uuslay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuslay
-da: (magac, dhedig, keli) waa inta ku jirta caloosha iyo xiidmaha uusku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslay
(fal) culays ku kordhi; wax culus ka dhig. Dh: cuslee. Li: fududay, fududee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusley
m.dh Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. la-mid: uuslaho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uusley
-da: (n) abdomen (aab-do-man); stomach (istoo-mak); belly (be-li) ~ callool, ubuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusley
-da: (magac, dhedig, keli) waa inta ku jirta caloosha iyo xiidmaha uusku maro. Dh: uuslay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganac
-a: (magac, lab, keli) xubin ka mid ah uuslayda caloosha ka mid ah; waa xubin carrab la moodo oo ku taalla caloosha hoosteeda midhiqirradana ka sarraysa.
ganac-a: (magac, lab, keli) qiimaha uu joogo iyo tayada sheyga la kala iibsanayo. Xoolihii way ganac jabeen. Dh: qiimo, qiimi, sicir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
poitrine
poitrine, n.f. - laabta; xabadka; inta goorta iyo uuslayda u dhaxaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullay
(fal) cid nabar gaadhay ama xanuun badani soo maray buullo sii, hilib iyo cunto nafaqo badan isugu dar, muddo si gaar ah u xanaanee. Ninka adaa jabiyeye iska buullay. Dh: nafaqee, buullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuslaho
m.dh la-mid: uusley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuslaho
-da: (magac, dhedig, keli) caloosha iyo wixii la xidhiidha. Dh: uusley.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slay
/sley/ slain; (v) dilid (qur-gooyn); gawricid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
slay
(see slaughter).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulay
(fal) qof ul la dhac ama ku garaac. Ulay inanka edeb ha yeeshee. Dh: dhengeday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulay
m.l Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulay
(fal) bul iyo shaash u yeel. Googoradda inanta yar bulay. Dh: bulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culay
(Culay-ga)
Qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha qaarkood lagu culo: qoriqadiid; (ama cugay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culay
m.l Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. la-mid: cugay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culay
m. n. bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culay
(fal) weel, culay ku same.
culay-ga: (magac, lab, keli) qoryo udgoon oo inta dab la gesho iyaga oo kulul amaba belbelaya weelka la culayo gudihiisa lagu rido oo lagu aabudho oo lagu rogrogo, si jeermiska looga dilo. Dh: qoriqadiid, cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culay
de: bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
lx: culay
pd: (-ga)
ps: n-m
see: cugay
key: culay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulay
m. n. (adj.): coward; cowardly, timid, shy, bashful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulay
-ga: (n) fearful and hesitant person, chickenheart, timid, craven male; coward (kaawardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulay
-ga: (magac, lab, keli) qofka beerka nugul ee halista aad uga cabsooda. Dh: fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulay
de: coward; [atr.] cowardly, timid, shy, bashful
lx: fulay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
xe: He is a coward
xv: fule ~ fuley
key: fulay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fulay
جَبَان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusay
(fal) timo iyo wixii la mid ah, ha moolayne gaabi. Timaha iga qusee. Dh: yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuray
(fal) uur u yeel haweeney. Dh: rimi.
uuray: (fal) uuro iyo siigo kici. Dh: siigay.
uuray-da: (magac, dhedig, keli) qof yar oo calool weyn. Uuray baad tahaye jimicsiga ciyaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusan
Isagu ma (diiddo), sida: isagu ma iman — ma uusan iman; aanu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusan
(magacuyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo diidmo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uusan
a: aanu
de: he ... not = uu + -se + aan 'not'
initial: u
lx: uusan
ps: vpro + neg
xe: He will give you the money that he didnt send.
xv: Lacagta uusan soo dirin buu ku siin doonaa.
key: uusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslay
(fal) si aan qorshaysnayn oo kolba meel laga bilaabayo hawl u qabo. Baslaynta jooji si fiican wax u doodndoon. Dh: baslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislay
(fal) wax bissil ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullay
(fal) cun wax laguu yareeyey. In kalay bulaysaye, adse beer ma dubanine.
bullay-ga: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo caddaan casaan xiga ah. Sac bullay ah ayaa halkaa daaqaya. Dh: beesh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbay
(fal) dhallaan, cusbo geli; cusbo ku daawee.
cusbay: (fal) soor iyo wixii la mid ah, milix ku dar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaa
adj., simple past tense: was heavy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaa
(adj) heavy (heevi). Ex: miiskii cuslaa baa haray; the heavy desk was left over
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaa
de: was heavy
lx: cuslaa
ps: adj-past
see: culus
key: cuslaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaw
(fal) wax culus noqo. Li: fududaw, fududow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullay
(fal) ka dhig wax aan nadiif ahayn oo xaqiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guclay
(fal) si aayar ah u orod.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mislay
/misley/mislaid; (v) boos khaldan wax dhigid, kuna hilmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqlay
m.l (-qlo/muqlay, m.dh) Geed-quwaax, qodax yaryar, caleen dhuudhuuban iyo asal wanaagsan oo lagu megdisto. la-mid: muqle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqlay
m. n. resin producing tree species; resin of such a tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MUQLAY
[MUKULAY, MUKLAY, MOKOLAY] Boswellia microphylla 01-
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqlay
(fal) bukaysii oo cudurka shilinta ah ku rid. Haddaad karayso muqlay kariba mayside. Dh: muqlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqlay
a: muqle
de: resin producing tree sp.; resin of such a tree
lx: muqlay
pd: (-ga Pl: muqlay (da))
ps: n5-m
key: muqlay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muslax
(fal) kala dhexdhexaadi; heshiis ka kala dhex samee. Labada nin ha isku dirine kala muslax. Dh: islaaxi, heshiisii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
outlay
/awt-ley/ (n) kharash (lacag hawl gaar ah lugu kharash gareeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qusley
m.dh Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusley
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uulayn
m.f.dh eeg uulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku celcelinta codka 'uu' oo gurmad lagu doonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbay
(fal) tixgelintiisa ku tala gal oo isku diyaari. Go'aanka cusub ee shaqaalaha xusbay. Dh: xusbee, xushmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuflayn
m.f.dh eeg buuflee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuflayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buufta hayn oo neef kolla hoos u jiidid kolla kor. Buuflaynta daa oo saani u hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullayn
-ta: (magac,dhedig, keli) nafaqo wanaagsan siin, sida neef loo qalo qof dhaawac soo gaadhay ama xanuun ritay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuralay
-da: (magac, dhedig, keli) dhul buuro dhaadheeri leh oon bannaan lahayn ama uu ku yar yahay. Buuralayda golis waa dhul can ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuslayso
f.g3 (-stay, -satay) Hawl, arrin iyo wixi lamida wax culus oo dhib leh ka dhigasho. m.f.dh, cuslaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuqlayn
m.f.dh eeg quuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusaalay
(fal) astaamee, wax lagu garto ka bixi, tusaalooyin badan ka samay.
tusaalay: (fal) cid kale, waano sii oo hogatusaalee; meelo badan wax ka tus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushlayn
m.f.dh eeg xushlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baslayn
(Baslayn-ta)
Si basle ah, baadi ama wax kale, u raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baslayn
m.f.dh eeg baslee. la-mid: basle (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc orodka ka mid ah oo gucle u eg oo si qaabxun wax loo raadgoobo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslays
-ka: (magac, lab, keli) baslayn u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bislayn
(Bislayn-ta)
Wax bisil ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislayn
m.f.dh eeg bislee. la-mid: bislays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bissil ka dhigid. Bislayn intaa ka badan looma baahnee dheriga ka soo rog. Dh: bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bugbugleyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulshay
-ga: (n) social person; outgoing personality; friendly male person
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulley
buulley¹: m.dh Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley²: m.dh (cilmiga naflayda) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulley
buulley¹: m.dh Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley²: m.dh (cilmiga naflayda) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulley
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh gashaanti ah oo aqal keligeed gasha. Buulley la haasaawaa. buullo -da: (magac, dhedig, keli) nafaqo gaar ah sida hilibka oo qof dhib ama nabar soo gaadhay la siiyo. Buullo gool baa loo qashaa iyo koronnada waaweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cawslay
Grassland
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg cusbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaad
-ka: (magac, lab, keli) wax culus noqosho. Dh: culays. Li: fududaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslaan
m.f.dh eeg culus. la-mid: culays, cuslaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuslaan
f. n., [abstract] heaviness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuslaan
-ta: (n) the act of being heavy; heaviness (heevines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuslaan
de: heaviness
lx: cuslaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuslaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
display
/dhispaley/ (v) 1. soo-bandhigid (n) 2. ban-dhig, soo-bandhigis.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
display
v.tr., (exhibit to sight or mind) tus, ogaysii, muuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sharafta ka dhigid oo qayrkii ka reebid.
dullayn -ta: (magac, dhedig, keli) dibi iyo wixii la mid ah, dulle la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan la dareemi karin, wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duullan
(Duullan-ka)
Ku talaggalka lagu talaggalay ama la guddoonsadey in la duulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duullan
dųullan: m.l la-mid: dųullaan (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duullan
m. n. state of war-readiness