.d.w.), waxaana loo qeexaa keyd faraqa u dhexeeya laba barood oo ku yaalla gudbiye sida qulqul danab oo le'eg hal ambiyeer, marka awoodda ku baxday laba barood inta u dhexeysa ay tahay hal waat. Waxa loogu magac daray aqoonyahankii Alisaandaroo Foolt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waantow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Qof wax waano qaatay noqosho. 2. Ka w.: wax aad samayn lahayd oo xumaani ku jirto ka noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdaro
m.l.w Wax la yaab leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wad
f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Xoolo, dad iyo wixi lamida meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iyo wixi lamida) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tusaale: “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaag
wadaag¹: m.l Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaag²: f.g1 (-gay, -gtay) La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walqal
walqal¹: m.dh Neef lagu allabaryo oo ilmo dhashay loogu duceeyo. la-mid: wanqal, waqlal¹.
walqal²: f.mg1 (-alay, -ashay) U w.: walqal samayn. la-mid: waqlal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka w.: wax welwel hayo ahaansho. la-mid: warwarsan, welwelsan, werwersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax wanaag leh ahaansho. 2. Ku w.: wax, wax gaar ah ku habboon ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanjaaci
f.g2 (-iyay, -isay) Ka w.: wax cid ka leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareeg
wareeg¹: m.l (-gyo, m.dh) 1. Socod aan dan la lahayn. 2. Socod aan toos ahayn; leexad; weecad; laabad.
wareeg²: m.l (xisaab) Wadarta dhererada iyo dhinacyada shaxan jomatari.
wareeg³: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Meel macno la'aan u socosho. 2. (f.mg) Ka w.: wax ka leexasho. 3. (f.mg) Ku w.: wax kormeerid. 4. (f.mg) U w.: meel u beddelasho (qof). 5. (f.mg) La w.: xil ama alaab iyo wixi lamida cid ka guddoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) U w.: war cid kale u tebin ama gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warqab
f.mg1 (-bay, -btay) 1. Ka w.: wax xaaladda ay ku sugan yihiin ogaasho. 2. Ka w.: cid dhaqaalayn ama daryeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryaa
u.j (w. waryaaya) Erey lala hadle labood ah dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: ar, aryaa, waar, war³, waryee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waryeelo
f.mg3 (-eeshay, -eelatay) Ku w.: wax yar oo aan nafac lahayn ku eedoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayig
f.g1 (-gay, -gtay) Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. la-mid: wayigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Ka w.: wax la samayn lahaa ka naafasho. la-mid: wayig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wehelyeel
wehelyeel¹: m.l la-mid: wehelyeelid.
wehelyeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) U w.: wehel u ahaan, u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waw
(Waw-ga)
Wow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waw
xarafka u dhexeeya n iyo h ee xarfaha af carabiga. Dh: wow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wow
(Wow-ga)
Magaca xarafka W (ama waw).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wow
m.l Magac carbeed oo tilmaama xarafka “w”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wow
m. n. W [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wow
-ga: (magac, lab, keli) xaraf ka mid ah xuruufta Carabiga oo u dhigma xaraf Soomaaliga w. Dh: waw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wow
a: wa'
bw: Arabic
de: W [letter of the Arabic & Somali alphabet]
initial: w
lx: wow
pd: (-ga Pl: wowow (ga))
ps: n4-m, n2-m
key: wow