valle
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
valle
s.f. - dooxo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vallée
vallée, n.f. - dooxo.
vallée étroite - jar dhuuban.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Valley
Dooxo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
valley
/vaali/ (n) tog (waadi).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
valley
n., bohol, -shi, dooxo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alle
(Alla-ha)
Eebbe; Ilaah; Allaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alle
m.l (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Alle
m. n. Allah, God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Alle
Allaha: (n) Allah, God ~ Ilaah, Rabbi, Waaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alle
magacda Eebbe mid ka mid ah oo u gaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Alle
a: Allah
de: Allah, God
lx: Alle
pd: (/ha)
ps: n0-m
syn: Eebbe (/ha)
key: Alle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Vale
Dooxo ballaadhan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vale
/veyl/ (n) waadi (tog).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
vale
n., far, -ti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
balle
balle, n.f. - Kubbad; Banooni;
balle de fusil. - Rasaas; Xabadda wax disha.
balle, n.f. (colis) - xidhmo alaabah oo laysku xiray ama duubay si loo qaabo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galle
galle, n.f. - dhadhid ama hagaasida geedaba oo ka timaada cudur ama cayayaan cuna.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
halle
halle, n.f. - barxad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalle
-ha: (magac, lab, keli) hadhuudhka iyo wixii la mid ah oo sabuulka laga dhilay, la miideeyay suqushana laga reebay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malle
malle, n.f. - sanduuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalle
(Qalla-ha)
1. Wax waajib ahaa oo qof ka tegey, oo waa danbe la sameeyo, laga gar'alleeyo, la guto.
2. Guddoonka Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalle
m.l Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qalle
m.l Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalle
m. n. delayed fulfilling of an obligation, catching-up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalle
-qallaha: (n) prayers performed at a later time, after missed it's regular time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalle
-ha: (magac, lab, keli) dib u samaynta cibaado xilligeedil dhaaftay. Subixiigalle ayaan ku tukaday: Li: adde, adaa.
qalle -ha: (magac, lab, keli) cibaadada la qallaynayo lafteeda.
qalle -ha: (magac, lab, keli) qaddar Eebbe oo inta badan dhimashada lagu gaar yeelo. Qallaha ilaahay rumee. Dh: qadde, qaddar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalle
de: delayed fulfilling of an obligation, catching-up
lx: qalle
pd: (/ha)
ps: n-m
key: qalle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
salle
salle, n.f. - qol; qol markabka kamid ah oo dadweynaha ka dhexeeya
salle d'armes - meesha hubka la dhigo
salle de spectacle - meesha riwaayada lagu dhigo
salle de bain - qolka lagu maydho
salle de séjour - qolka fadhiga
salle à manger - qolka lagu cunteeyo
salle obscure - shaneemada
salle des pas perdus - aqal weyn oo meel walba u furan sida meesha tareenku ka baxo
salle d'études - waxbarasho
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Value
Qiime
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Value
Qiime
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
value
/vaal yuu/ (n) 1. qiime (v) 2. qiimayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Value
qiime
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
value
n., ganac, -di.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Valve
Hani
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Valve
Haniye
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
valve
(n) (m) a membranous structure in a hollow organ or a passage, as in artery or vein, that retards or prevents the return flow of a bodily fluid.
cad sida xuub oo kale ah kana celiya dhiigga oo dib ugu noqda xididada dhiigga iyo wadnahaba
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
valve
/vaalv/ (n) qalab lagu rakibo tuubbooyinka iwm oo suurto galiya in dareeraha iyo gaasku hal dhan u socdaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
valve
valve, n.f. - galbac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ville
ville, n.f. - magaalo; suuq (xaafad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walle
Wallaahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walle
m.dh la-mid: wallaahi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walle
m.dh la-mid: wallaahi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walle
inter. by God!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walle
a: wallaahi
bw: Arabic
de: by God!
initial: w
lx: walle
pd: (wallee)
ps: intj
key: walle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dabayl dooxaad
Valley wind
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxada rift
Rift valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo
Valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo Qaabka U
U-Shaped Valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo aasantay
Aggraded valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo daldalan
Hanging Valley; Valley, hanging
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo dhinsan
Dead valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo guracan
Transverse valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo muquuratay
Blind valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo qaliashay
Dry valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo qaraqantay
Drowned valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laf iyo dooxo
Ridge and valley
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tuulimaad dooxeed
Valley terrain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caag
m. n. hard plastic; object made of hard plastic
caag m. n. area lacking in vegetation; depression, valley where a pool of water may occur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexad
vl. n. talkativeness
deexad [feminine] n. valley
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhudhub
f. n. impassable place; narrow valley
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooxo
f. n. valley, dry river valley
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogob
m. n. valley; river-bed; any natural depression
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeex
v. tear, split, slash, divide
jeex m. n. torn-off piece, bit, strip
jeex m. n. valley, crevasse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doox
-a: (n) 1. streambed (istiriim-beedh); channel (janel); gorge (goorj); canyon (kaanyan); river valley; wadi also wady ~ tog, waadi. 2. diarrhea also diarrhoea (dhaay-riya) shuban. 3. doox -ay/day: (v) stab (istaab) in the stomach
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
valable
valable, adj. - inta ay wax anfacoodu sugan yihiin, la isticmaalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallee
v., sg., opt. form: I may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallee
de: I may be (in a place)
lx: aallee
ps: v4c-1sg-pot
key: aallee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AWALLE
(Awalle) S Clerodendrum acerbianum (Vis) Benth & Hook. Verbenaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baalle
nickname, name-m winged, feathered; blessed or divined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baalle
-baallaha: (n) lamppost (laam poost); pylon (paay·loon) baalleha korontada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalle
-ha: (magac, lab, keli) baal iyo baad uu ku duulo leh. Baalleh barbar walba wuu u duulaa.
baalle -ha: (magac, lab, keli) nin baal madaxiisa ka ka taagan yahay oo rag uu laayay ku baashaday. Baalle biri qaadday booyini ma soo celiso. Dh: geesi. Li: fule.
baalle -ha: (magac, lab, keli) tiirka korontada ee fiilooyinka lagu xidho.
baalle: naanays loo baxsho wiil orodka dheereeya si uu leeyahay baal shimbireed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). la-mid: billee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). m.f.dh, ballayn. la-mid: billee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballee
v. be the first to see ~ visit a newborn baby
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballee
yey say: (v) be the first who sees the newborn baby, it is believed that, the baby will behave like that person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballee
(fal) ilmo yar oo afartan cisho jira tunka ku qaad oo gardaadi si uu kuugu dabeecad ekaado. Dh: gardaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballee
de: be the first to see ~ visit a newborn baby
lx: ballee
pd: (balleeyey)
ps: v2b=
key: ballee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalle
(Caalla-ha)
Nafleyda caasha leh, la mid ah; nacas; doqon; dabbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalle
m.l (-layaal, m.dh) Qof aad u garaad yar; segeger.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalle
m.l (-layaal, m.dh) Qof aad u garaad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalle
m. n. stupid person, fool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalle
- caallaha: (n) the retarded (ri-taar-dhidh); mentally disabled person; handicapped (heen-di-kaapid) person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalle
-ha: (magac, lab, keli) jaadadka waraabaha mid ka mid ah. Dh: dhidar.
caalle -ha: (magac, lab, keli) nafleyda caasha leh mid ka mid ah.
caalle -ha: (magac, lab, keli) qof maangaab ah. Caalle ha isku noqon, caqli aan lahayn, cilmigana an baran. Dh: nacas, doqon, dabbaal. Li: fariid, geesi, caaqil, halyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalle
de: stupid person, fool
lx: caalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caalle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caille
caille, adj. - gadhoodhka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callee
(fal) eeg callay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
caller
n., (the man calling to prayer) muaddin, -ki, nin adimaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) naacawi ka soo gasho u hoosaasin. 1. Aqal meel yeelid. 2. Cid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin. m.f.dh, dallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallee
(fal) cid kale, hoosaasin.
dallee: (fal) sheego wax aad qabto. Warkaaga dallee. Dh: caddee, bayaami. Li: ed, gari. dalleen: (tilmaame) si aad u fudud. Dalleen aniga iigama tagee waan dig siin jiraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalle
m.l la-mid: faallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalle
m. n. comment, remark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faalle
-faallada: (n) comment (komment); explanation. Ex: faalle badan uma baahna; it doesn't need much comment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalle
a: faallo
de: comment, remark
lx: faalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faalle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
faille
faille, n.f. - jab; dilac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fallen
/folen/ (v) fall, oo fal hore ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galley
(Galley-da)
Geed la abuuro oo dhala badar waxtar weyn leh: dadka iyo duunyadaa cuna; waxaa kaloo laga sameeya saliid la cuno oo wanaagsan, qaarkeedna laga dhigo, dawo, saabbuun, khal, nacnac, xabko, asal iyo ranji, cadar udgoon, waxyaalo qaraxda, kd.; geedku bal taagan oo caleemo dheerdheer iyo sabuul iniino badan oo sarac sarac ahi ku yaalliin buu lee yahay; arabbikhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galley
m.dh Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
galley
/gaali/ (n) jikada markabka