vanguard
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vanguard
/vaan gardh/ (n) horseed (hormuud, sida askarta safka hore ee dagaalka loo diro).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeggan
m. n. (adj.): guard, night watchman, patrol (vanguard ~ rear guard in football); alert
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naziir
name-m leader, vanguard; equal-like, matching
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Naziira
name-fleader, vanguard; equal-like, matching
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeggan
de: guard, night watchman, patrol (vanguard ~ rear guard); back (in football); [atr.] alert Alt sp: heegan
lx: heeggan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heeggan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vantard
vantard, adj. - islawayni; faanfaanid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
avanguàrdia
s.f. - horseed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
safeguard
/seyf-gaardh/ (v) ilaalin (dhawrid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angar
angar¹: m.l la-mid: angarid.
angar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angar
(fal) ka tag; ka dhaqaaq.
angar-ka: (magac, lab, keli) ka tegis; ka dhaqaagis. angaran: (tilmaame) mid laga tegey ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
guard
illaaliye (qaybiye)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guard
/gardh/ (v) 1. ilaalin, waardiyeyn (n) 2. waardiye, ilaaliye
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
guard
n., kor jir, -ki, kor joog, -gi, ilaalo, -adi; v.tr., ilaali, jir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
canard
canard, n.m. - balanboolada lab (shimbir)
canard fausse nouvelle - Warbixin Dacaayad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangad
-ka: (magac, lab, keli) nabar damqasho oo wax gaadhsiin. Dh: damqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangar
fangar¹: m.dh Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. la-mid: fongor¹ (3).
fangar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dalool u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fangar
fangar¹: m.dh Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. la-mid: fongor.
fangar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dalool u yeelid. m.f.dh, fangarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hagard
hagard, adj. - aan niddam sanayn,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hangar
hangar, n.m. - dhismaha dayaaradaha lagu hagaajiyo; dhismo yar oo dhismaha weyn ku dheggan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jaguar
/jaagwar/ (n) bahal haramcadka u eg oo laga helo Ameerika oo dheereeya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
panard
panard, n.m. - faras lug qalooca; lug ka dhutinaya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vagare
v.intr. - meermeerid, warwareegid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vagary
/vagari/ (adj) cajiib ah (wax la yaab leh oo ujeeddo aan lahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vaguer
vaguer, v. - isla hadla; maqan; maankiisu joogin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarid
m.f.dh eeg angar². la-mid: angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegitaan; ka dhaqaaqitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Angular
Xagleed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
angular
/aangyalar/ (adj) xaglo leh, cirifyo leh, xaglaysan. e.g. an angular structure.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canguro
s.m. - kanguuro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
haggard
/haagardh/ (adj) diifaysan, siiba il-go'an ama wajigu canyayuubmay. e.g. He looked haggard after a sleepless night.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
January
/jaanyuweri/ (n) jannaayo (bisha koowaad ee miilaadiga).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
languid
/laang widh/ (adj) tabar darro (si daciif ah)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
languid
a., caataysan, weydsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
languir
languir, v. - Tabardarro guud.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
languor
n., caato, -di, weydnimo, -adi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ringard
ringard, n.m. - birgaab; dab xaadh (walaxda dabka lagu qaado)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tankard
/taankardh/ (n) galaas dheg-leh (koob weyn, oo dheg leh).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
vantare
v.tr. - faanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dangarad
-ka: (magac, lab, keli) qofka dantiisa ma ahee, wax kale aan isku hawlin. Li: danmoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangarid
m.f.dh eeg fangar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanguuro
° Nafley (caanaley) kamid ah kuwa uurka ku leh kolay ay dhashooda yaryar ku qaataan, oo ku nool Austraalya iyo Tasmaanya. Waxay leedahay: madax yar, oogo qaarka danbe u weyn oo u xoog badan, jeenyo gaaggaaban oo tabar yar, lugo waaweyn oo booddada loo sameeyey iyo dabo dheer oo xoog badan. Waxay boodi kartaa sagaal mitir oo dherer ah, iyo saddex kor ah; (ama kanguur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanguuro
m.dh.u (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kanguuro
m.dh.u (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanguuro
f. n., [collective] kangaroo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanguuro
-kanguurada: (n) kangaroo (kaan garuu) ~kaangaruu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanguuro
-da: (magac, dhedig, keli) noole naasleyda ka mid ah oo qandi ama kolay ku leh caloosha oo dhasheeda ku xambaarto oo ku dhaqan carriga Ustaraaliya oo keliya, laba addin ee hore ayaa gaagaaban. Wa: kanguurooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanguuro
de: kangaroo {Eng / It}
lx: kanguuro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kanguuro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
language
/laanguwij/ (n) 1. luqad; af 2. wax kasta oo leysku af garto (sida faraha)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
language
n., af, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mangiare
v.tr. - cunid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mudguard
/madh-gardh/ (n) birta shaagga ku wareegsan (badanaa baabuurta waaweyn iyo mootooyinka shaagooda ku wareegsan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vineyard
/vin-yardh/ (n) beer-yar oo lugu abuuro geedka cinabka ee khamriga laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
angulaire
angulaire, adj. - Xaglo leh; Cidhifyo leh; Xagleed; Xagleysan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bodyguard
/badhigaardh/ (n) waardiye (qof muhiim ah ilaaliya)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cankuqaad
m.l Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandharid
(Fandharid-da)
Nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan gudihiisa, hawl lagu raago miyir iyo aayar aayar, uga qabasho; farafarayn; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandharid
m.f.dh eeg fandhar. la-mid: findhirid, findhirin, findhiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandharid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan ka dhigid. Dh: farafarayn, qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gangaamid
m.f.dh eeg gangaan. la-mid: ganguumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gangaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aroos iyo wax la mid ah, diyaarin ama unkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguumid
m.f.dh eeg ganguun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gargaarid
(Gargaarid-da)
Gargaar siin; taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarid
m.f.dh eeg gargaar². la-mid: gergaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageero u fidin; cid kale, u kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaarid
m.f.dh eeg gungaar². la-mid: gungaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabar goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanguuri
(fal) wax dabargoyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaanguuro
-kaanguurada: (n) kangaroo (kaan-garuu) -kangaruu
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lifeguard
/layf gardh/ (n) qofka ka masuulka ah dadka dabaalanaya bad-baadintooda (xeebta ama meelaha kale ee dabaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangarad
m.l la-mid: maangarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarad
-ka: (magac, lab, keli) qof waxa uu qof kali maanka ku hayo sii garta isaga oon loo sheegin. Hooyo waa maangarad oo waxa ilmeheedu u baahan yahay iyada oon loo sheegayn ayay garataa. Dh: indheergarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme qudbad dheer oo dhuuban ah oo masaajidyada laga ag taago aadna loo qurxiyo oo makarafoonnadan la dul saaro. Masjidka mannaarad looma sameyn. Wa: mannaarado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salguurid
m.f.dh eeg salguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salguurid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargo'id; baabi'id. Li: jiritaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sanctuary
/saak juweri/ (n) 1. meel barakaysan 2. meel la magan-galo (meel lugu nabad galo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tabguurid
Hannaanka waxtabaynta oo luma ama salguura.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
traguardo
s.m. - yool; hadaf.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unguarded
/angardhidh/ (adj) 1. ilaalo la'aan ah (aan la dhawrin) (adj) 2. aan laga-fiirsan (aan laga- taxadarin).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
viaggiare
v.intr. - safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharid
(Wandharid-da)
Wax wandharan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharid
m.f.dh eeg wandhar². la-mid: wandhar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandharid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib wadhid; saafid; kala dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarad
(Xanbaarad-da)
Xanbaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarad
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka wax ku qaadad; dusha wax saarad. Dh: xambaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarid
(Xanbaarid-da)
1. Ilmo yar dhabarka ku qaadid.
2. Kor u qaadid, u sidid, u bilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar ama wax kale dhabarka ku qaadid. Dh: xanbaaris.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
avant-garde
/avantgardh/ (adj) aad u hormarsan (aad casri u ah). e.g an avant-garde sculpture.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hang around
/haang-arawn/ (v) 1. war-wareegid (v) 2. raac-raacid (la-socosho).