vodka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vodka
vodka, n.f. - cabitaan alkool leh oo ruushka laga cabbayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codkac
m.l (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codkac
m.l (c.af) Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida 'ìnan' (oo wiil ah) iyo 'inàn' (oo gabar ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Codkar
(Codkar-ka)
(qof) hadalka oran og; hadalyaqaan; fasiix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codkar
m.l (-rro, m.dh) C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codkar
m.l (-rro, m.dh) C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codkar
m. n., [compound] orator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codkar
-ka: (n) an eloquent speaker; orator (oori-tar) ~ aftahan, afmaal
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Codkar
Oratore
Orator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codkar
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal yagaan ah ama hadalka odhan og. Dh: hadalyaqaan, halkaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codkar
de: orator
lx: codkar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: codkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oodkac
(Oodkac-a)
Hilib aad loo yaryareeyo oo subag lagu shiilo oo kayd gala; muqmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkac
oodkac¹: m.l Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad.
oodkac²: f.g1 (-cay, -cday; -kici) Hilib muqmad ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oodkac
m.l Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oodkac
m. n., [collective] small pieces of meat preserved in ghee; jerky
oodkac v. chop up meat to make jerky
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oodkac
-a: (n) small cut and fried meat, prepared as delicacy for special occasion ~ muqmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodkac
(fal) hilib muqmad ah samee. Oodkac hilibkan ha saafine.
oodkac -a: (magac, lab, keli) hilib inta la jarjaro la engejiyo dabaddeed subag lagu dubo oo xeedhola qurxiyay lagu qaado oo cid la sharfinayo hadiyad looga dhigo. Dh: murmure, muqmad, luqmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oda
m. n. old man [respectful.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oda
bw: oday
de: old man [respectful]
lx: oda
nt: Root is not used alone
pd: (odaga)
ps: n2-m
key: oda
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
códa
s.f. - dabo, sayn, dib.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòda
s.f. - hab, hannaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soda
/sowda/ (n) cabbitaan sida kookada, faantada iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kolka
Marka; haddaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolka
xi. eeg kol².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kolka
xi. eeg kol².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolka
conj., time: when ..., at the time ...; then; now then ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kolka
(adv) (conjunction) whenever (weenevar); when (ween) ~ marka. Ex: kolka ay dabayshu dhacayso; When the wind blows
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolka
cf: marka; haddaba
de: when ..., at the time ...; then; now then ...
lx: kolka
ps: conj-time
key: kolka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
voilà
voilà, prép. - wakaas; halkeer.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vòlta
s.f. - mar (uno per v.: hal hal); daah (dhismo, cir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkaco
f.g3 (-cay, -cday) Hilib oodkac ka dhigasho.