uurkusiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkusiddo
(Uurkusidda-da)
Utun iyo ciil uurka ku raaga; gocosho xun oo uun uurka lagu haysto; uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkusiddo
m.dh Utun iyo ciil uurka ku raaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkusiddo
m.dh Utun iyo ciil uurka ku raaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkusiddo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil uur ku raaga; gocasho xun oo waqeed caloolsha lagu haysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkusiddo
de: bad feelings, grudge
initial: u
lx: uurkusiddo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: uurkusiddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkusid
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo utun, uurka ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qush
(Qush-ka)
1. Dacar; qaras.
2. Xumaan uurka ku jirta; uurkusiddo, arami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiiraanyo
(Tiiraanya-da)
Arrin lala murugoodo; caloolxumo; uurkutaallo; ciilqab; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiqdi
(Xiqdi-ga)
Uurkusiddo; uurkutaallo; nac; xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qush
-ka: (magac, lab, keli) shuban caloosha ka yimaad oo dacar ama qaras ah. Ninkii wuu shubmay oo qush badan ayaa ka yimid. Dh: dacar, qaras.
qush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka la iskugu hayo. Dh: arami, xumaan, uurkusiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) arrin lala murugoodo dhibteeda darted; uur ku taallo. Dh: ciilqab, caloolxumo, ciilqab, uurkusiddo, murugo. Li: farxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkujir
(Uurkujir-ta)
Inta uurka ku jirta (sida beerka, kelyaha...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkujir
m.dh Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iyo wixi lamida; uusley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkujir
m.dh Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iyo wixi lamida; uusley.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkujir
-ta: (n) internal organs; abdomen (aab-do-man) ~ ubuc, uusleey -da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkujir
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha jidhka, inta uur kujirta oo dhan sida beerka, kelyaha, sanbabbada. Dh: uusley
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkujir
de: abdomen; internal organs; foetus, embryo
initial: u
lx: uurkujir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: uurkujir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuqaad
-ka: (magac, lab, keli) caloolxumada iyo nacaybshaha aan la iska saamaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkutaallo
(Uurkutaalla-da)
Utun iyo ciil sidii nabar uurka ugu yaal oo ku raaga oo aan la ilaawi karin; xumaan lays gaarsiiyey oo hadba la soo gocdo; uurkusiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkutaallo
m.dh Dareen iyo uurxumo gocasho ku dheehan tahay leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkutaallo
-uurkutaallada: (n) resentment (ri-zant-ment); rage (reeyj); anger (aang-ger); exasperation (ig-zaas-pa-reey-shin) ~ urug, urugo, caro, umal, xanaaq
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkutaallo
Rancore
Acrimony; spleen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkutaallo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil reeba nabar dareen ah oo kol ba soo kacdooma murugo iyo tiiraanyo awgood. Dh: urugo, murugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkutaallo
de: worry, anxiety
initial: u
lx: uurkutaallo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
syn: hammi, murug
key: uurkutaallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkucirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin xaakiim ah ama waayoaragnimo dheeraad ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkucirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin xaakiim ah ama waayo-aragnimo dheeraad ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkucirroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka garashada iyo waaya'aragnimada dheer leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkucirroole
de: wise and experienced person
initial: u
lx: uurkucirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: uurkucirroole