uurmilil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurmilil
nickname-m envious~ selfish, egotist, egoist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milil
(Milil-ka)
Carun; malax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milil
milil¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Dhecaan malax iyo dhiig isugu jira oo ay nabarrada hurgumaa yeeshaan. 2. Dhecaan ka yimaada nafley dhimatay marka ay muddo meel taal.
milil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milil
f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid. m.f.dh, mililid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milil
m. n., (mass n.): pus; venom; serum
milil v. lose pus (of a wound); lose serum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milil
(fal) caabuq yeelo oo malaxayso. Nabaryahaw milil anaa ku dawayne.
milil-ka: (magac, lab, keli) xanuun dheecaan biya ah keena oo nabarradu yeeshaan kolka ay xumaadaan. Dh: millile.
milil -ka: (magac, lab, keli) nabar jidhka dushiisa ah oon dillaacin; nabar hoosta ka buka. Dh: nabar.
milil-ka: (magac, lab, keli) dhuubni aad ah. Cunto la'aanta ayaa milil ka dhigtay. Dh: miliil.
milil-ka: (magac, lab, keli) yacarun iyo caabuq ay nabarradu yeeshaan. Dh: millile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmiil
m.l la-mid: birmiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barmiil
m. n. barrel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barmiil
-ka: (n) [Pl. barmiilo-da] barrel (baa rel) ~ fuusto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmiil
-ka: (magac, lab, keli) weel ama haan weyn oo bir ah, labo boqol oo litir oo dareere ahna qaadda. Barmiil shidaal ah bakhaarka ii keen. Dh: foosto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barmiil
de: barrel
lx: barmiil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barmiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmiil
* (Birmiil-ka)
Haan weyn oo bir ah; fuusto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmiil
m.l (-llo, m.dh) Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. la-mid: barmiil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birmiil
m.l (-llo, m.dh) Weel weyn oo bir ah qaab dhululubo leh oo qaada labo boqol oo litir, fuusto. la-mid: barmiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmiil
m. n. barrel, oil drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birmiil
-ka: (n) [Pl. barmiilo-da] barrel (baarel) fuusto, barmiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmiil
-ka: (magac, lab, keli) eeg barmiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmiil
a: barmiil
de: barrel, oil drum
lx: birmiil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: birmiil
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humilié
humilié, adj. - sharafta laga qaado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
turmoil
/termooyl/ (n) jaah-wareer qas, lab, isku-dhex yaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurciid
-da: (magacwadareed) carruurta yaryar ee aan untada ka dhergin.
uurciid -ka: (magac, lab, keli) ilmaha yar ee aan cuntada ka dhergin.
uurciid: (tilmaame) carruur aanay waxba deeqin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurjiif
(Uurjiif-ka)
Ilmaha aan dhalane weli uurka (ilmasidaha) ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurjiif
uurjiif¹: m.l (-fyo, m.dh) Ilmaha weli uurka ku jira.
uurjiif²: m.l (-fyo, m.dh) (baayoloji) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurjiif
uurjiif¹: m.l (-fyo, m.dh) Ilmaha weli uurka ku jira.
uurjiif²: m.l (-fyo, m.dh) (baay.) Heerka ugu horreeya ee koritaanka xayawaanka, laga soo bilaabo marka ugxanta bacrintay ay bilowdo inay qaybsanto, iyada oo ku jirta organnada taranka ee hooyada ilaa ay ka dillaacayso ama ka dhalanayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurjiif
-ka: (n) fetus (fii-tas); embryo (em-biriyo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurjiif
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha ama neef calool ku jira oo an weli dhalan.
uurjiif-ka: (magac, lab, keli) cilmi ahaan, rimayga dhexdiisa ilmaha jinsigiisu inta uunan kala soocmin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurjiif
de: fetus
initial: u
lx: uurjiif
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: uurjiif
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uurjiif
جَنِينٍ، حَمْلٍ، حَمِيلٌ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusmiir
(Uusmiir-ka)
Uuska nafleyda qaarkeed, biyo laga miiro, oo la cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiir
uusmiir¹: m.l la-mid: uusmiirid.
uusmiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiir
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku jira uuska geela oo inta caloosha geed laga deldelo oo ilo yaryar oo sidii shaandho ah loo yeelo oo dhibcaha ka soo dhaca la ururiyo la cabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmiyid
-da: (magac, dhedig, keli) haraadid amat oomid Surmiyid ayuu uga sooguuray wadankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurcelin
de: contraception
initial: u
lx: uurcelin
pd: (-ta)
ps: n -f-cmp
key: uurcelin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurcelis
-ka: (n) contraception (kon-tara-sep-shiriy, birth control ~ ka hortaga uur qaadidda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurcelis
de: contraceptive
initial: u
lx: uurcelis
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: uurcelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurgelid
m.dh Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. la-mid: duurgal (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurgelid
-da: (magac, dhedig, keli) kaynta xulid oo wax dibad meer ah noqosho. Odayga cadho ayaa duurgelidda ugu wacan. Dh: duurxulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duurxulid
(Duurxulid-da)
1. Duur isu soo dhexmarid oo isugu soo dhuumasho.
2. Hadal isu sarbeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurxulid
m.f.dh eeg duurxul². la-mid: duurxul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurxulid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sareeb ah oo ujeeddo qarsoon wata cid u sheegid.
duurxulid -da: (magac, dhedig, keli) duurka iyo kaymaha dhex galid. Dh: mushaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaabiga u imaansho oo cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurgelid
(Kuurgelid-da)
Cid soo korfariisad; kaabiga u imaansho; cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelid
m.f.dh eeg kuurgal². la-mid: kuurgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelin
m.f.dh eeg kuurgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku soo dhowayn; cimilgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusmiirid
(Uusmiirid-da)
Uska nafleyda qaarkeed sida geela, biyo ka miirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiirid
m.f.dh eeg uusmiir². la-mid: uusmiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiirid
-da: (magac, dhedig, keli) uuska nafleyda qaarkeed sida geela, oo nool, biyo ka miirad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
euromissile
euromissile, n.m. - sawaarikhda reer Yurub
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fourmilière
fourmilière, n.f. - meesha ama aqalka gudhaanjado u hoyato.