uusqub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusqub
(Uusqub-ka)
Geed nagaarka ka mid ah oo laysku daweeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusqub
-ka: (magac, lab, keli) geed ka mid ah nagaadhka oo la isku daweeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uusqub
de: medicinal herb sp.
initial: u
lx: uusqub
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: uusqub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusub
Kolkaas ama kol dhow la sameeyey; aan hor u jiri jirin; aan duug ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusub
f.mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub) 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cusub
f.mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub) 1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho. m.f.dh, cusbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusub
[adjective] new, fresh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cusub
-aa / ayd: (adj) new (niyuu) ~ bac ah. —Syn: fresh, novel, newfangled, original, brand new cutub -ka: (n) [Pl. cutubyo-da] chapter (japter); unit (yuunit) ~ cuntub
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cusub
Nuovo
New
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusub
(tilmaame) wax kolkaas ama dhowaan la sameeyay; aan hore u jiri jirin; aan duug ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusub
cf: cusayb
de: new, fresh Opp: duug
lx: cusub
pd: (cusbaa Pl: cuscusub)
ps: adj
key: cusub
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cusub
جديد
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jusque
jusque, conj. - ilaa; tan iyo (waqti)
jusqu'à - ilaa iyo markay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Musqul
(Musqu-sha)
Qol yar oo loo kortago; suuli; kortag; (ama muqsul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musqul
m.l/dh (-lo, m.dh) Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. la-mid: muqsul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
musqul
m.l/dh (-lo, m.dh) Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. la-mid: muqsul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musqul
f. n. latrine, lavatory, toilet, restroom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
musqul
-musqusha: (n) toilet (tooy'lat); washroom (waash'-ruum)-, bathroom (baath ruum); rest room (rest ruum); W.C. [water closet] ~ suuli, beytalmay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musqul
-sha: (magac, dhedig, keli) meel asturan oo lagu maydho ama kaadi iyo sindho loo galo oo hoosta god ama tuunbooyin qashinka qaada ku leh. Dh: suuli, kaniif, beytilmey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musqul
de: latrine, lavatory, toilet, restroom
lx: musqul
pd: (/sha)
ps: n1-f
syn: beytalmay, kortag, suuli
key: musqul
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brusque
brusque, adj. - Lama filaan ah; si lama filaan ah; kediso.
retour brusque - ka soo boodid (sida kubbad gidaar lagu dhuftay.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuduub
-ka: see [eeg] duudduub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuduub
(fal) wax fidsanaa, isku laallaab.
duuduub -ka: (magac, lab, keli) isku laallaabnida wax fidsanaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
musique
musique, n.f. - muusik.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusaab
v. smile
muusaab v. cry silently, have tears in one's eyes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusaab
-ka: (magac, lab, keli) qof ay wax aslibeen oo nabar ama dhib kali gaadhay. Wilku waa muusaabe sheekh u geeya. Dh: musaab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
puisque
puisque, conj. - maadaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushub
shushub¹: m.l 1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iyo wixi lamida oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.
shushub²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Maro iyo wixi lamida dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shushub
m.l 1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iyo wixi lamida oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushub
(fal) wax hore gardax u ahaa dhawrmeelood u kala qayqaybi. Shushub oo nin ba in sii raashinka. Dh: qaybqaybi.
shushub -ka: (magac, lab, keli) qof waayeel ah haragga sare ee debcay oo duubduubma: laablaab: goxosh.
shushub -ka: (magac, lab, keli) maro, sida googgaradda, iyo wixii la mid ah, halka laga dulciyo oo maradu iskaga roorto.
shushub -ka: (magac, lab, keli) wax hore gardax u ahaa oo dhawr meelood lagu kala shubshubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udullub
udullub¹: m.l Socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro, caro iyo wixi lamida hayso.
udullub²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof jirro, caro iyo wixi lamida la cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udullub
(fal) qof, jirro ama cadho daraaddeed la cagajiid.
udullub -ka: (magac, lab, keli) socod cagajiid ah oo ay sameeyaan dad jirro ama cadho hayso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUUS-QABE
(Kus-gabe) May Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.