uurkujir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkujir
(Uurkujir-ta)
Inta uurka ku jirta (sida beerka, kelyaha...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkujir
m.dh Inta uurka ku jirta, sida: beerka, kelyaha, caloosha iyo wixi lamida; uusley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkujir
-ta: (n) internal organs; abdomen (aab-do-man) ~ ubuc, uusleey -da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkujir
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha jidhka, inta uur kujirta oo dhan sida beerka, kelyaha, sanbabbada. Dh: uusley
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkujir
de: abdomen; internal organs; foetus, embryo
initial: u
lx: uurkujir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: uurkujir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeryaro
(Beeryara-da)
1. Xubin uurkujirta ka mid ah oo beerka u eg oo dhiigga wax ka samaysa.
2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hud
(Hud-da)
1. Xubnaha uurkujirta midkood oo inta xuubkii ku rognaa soo jeexa, meel ka soo buurta.
2. Xuddunta soo buurata; buuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhicir
(Mindhicir-ka)
Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ubuc
(Ubuc-da)
Uurkujir; calool (ama oboc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaab
(Xaab-ka)
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata.
2. (oogada nafleyda) uurkujir.
3. Wax walba, intooda xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalo
(Xaala-da)
1. Xaal.
2. Uurkujir; xiidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xumays
(Xumays-ta)
1. Oogada dadka inteeda la qarsho; cawro.
2. Hilbaha inta uurkujirta ah.
3. xoolaha iyo dadka intooda tabarta yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beer
beer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. 2. Qaybta dhexe ee miraha, jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.
beer²: m.dh (-ro, m.l) Dhul la falay oo dhir, miro, badar iyo wixi lamida lagu abuuri karo.
beer³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dhul miro ku abuurid. 2. Ku b.: dareen gaar ah ku abuurid (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeryaro
beeryaro¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xubin uurkujirta ka mid ah, beerka u eg kase yar oo dhiigga wax ka samaysa. 2. Cudur beeryarada ku dhaca; sunbay; weled.
beeryaro²: m.l (c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boog-xiidmeed
m.dh (-dyo, m.dh) (daawo) Boog ku taal qayb ka mid ah xiidmaha (duodenum) waxaana keena asidhka caloosha. Waxaana u badan dadka noocooda dhiigga uu yahay kooxda “O”. Astaamaha: xanuun uurkujirtada marka calooshu marantahay; matagna waa jiri karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolmajiir
m.l (-ro, m.dh) (daawo) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiistola
m.l (-layaal, m.l/dh) Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac-kiishyaro
m.l (-cyo ..., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac-xuub-ubuceed
m.l (-cyo ..., m.dh) (daawo) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iyo wixi lamida. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karjinooma
m.l (daawo) Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasoobbax
kasoobbax¹: m.l (-xyo, ml.) Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh.
kasoobbax²: m.l (-xyo, m.l) (daawo) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhicir
mindhicir¹: m.l (-rro, m.dh) Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.
mindhicir²: m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubuc
ubuc¹: m.dh (-cyo, m.dh) Uurkujir. la-mid: oboc.
ubuc²: m.dh (-cyo, m.l) Qaybta hoose ee jidhka xayawaanka. Waxay ka koobantahay caloosha, mindhicirrada iyo organnada qashinsaarka iyo taranka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaxlay
m.dh (cilmiga naflayda) Xubinta taranka ee ugu muhiimsan xagga dheddigga oo soo saarta unug-ukumeed iyo hormoonnada istroojinka kaltan toosan kaddib markii ay ku dhacaan hormoonnada goonadotroofiin loo yaqaan oo laga siidaayo qoqobka hore ee qanjirdhiiqa bitiwitariga waxa jira laba ugxeeye oo ku yaal qaybta hoose ee uurkujirtada, labada dhinac ee ilmosidaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaab
xaab¹: m.l.w 1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
xaab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkujir
(Hulkujir-ta)
(hilibka geela) cad ku yaal kellidda korkeeda oo misigta raacsan; dhuumato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkujir
m.dh (-rro, m.l) Feer yarada geelu meesha ay ka haysato lafdhabarka hilibka ku yaal. la-mid: dhuumato, hulkujire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulkujir
f. n., [compound] flank (of camel ~ cow); filet, fillet (meat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkujir
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka geela, cadka ku yaal feedha u dambaysa korkeeda ee misigta raacsan. Dh: dhuumato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulkujir
de: flank (of camel ~ cow); filet, fillet (meat)
lx: hulkujir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: hulkujir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkuhar
m.l.kh Ilmo aabihiis dhintay iyagoo uurka ku jira.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurkuhar
-ka (n) a baby bom after the death of his father
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuhar
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurkuhadh.
uurkuhar-ka: (magac, lab, keli) ilmaha uu aabbihii dhintay isaga oo caloosha hooyadii ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkuhar
de: orphaned while still in the womb
initial: u
lx: uurkuhar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: uurkuhar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkusid
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo utun, uurka ku hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkujire
m.dh la-mid: hulkujir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurkur
-ka: (magac, lab, keli) faraha oo inta la duubo, qofka madaxa lagaga dhifto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskujir
m.l (-rro, m.l) Waxyaabo kala jaad ah oo isku qasan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskujir
m.l (-rro, m.l) Waxyaabo kala jaad ah oo isku qasan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskujir
m. n. mixture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskujir
-ka: (magac, lab, keli) walax ka sameysan labo walxood iyo wixii ka badan oo aan isugu xidhnayn kimika ahaan.
iskujir: (tilmaame) labo walxood iyo wax ka badan oo la isku daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskujir
de: mixture
lx: iskujir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: iskujir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxumi
m.dh la-mid: uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurxumi
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan uurka ku haysi badnaan. Dh: uurxumaan, caloolxumaan. Li: uursami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkurus
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo hilib ka muuqdo; ilmo aad u naaxsan. Dh: beerkurus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkusiddo
(Uurkusidda-da)
Utun iyo ciil uurka ku raaga; gocosho xun oo uun uurka lagu haysto; uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkusiddo
m.dh Utun iyo ciil uurka ku raaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkusiddo
m.dh Utun iyo ciil uurka ku raaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkusiddo
-da: (magac, dhedig, keli) utun iyo ciil uur ku raaga; gocasho xun oo waqeed caloolsha lagu haysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkusiddo
de: bad feelings, grudge
initial: u
lx: uurkusiddo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: uurkusiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duurxulid
(Duurxulid-da)
1. Duur isu soo dhexmarid oo isugu soo dhuumasho.
2. Hadal isu sarbeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurxulid
m.f.dh eeg duurxul². la-mid: duurxul¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurxulid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sareeb ah oo ujeeddo qarsoon wata cid u sheegid.
duurxulid -da: (magac, dhedig, keli) duurka iyo kaymaha dhex galid. Dh: mushaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurikuhar
-ka: (magac, lab, keli) dad iyo duunyo inta jilicsan oo aan ka fogaan karin guriga hareerahiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku turqan, kulba dhinac u ruxid. Dh: nunujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg nunujis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuhayn
m.dh Uurxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) illaw la'aan iyo xusuusnaanta wax ku soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkuqaad
m.l Illaabi waayidda la illaabi waayo wax lays yeelay. la-mid: uurkusiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkuqaad
-ka: (magac, lab, keli) caloolxumada iyo nacaybshaha aan la iska saamaxin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurkuraag
name-m past due, overdue