uursami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursami
m.dh Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uursami
-da: (magac, dhedig, keli) caloolxaadhni; aan uurka xumaan lahayn. Dh: uursamaan. Li: uurxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolfayoobi
m.dh Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolfayoobi
m.dh Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursamid
m.f.dh la-mid: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku soo ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuursani
-da: (magac, dhedig, keli) fuursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursani
-da: (magac, dhedig, keli) wax urursan ahaan; wax meel ku wada sugan ahaan. Urursani ayaa loogu duceeyay ummadda. Dh: urursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursamo
m.dh Dabayshu xagga ay u dhacayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursamo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayshu xagga ay u dhacayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho. m.f.dh, uursamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaami
f.g2 (-iyay, -isay) Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaami
(fal) cid kale wax ku guubaabi. Dh: uugaabi, tirtirsii.
uugaami: (fal) xoolo urursan si degdeg ah u wad oo jahee. Uugaami adhiga oo u diid in ay kala leexleexdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumi
m.dh la-mid: uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumi
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan uurka ku haysi badnaan. Dh: uurxumaan, caloolxumaan. Li: uursami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxsamid
(Buuxsamid-da)
Wax buuxa noqosho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsamid
m.f.dh eeg buuxsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxa noqosho. Buuxsamidda foostadaa daba sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsamid
(Duufsamid-da)
Qof la duufsaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsamid
m.f.dh eeg duufsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruxsami
(Quruxsami-da)
Qurux badan lahaan; quruxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxsami
f. n., [abstract] great beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsami
-da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
quruxsami -da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxsami
de: great beauty
lx: quruxsami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: quruxsami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsamid
m.f.dh eeg tuunsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuunsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursamaan
m.f.dh eeg uursan. la-mid: uursamaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uursamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxaadhnaan iyo caloolsamaan. Dh: uursami, caloolsamaan, uurxaadhni, uurfiyoobi, caloolxaadhnaan, kalsamaan. Li: uurxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku wareegid oo buuq iyo jahawareer ku jirid. Laba cisho ayaa xuuraamid lagu jiraa.
xuuraamid-da: (magac, dhedig, keli) baadhid oo u kuurgalid. Dadbaan xuuraamidda u diran. Dh: xograadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iyo wixi lamida xannibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curyaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iyo wixi lamida xannibid. m.f.dh, curyaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curyaami
v. cripple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curyaami
-yey / say: (v) disable, damage, or impair the functioning of; cripple (kirippal) Ex: mudaharaad warshadahii curyaamiyey; a strike that crippled the factories
curyaami -yey / say: (v) cause someone to lose the use of a limb or limbs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaami
(fal) curyaan ka dhig; xannib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curyaami
de: cripple
lx: curyaami
pd: (curyaamiyey)
ps: v2a=tr
key: curyaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan istaag lahayn. Dh: duryamid, dhawdhaw. Li: aamus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryamid
m.dh la-mid: guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid sixir ka daaweyn. 2. Arrin iyo wixi lamida xal u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furdaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid sixir ka daaweyn. 2. Arrin iyo wixi lamida xal u raadin. m.f.dh, furdaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furdaami
v. set free from being bewitched, lift a spell, exorcise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furdaami
-yey I say: (v) 1. free from evil spirits or malign influences; exorcise (ek-sersaays). 2. solve; find a solution to ~ xalli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaami
(fal) arrin adag si tartiibtartiiba ah xal ugu raadi
furdaami: (fal): qof la falay, u kitaabfur oo sixirfuryo u samay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furdaami
cf: sixir
de: set free from being bewitched, lift a spell, exorcise
lx: furdaami
pd: (furdaamiyey)
ps: v2a=
key: furdaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursimo
m.dh.kh G. ah: naag ku jirta ayaamihii hore ee guurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku sammi
v. name a child after someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_sammi
de: name a child after s.o.
lx: ku sammi
pd: (sammiyey / sammiday ~ sam-misey)
ps: v1= / v2a=
key: ku_sammi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: marqaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaami
(fal) wax mirqaansan ka dhig. Waardiyaha murqaami oo jaad ka dhergi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuuraani
name-m the light
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugaami
f.mg2 (-iyay, -isay) Jaan iyo jiib cayaar la raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugaami
(fal) jaan iyo jiib cayaar la raac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxsani
-da: (magac, dhedig, keli) suuxsan ahaansho, sarcan la dhacsan ahaan. Suuxsani baan kaga imi shalay. Dh: suuxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamid
m.f.dh eeg uugaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo isku duuban meel isugu imaad oo marba dhinac u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamin
m.f.dh eeg uugaami. la-mid: uugaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ku guubaabin. Dh: uugaabin, tirtirsiin, uugaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamis
m.l la-mid: uugaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg uugaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursani
-da: (magac, dhedig, keli) burbursanaansho ku jirid sida dhisme ama maamul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buursameyn
m.dh (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rami
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sami
(Sami-da)
Samaan; same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sami
m.dh la-mid: samaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sami
f. n., [abstract] goodness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sami
-da: (n) good behavior; kind act, kindness ~ samaan, samo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sami
-da: (magac, dhedig, keli) samaan; same.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sami
a: samaan, same
de: goodness
initial: s
lx: sami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: sami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursi
m.l la-mid: ursasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ursi
name-f to smell or sniff. Lit: first born-girl after a long period of time without having a child. Syn: Ursad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ursi
magac loo baxsho ilmo dhalashadiisa muddo la sugay guurkii ka dib oo jacayle awgeed loo ursaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursi
-ga: (magac, lab, keli) sanka wax u dhowayn si loo dareemo ur. Dh: ursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumi
uumi¹: m.l 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
uumi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax dab ku diirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uumi
m.l 1. Humri kulul. 2. Kul; diirimaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Uumi
Steam, Vapour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uumi
-ga: (n) steam (is-tiim)-, vapor (veey-per) ~ bukhaar, qaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumi
(fal) kulayl iyo uumi ku diiri.
uumi -ga: (magac, lab, keli) oomaarka iyo qiiqa kulaylku sababta u yahay ee ka soo baxa meel da ka shidmayo ama wax lagu karinayo. Uumigii ka baxayay dheriga ayuu arkay. Dh: bukhaar, oomaar.
uumi-ga: (magac, lab, keli) waxa biyaha la bayliya ka baxa ee hawada dhex gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uumi
de: humidity and warmth; vapor, gas, steam
initial: u
lx: uumi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
syn: hunri, oomaar
key: uumi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uumi
بُخَارِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uura
-da: (magac, dhedig, keli) midab sida qiiqa u eg. Midabkani waa uuro danbas ah. Dh: rubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)