uurarweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg uurarweyn. Dh: geedadari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareyn
m.dh la-mid: bureyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadweyn
m.l Riyaha intooda curada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurawaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurayn
(Uurayn-ta)
1. Uur u yeelid.
2. Uuro kicin; uuro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayn
m.f.dh eeg uuree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurayn
-ta: (n) impregnation (im-pareg-neey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney uur u yeelid. Dh: rimin, uurays.
uurayn -ta: (magac, dhedig, keli) uuro kicin; uuro u yeelid; uurays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurrey
-da: (magac, dhedig, keli) geela magta lagu bixiyo hasha buuxda ee laba iyo toban sabeenood u dhiganta. Li: daandheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garweyn
(Garweyn-ta)
Qalab bir ah oo leh daab iyo labo af (af fiiqan iyo af wax gooya) oo dhulka lagu qodo wixii adagna lagu jebiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garweyn
m.dh (-nno, m.dh) Qalab bir ah oo af fiiqan iyo af ballaaran leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garweyn
m. n. pickaxe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garweyn
-ta: (n) a tool for breaking hard surfaces; pick (pik)-, pickaxe (pikaakis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo af fiigan iyo af ballaadhan leh oo dhexda daab qori ah ku leh oo dhulka lagu qodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garweyn
de: pickaxe
lx: garweyn
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: garweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurreyn
m.f.dh eeg gurree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marweyn
m.dh la-mid: murweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid. Marweyntu waa u dhalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murweyn
m.f.dh eeg murwee. la-mid: marweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nidaamin; maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surreyn
-ta: (magac, dhedig, keli) suryo gelin: suryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burareys
m.l la-mid: bureyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurreyn
m.f.dh eeg guurree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uubateyn
(Uubateyn-ta)
Sida uubato u dhawaaqid; qaylo dheer samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubateyn
m.f.dh eeg uubatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer ka kacid; uubato samayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurweyne
nickname-m bellie; dropsier
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurweyni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg uurweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraddeyn
(Buraddeyn-ta)
(u buraddeyn) Dheeri siin; u badin; u burin; buraddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraddeyn
m.f.dh eeg buraddee. la-mid: buraddeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) u burin oo u badin; wax siyaado ah hoos u siin. Buraddeynta dadka ha barin.
buraddeyn -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) dheeri siin, u biirin, u badin. Caddaalad ku shagee oo burraddeyn qofna ha siin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-WEYN
(Fara-wein) N Urochondra setulosa (Tin) Hubb. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabweyn
m.dh Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabweyn
f. n. woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabweyn
de: woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth Lit: large shoulder
lx: garabweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: garabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxaweyn
m.dh Qoorta geela inteeda hoose.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUURI-WEEYN
(Burri-Wen) N Pterodiscus ruspolii Engl. Pedaliaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buursameyn
m.dh (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curraafeyn
(Curraafeyn-ta)
Hawsha curraafka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafeyn
m.f.dh curraafee. la-mid: currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulaameyn
(Guulaameyn-ta)
Wax guulaameynaya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulaameyn
m.f.dh eeg guulaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof ji maqaarka sare bukooday laga bogsiinayo. Dh: jirdabiib.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAXAR-WEYN
(Kahar-wen) S Pedalium murex L. Fedaliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaddeyn
m.f.dh eeg muraaddee. la-mid: munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbacyeyn
m.f.dh eeg qurbacyee. la-mid: qurbacyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo Jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuralcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hablo qurux badan ee Ehlu-Jannaha Ilaahay aakhiro ku abaalmariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afweyn
(Afweyn-ta)
Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afweyn
m.dh Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afweyn
m.dh Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afweyn
f. n., [collective], [compound] first cervical vertebra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta qoorta ee taxan inta ugu korraysa; riciraha tunka tan ugu korraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afweyn
de: first cervical vertebra
lx: afweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-col-cmp
key: afweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bureyn
m.f.dh eeg buree. la-mid: burareyn, burareys, bureys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureyn
-ta: (magac, dhedig, keli) oogada noolaha oo gariirta xanuun ama qabow awgii. Bureyn ma leh neef hadduu bakhtiyo oo naftu ka uugaanto. Dh: dubaaxin, jarcayn, qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweyn
m.f.dh eeg cawee. la-mid: caweys (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweyn
vl. n. spending the evening, socializing in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caweyn
-ta: (n) sociable conversation in the evening; social gathering in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiid soo jeedid ama habeen gelinkiisa hore waaryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweyn
de: spending the evening, socializing in the evening
lx: caweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: caweyn
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curare
v.tr. - daweyn; baxnaanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyn
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid jirran dawo u qorid ama siin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
durare
v.intr. - raagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faweyn
m.f.dh eeg fawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurayn
(Gurayn-ta)
Gaadiid raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurayn
m.f.dh eeg guree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiidka raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
murare
v.tr. - derbi dhagax ah ku oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quweyn
(Quweyn-ta)
Quwo u yeelid; xoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quweyn
m.f.dh eeg quwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale, xoojin. Dh: quwadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RARMEY
Digitaria pennata 01, Leptothrium senegalense 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uulayn
m.f.dh eeg uulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku celcelinta codka 'uu' oo gurmad lagu doonayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yurayn
m.f.dh eeg yuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'bahal dugaag yur ku dhihid. Dh: yurays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badweyn
(Badweyn-ta)
1. Bad weyn oo xeebta ka fog.
2. Badda qaybaheeda waaweyn oo shanta ah, mid ka mid ah (Badweynta Atlaantik, Badweynta Deggan, Dadweynta Hindi, Badweyn-Barafta Woqooyi iyo Badweyn-Barafta Koofure).