uurxumaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumaan
m.f.dh eeg uurxun. la-mid: uur-xumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caloolxumaan an wax lagu yeelay la illaawin. Dh: caloolxumaan, uurxumi. Li: uursamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxumaan iyo rajala'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) uurxumaansho iyo rajala'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urxamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) calooxumaan iyo ciilqabid. Dh: uurxumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxumaan
m.f.dh eeg farxun. la-mid: farxumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirxumaan
m.f.dh eeg jirxun. la-mid: jirxumaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wejixumaan iyo cadho muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turjumaan
(Turjumaan-ka)
Qof afaf kala duwan yaqaan oo isku beddela; afnaqe; afceliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumaan
turjumaan¹: m.l la-mid: turjubaan¹.
turjumaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: turjubaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turjumaan
m. n. interpreter, translator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjumaan
-ka: (n) interpreter (iintarpatar); translator (taraanis leeyter) ~ tarjubaan, afnaqe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumaan
-ka: (magac, lab, keli) qof afafka kala duwan isku fasiri kara oo isku beddeli kara oo u dhexeeya dadka aan is'afgaranayn. Dh: afceliye. turjubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turjumaan
de: interpreter, translator
initial: t
lx: turjumaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: turjubaan
key: turjumaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursamaan
m.f.dh eeg uursan. la-mid: uursamaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uursamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxaadhnaan iyo caloolsamaan. Dh: uursami, caloolsamaan, uurxaadhni, uurfiyoobi, caloolxaadhnaan, kalsamaan. Li: uurxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumaansho
m.l/dh la-mid: uurxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid uurxun ahaan. Dh: caloolxumaan, caloolxumi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkumaanle
Psicologo
Psychologist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumnaan
m.dh la-mid: tarjumnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumnaan
-ka: (magac, lab, keli) wax tarjuman ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeroxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xerada oo salabaha laga daayo oo digadu ku qoydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxun
f.mg4 (-xumaa, -xumayd) Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurxun
f.mg4 (-xumaa, -xumayd) Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho. m.f.dh, uurxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xumaan
(Xumaan-ta)
1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado.
2. Wax xun ahaan; xumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xumaan
xumaan¹: m.f.dh eeg xun. la-mid: xumaansho, xumi.
xumaan²: m.dh 1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xumaan
m.dh 1. Wax wax dhima ama waxyeello leh ama la qoonsado. 2. wax xun ahaansho ama noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumaan
f. n., [abstract] (adj.): harm, evil; damage; bad, wrong
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumaan
-ta: (n) wickedness (wikidh-nes); immorality (imooraalati); evil (ii-vel) conduct ~ xumaato, xumi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xumaan
Cattiveria
Mischief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) calool xumo iyo uurku hadho qofku maanka in badan ku hayo. Ninkii dugsiga iga eryey xumaanbaan u hayaa. Dh: caloolxumo.
xumaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax xun oo la naco. Xumaanta ka hadh oo cibaadayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumaan
de: harm, evil; damage; [atr.] bad, wrong
initial: x
lx: xumaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xumaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caws ka baxa beerta dhexdeeda oo durba dib u soo baxa markii la gooyo. Burxaan beerta ka guray: Dh: xule, dhikil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurmaan
(Kurmaan-ka)
Cadad yaryar oo isqabqabsada oo aan bislaan oo burka iyo budada la karsho, laga dhex helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurmaan
m.l (kurmaan, m.dh) Badarka budada ah marka la karinayo kuuska uu yeesho; burlaqan; burtuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurmaan
m. n., [collective] lumps (as when cooking with flour)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurmaan
-ka: (magac, lab, keli) cadad yaryar oo isqabqabsada oo aan bislaan oo burka iyo budada la karsho laga dhex helo. Wa: kurmaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurmaan
de: lumps (as when cooking with flour)
lx: kurmaan
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kurmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turxaan
(Turxaan-ta)
Xumi, ceebaal, iin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turxaan
m.dh Iin; cillad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turxaan
m.dh Iin; cillad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turxaan
f. n. deformity, defect (physical ~ moral)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turxaan
-ta: (n) defect (dii-fakt); deficiency (di-fishensi); fault (foolt) ~ cillad cillo, ceeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka xumaanta ama qoonsimaadka xambaarsan iyo waxyeelooyinka yar yar. Dh: xumaan, cillad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turxaan
de: deformity, defect (physical ~ moral)
initial: t
lx: turxaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: turxaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxaad
m.l Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumi
m.dh la-mid: uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumi
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan uurka ku haysi badnaan. Dh: uurxumaan, caloolxumaan. Li: uursami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurxumo
(Uurxuma-da)
Caloolxumo; ciilqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumo
m.dh Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. la-mid: uurxumi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurxumo
m.dh Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. la-mid: uurxumi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurxumo
-uurxumada: (n) indignation (in-dig-neey-shin); resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger) ~ urug, urugo, caro, umal, uurkutaallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumo
-da: (magac, dhedig, keli) cuqdad iyo colaad cid u qabid. Dh: caloolxumo, ciilqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurxumo
de: grievance, grudge
initial: u
lx: uurxumo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: uurxumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afxumaan
m.f.dh eeg afxun. la-mid: afxumaansho, afxumi, afxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hadalkiisu aanu hufnayn, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilxumaan
m.f.dh eeg ilxun. la-mid: ilxumaansho, ilxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caataysnaan iyo taagdarraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) la-mid: tarjuman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjuman
(tilmaame) hadal la tarjumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurmaran
m.dh Naasley aan uurkeeda ilmo ku jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la rigrigay oo tolmo qurxoon loo sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darxumayn
(Darxumayn-ta)
Silic badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumayn
m.f.dh eeg darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo silic badid. Dh: silcin. Li: daryeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqaan
m.l 1. Ci'da dameeraha. 2. Hadal edebdarro ku jirto oo qof aan xishoonayni ku hadlo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durruqaan
-ka: (magac, lab, keli) ci'da dameeraha.
durruqaan -ka: (magac, lab, keli) hadal edebdarro ku jirto oo qof aan xishoonayni ku hadlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falxumaan
m.f.dh la-mid: falfalxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad qallafsan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habxumaan
m.f.dh eeg habxun. la-mid: habxumaansho, habxumi, habxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mi qaab iyo hannaan wanaagsan aan lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirxumayn
(Jirxumayn-ta)
Weji aan furfurrayn iyo caro, cid kala hor-imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirxumayn
m.f.dh eeg jirxumee. la-mid: jirxu-mays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, wejixumaan tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasxumaan
m.f.dh eeg kasxun. la-mid: kasxumaansho, xaskumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kas darraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoolnaan oo dub iyo dirba la'aan. Barastu waa murxitaan jidhka haraggu ka saarmo. Dh: galdhicitaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDUBAAN
Indigofera ruspolii 40
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxanaan
m.dh la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turjubaan
(Turjubaan-ka)
Afceliye, afhaye, (ama turjumaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjubaan
turjubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Afceliye; afhayn. la-mid: turjumaan¹.
turjubaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. la-mid: turjumaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turjubaan
turjubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Afceliye; afhayn. la-mid: turjumaan.
turjubaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) 1. Laba af isku beddelid. 2. Ka t.: laba qof oo aan is af garanayn is af garadsiin. m.f.dh, turjubaanid. la-mid: turjumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turjubaan
m. n. interpreter, translator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjubaan
-a: (n) interpreter (iintar patar); translator (taraanisleey-ter) ~ tarjubaan, afnaqe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjubaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg turjumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turjubaan
bw: Arabic
de: interpreter, translator
initial: t
lx: turjubaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: turjubaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turjumaad
-da: (n) interpretation (in-ter-pa-teey-shin); translation (taraanis-leey-shin); explanation (ikis-pala-neey-shin) ~ tarjumaad, tarjumo
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuhayn
m.dh Uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) illaw la'aan iyo xusuusnaanta wax ku soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuqaad
-ka: (magac, lab, keli) caloolxumada iyo nacaybshaha aan la iska saamaxin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurkuraag
name-m past due, overdue
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asluubxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqan xumaan; anshaxumaan; edebdarraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkummaanle
(Uurkummaanla-ha)
Qofka garan og waxa aan afka laga orane dadka uurkiisa ku jira; kasmo u leh sida lagu maleeyo waxa dadku iskula hadla hayo; maangarato ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkummaanle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkummaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof karti u leh in uu garto waxa aan afka laga odhane dadka uurkiisa ku jira. Dh: maangarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkummaanle
de: clairvoyant, person with power of mind-reading
initial: u
lx: uurkummaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: uurkummaanle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumaan
m.f.dh eeg basarxun. la-mid: basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.