uurkoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkoole
m.l Magac ay caan ku yihiin herinta ugaarsatada ah, wuxuuna tilmaamayaa in ay yihiin isku uur oo aanay wax kala qarsan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BURDOOLE
(Burdole) C Pterodiscus purpureus Chiov. Pedaliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURYOOLE
(Muriole) S Phyllanthus pseudoniruri Muell-Arg. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARKOOLE
(Harcole) S Ancylobothrys petersiana (Kl.) Pierre. Apocynaceae.
C Convolvulus hystrix Vahl. Convolvulaceae.
S Ipomoea sp. Convolvulaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurdoone
m. n., [compound] marriage seeker, person mature enough for marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurdoone
de: marriage seeker, person mature enough for marriage
lx: guurdoone
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: guurgal
key: guurdoone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turufoole
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan hadalkiisu runta lahayn. Dh: beenaale.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Uurle
enceinte (femme).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroole
(Baroola-ha)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroole
m.l Noocyada kalluunka jaad ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroole
m. n. fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroole
-ha: (magac, lab, keli) jaad kalluun ah, jaad mallay ah. Baroole baddii ka soo baxay, barbaar ugu qayli leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroole
de: fish sp.
lx: baroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka biraha ka ganacsada. Baaldi bir ka samaysan baa biroolaha ka soo iibsaday.
biroole -ha: (magac, lab, keli) qof curyaan ah oo ku booda labo ulood oo bir ah, intuu labada kilkilo gashado dhexdana labada gacmood kaga qabsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkoole
-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilko lahayn. Dh: aflaw, afloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lukowle
(Lukowla-ha)
(cayaar) lug keliya lagu ordo, lagu boodboodo, lagu tartamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lukowle
m.l Ciyaar hal lug lagu tartamo; hangoole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lukowle
m. n. hopping game, hopscotch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lukowle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar lug keliya lagu ordo ama lagu boodboodo oo lagu tartamo. Dh: hangalle, hangoolle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lukowle
de: hopping game, hopscotch
lx: lukowle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: lukowle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qudkool
m.l la-mid: qutool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurdoox
m.l Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurdoox
name-m belly stabber; to disembowel. Cf: Kaariye, Kaarshe, Muuddey or Muunye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Uurdoox
Uurdoox: magac loo bixiyo ilmo hooyadii si caadi ah u dhali kari weydo oo dabadeed inta la jeexo la soo saaro. Dh: bogdoox.
Uurdoox: magac loo baxsho ilmo aan caadi u dhalan oo jeexitaan uur ku dhashay. Waxa kale oo loo baxshaa wiil jacaylka loo qabaa uurka hooyadii dillaacshay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurdoox
-a: (magac, lab, keli) dagaalka iyo colaadda aan waxba la dhawrine, xataa dumarka uurka leh la dooxo.
uurdoox: -a: (magac, lab, keli) nin naxariis daran oo dilka aan u meeldayin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof had iyo jeer xujo keena. la-mid: xujaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xujoole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof had iyo jeer xujo keena. la-mid: xujaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroole
(Cirroola-ha)
(qof) cirro leh; madaxu caddaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroole
m. n. old man, gray-haired man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroole
-cirroolaha: (n) white-haired or grey-haired person, especially an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof cirro leh oo ay timaha madaxu cad yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroole
de: old man, gray-haired man
lx: cirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cirroole
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CUSBOOLE
(Osbole) N Limonium somalorum (Vierh) Hutch & Bruce. Plumbaginaceae.
N, C? Limonium axillare (Forsk)0.Kuntze. Plumbaginaceae.
N Limonium carinense (Chiov.)Cuf. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fardoole
m. n. horseman, horse-owner; cavalry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fardoole
de: horseman, horse-owner; [pl] cavalry
lx: fardoole
pd: (/ha Pl: fardooley (da))
ps: n5b-m
key: fardoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroole
(Jirroola-ha)
Bukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirroole
m. n. sick person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirroole
-jirroolaha: (n) unhealthy person; unwholesome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka bugtaan iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirroole
de: sick person
lx: jirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madkoole
(Madkoola-ha)
Geed madkaha laga goosto caan ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madkoole
m.l Geed laama dhuudhuuban leh oo madkaha laga goosto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madkoole
m. n., [collective] tree species, its wood is used for fire-sticks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madkoole
-ha: (magac, lab, keli) geed madagta laga goosto. Madkoole madagtiisu degdegbay u dhacdaa.
madkoole -ha: (magac, lab, keli) qofka madagta wax ku guba. Madkoole u yeedh xididka hayga gubee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madkoole
cf: madag
de: tree sp., its wood is used for fire-sticks
lx: madkoole
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: madkoole
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURMOONE
(Gurmone) N Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
N Cienfuegosia welshii (T. Anders.) Garcke Malvaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARMOOLE
(Warmole) N Myrsine africana L. Myrsinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkoole
-ha: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Dh: filfille
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUBNOOLE
(Hubnole) N Polygonum acuminatum H.B.K. Polygonaceae.
N Acalypha lanceolata Willd. Euphorbiaceae.
S Ecbolium violaceum (Vahl) Hillcoat & Wood. Acanthaceae.
S Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Ruellia patula Jacq. Acanthaceae.
S Leucas urticifolia R. Br. Labiatae.
N Commelina albescens Hassk. Commelinaceae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S Indigofera schimperi Jaub. & Spach. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoonle
m.l Nooc dawacada ka mid ah, midab bey madow ah leh oo aad ariga u laysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoonle
-ha: (magac, lab, keli) jaad dacawada ka mid oo aad u xooggan. Waxay inta badan leedahay bey madaw oo jaadadka kale lagaga sooco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buurgooni
Inselberg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darfooley
m.dh Nooc dermooyinka ka mid ah oo darfo casaan ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfooley
-da: (magac, dhedig, keli) noocyada dermooyinka nooc ka mid ah oo darfaha laga madoobeeyo. Dh: salli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fardooley
(Fardooley-da)
1. Bulsho fardo haysa kamid ah; fardaha hayntooda iyo dhaqiddooda iyo fuullaankooda yaqaan.
2. Ciidanka faraska ah.
3. Dhaqanwanaagga bulshada fardaha oo kale leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fardooley
fardooley¹: m.dh.u 1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.
fardooley²: m.dh.u (taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guur kale
n. phr. remarriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guur_kale
de: remarriage
lx: guur kale
ps: np
key: guur_kale
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Qoryooley
pr. n., loc. Qoryoolee [town in south Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Qoryooley
de: Qoryoolee [town in south Somalia]
lx: Qoryooley
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Qoryooley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmooley
-da: (magacwadareed) ciidanka inta warmaha ku dagaallanta. Ciidamadii Imaam Axmed ee dagaalkii Shinbirakore waxay u badnaayeen warmooley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarshoole
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noolaha badda ce qolofleyda ah oo la moodo dhagax tuulan dhimashadiisuna deegaanka iyo cimilada badda ayuu halis u yahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruurhoose
m.dh (-ro .., m.l) (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurhoose
-da: (magac, dhedig, keli) nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FURBUNDOOLE
(Furbunole) N Athroisma lobatum (Klatt) Mattf. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kureyxoogle
-ha: (magac, lab, keli) kureygu markuu waynaado uu xoogaysto nin wayna wali aanu noqon. Kureyxoogle ayaan arkay geel la jooga. Dh: kurid, doob. Li: gaban, dhoorle. Wa: kurayxooglayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuryoxoogle
m.l Wiil kuray ah oo aan qaangaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuryoxoogle
-ha: (magac, lab, keli) wiil kuray ah oo aan weli qaangaadhin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Urur kooban
Finite set
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkubaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in xagga Eebbe wax laga ogaysiiyo oo qalbiga ku leh caqli iyo aragti uu mustaqbalka wax kaga sheego ama oddoroso, Dh: weli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkubbaale
de: Islamic saint; folklore being who flies and has prophetic powers; [atr.] clairvoyant (man who receives from God the ability to see the future)
initial: u
lx: uurkubbaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: uurkubbaale
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uurkumaanle
Psicologo
Psychologist
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WARANKOOYLE
(Warancoile) S Spirostachys venenifera (Pax) Pax. Euphorbiaceae.