uurkutaallood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallood
m.f.l eeg uurkutaalloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallood
-ka: (magac, lab, keli) in badan ciil iyo murug qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaalloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Uurkutaallo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaalloo
(fal) urugoo oo uurxumo dareen. Dh: murugoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkutaallo
(Uurkutaalla-da)
Utun iyo ciil sidii nabar uurka ugu yaal oo ku raaga oo aan la ilaawi karin; xumaan lays gaarsiiyey oo hadba la soo gocdo; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkutaallo
-uurkutaallada: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger); exasperation (ig-zaas-pa-reey-shin) ~ urug, urugo, caro, umal, xanaaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkutaallo
Rancore
Acrimony; spleen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil reeba nabar dareen ah oo kol ba soo kacdooma murugo iyo tiiraanyo awgood. Dh: urugo, murugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallo
de: worry, anxiety
initial: u
lx: uurkutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
syn: hammi, murug
key: uurkutaallo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallow
de: worry, grieve, become sad
initial: u
lx: uurkutaallow
pd: (uurkutaallooday)
ps: v3a=intr
key: uurkutaallow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkubaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in xagga Eebbe wax laga ogaysiiyo oo qalbiga ku leh caqli iyo aragti uu mustaqbalka wax kaga sheego ama oddoroso, Dh: weli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax uurkutaallo hayso ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallaysan
(tilmaame) murug iyo ciil qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskutaallo
m.dh Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskutaallo
m.dh Shanshada iyo bowdada ama tagoogda iyo cududda ee nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskutaallo
f. n. front leg of a butchered animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) halka ay misigtu madaxa kula jirto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskutaallo
de: front leg of a butchered animal
lx: iskutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: iskutaallo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkumaanle
Psicologo
Psychologist
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaallo
m.dh la-mid: beerkutaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg beerkutaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku aabyood
v. offend; ask someone arrogantly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_aabyood
de: offend; ask s.o. arrogantly
lx: ku aabyood
pd: (aabyooday)
ps: v1=expr
key: ku_aabyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurgubyood
m.f.l eeg uurgubyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurgubyood
-ka: (magac, lab, keli) cadho iyo murug aawadeed, calooshu ha ku gubato.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerkutaalo
-beerkutaalada: (n) gall bladder ~ beeryaro, beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buracaanood
m.dh (-dyo, m.dh) (daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burocaanood
m.dh (daawo) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burocaanood
m.dh (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka faallood
v. comment upon, discourse on, furnish details about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_faallood
de: comment upon, discourse on, furnish details about
lx: ka faallood
pd: (faallooday)
ps: v3a=expr
key: ka_faallood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuruwaalle
(Quuruwaalla-ha)
Xasharaad calaanberiga u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuruwaalle
m. n. insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuruwaalle
-ha: (magac, lab, keli) xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca. Dh: calaanberi quuruwalle-ha: (magac, lab, keli) eeg quuruwaalle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuruwaalle
de: insect sp.
lx: quuruwaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: quuruwaalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayswallood
-ka: (magac, lab, keli) dhaxanta la dareemo kolka la joogo meel qoyan oo biyo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkubbaale
de: Islamic saint; folklore being who flies and has prophetic powers; [atr.] clairvoyant (man who receives from God the ability to see the future)
initial: u
lx: uurkubbaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: uurkubbaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buro-caanood
(Buro-caanood-da)
Burada nafleyda jirkeeda ka soo baxda, jaadkeeda fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buro-caanood
f. n. benign growth, cyst
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkummaanle
(Uurkummaanla-ha)
Qofka garan og waxa aan afka laga orane dadka uurkiisa ku jira; kasmo u leh sida lagu maleeyo waxa dadku iskula hadla hayo; maangarato ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkummaanle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkummaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof karti u leh in uu garto waxa aan afka laga odhane dadka uurkiisa ku jira. Dh: maangarato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkummaanle
de: clairvoyant, person with power of mind-reading
initial: u
lx: uurkummaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: uurkummaanle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumaansho
m.l/dh la-mid: uurxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid uurxun ahaan. Dh: caloolxumaan, caloolxumi.