uunrays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunrays
(Uunrays-ka)
Nafley yar oo afar addin leh oo dabaggaallaha u eg; dabagaalle; soongur; tukulush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunrays
m.l Dabagaalle; tukulush.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uunrays
m.l Dabagaalle; tukulush.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunrays
-ka: (magac, lab, keli) nafley yar oo afar addin leh oo dabaggaallaha u eg. Uunrayskaa xabaala iniinyaha. Dh: soongur, tukulush, soogur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uunrays
de: ground-squirrel
initial: u
lx: uunrays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: dabaggaalle
key: uunrays
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uunraays
-ka: (n) squirrel (isku-wooral) ~ dabaggaalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunreys
-ka: (magac, lab, keli) eeg fadhiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurrays
m.l 1. Dabaggaalle. 2. Ubad geel ama dad oo diifeysan ama korriimmadii ka xumaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukulush
(Tukulush-ka)
Dabaggaalle; uunrays; soongur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggaalle
m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.

qoodow
m.l Dabaggaalle; uunrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukulush
m.l Dabaggaalle; uunrays; soongur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaggaalle
m.l.u Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
squirrel
/skweral/ (n) dabaggaalle ~ tukulush, uunrays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaggaalle
(n) squirrel (iskwooral) ~ tukulush, uunrays
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tukulush
-ka: (n) squirrel (isku-wooral) ~ dabaggaalle, uunrays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodow
-ga: (magac, lab, keli) dabaggaalle; uunrays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaggaalle
de: squirrel
lx: dabaggaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
syn: uunrays
key: dabaggaalle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukulush
bw: soongur
de: ground-squirrel
initial: t
lx: tukulush
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: dabaggaalle, uunrays
key: tukulush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuray
(fal) uur u yeel haweeney. Dh: rimi.
uuray: (fal) uuro iyo siigo kici. Dh: siigay.
uuray-da: (magac, dhedig, keli) qof yar oo calool weyn. Uuray baad tahaye jimicsiga ciyaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunray
m.l la-mid: gunre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunray
m. n. coniferous plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUNRAY
Commiphora gurreh 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunray
de: coniferous plant sp.
lx: gunray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gunre
key: gunray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurayn
(Uurayn-ta)
1. Uur u yeelid.
2. Uuro kicin; uuro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayn
m.f.dh eeg uuree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uurayn
-ta: (n) impregnation (im-pareg-neey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney uur u yeelid. Dh: rimin, uurays.
uurayn -ta: (magac, dhedig, keli) uuro kicin; uuro u yeelid; uurays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurray
-da: (magacwadareed) xoolaha boqolka lagu bixinayo, geela inta buuxda ee irmaan ama rimman. Waxa middiiba lagu qiimeeyaa labo iyo toban laxaad oo u dhiganta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yurays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntays
m.l la-mid: cuntayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurays
m.l la-mid: guurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurays
vl. n. walking ~ traveling at night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurays
de: walking ~ traveling at night
lx: guurays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: guurays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunays
(Muunays-ka)
Habka wax loo muuneeyo ama lagu muuneeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunays
vl. n. act of honoring, glorification
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg muunayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunays
de: act of honoring, glorification
lx: muunays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: muunays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnays
-ka: (magac, lab, keli) sunnayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuraysi
-ga: (n) conception (kon-sep-shiriy, conceiving (kon-ziiv-ing)-, getting pregnant ~ uur qaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysi
-ga: (magac, lab, keli) haweeney uur yeelasho. Dh: rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho. m.f.dh, uuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayso
(fal) uur yeelo. Dh: rin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurbays
m.dh (-syo, m.l) Xirmo qaad ah oo ka kooban dhawr laamood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbays
-ka: (magac, lab, keli) abur ama xoor samayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hungurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadays
-ta: (magac, lab, keli) eeg muunadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uufannays
m.l 1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. la-mid: uufannaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumraysi
m.l la-mid: cumraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cumraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. la-mid: cimrayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cumrayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cimro gudasho. m.f.dh, cumraysasho. la-mid: cimrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumrayso
(fal) cibaadada cimrada soo gudo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durraysi
-ga: (magac, lab, keli) marka ay cidi muujiso dareen ah inay wax dhibsanayso. Kuuma fiicna durraysigu ee bishaarayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayso
(fal) wax dhibso.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fin rays
Falaadho baalbiyood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xidhidda dibiga sanka wax lagaga xidho marka beerta lagu qodayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrayn
(Muurrayn-ta)
Wax tiro badan oo wada dhaqdhaqaaqa haya; miririgleyn; guurreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurrayn
m.f.dh eeg muurree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) is dabawareegid; xuuraamid. Dh: agaguug, miririglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnaysi
-ga: (magac, lab, keli) sunnaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunnayso
v. go beyond the call of religious duty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sunnayso
-sunnaystay / sunnaysatay: (v) make a voluntary or optional prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayso
(fal) sunnaha iska bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunnayso
de: go beyond the call of religious duty (e.g., say extra prayers, give extra alms, fast when no required, etc.)
initial: s
lx: sunnayso
pd: (sunnaystay)
ps: v3b=
key: sunnayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tuuryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufays
-ka: (magac, lab, keli) uduufo ka dhigis wax, wax an faa'iido lehayn ka dhigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatays
-ka: (magac, lab, keli) sida uubato u qalis. Dh: uubatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uufanays
-ka: (magac, lab, keli) da'yarta weli baaluga gaadhin. Kuwii awrta jiraayiyo, uufanayskii kacaamay. Dh: kuray, kacaan.
uufanays -ka: (magac, lab, keli) qof aan karti iyo caqli badan lahayn. Uufanayskii dadka gumaysan jiray aaway maanta ba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraysad
-ka: (magac, lab, keli) uur yeelasho: cunug uurka haweenay ugu abuurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xuurtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guufannays
-ka: (magac, lab, keli) wax xun; mid laga fiiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rays
(Rays-ka)
Ciidda roobku qooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rays
m.l Ciid qoyan oo roob ku da'ay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rays
m.l Ciid qoyan oo roob ku da'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rays
m. n. earth wet with rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rays
-ka: (n) wet surface of the ground caused by raining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rays
-ka: (magac, lab, keli) qoyaan ciidda ku hadha kolka biyuhu ka gudhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rays
de: earth wet with rain
lx: rays
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: rays
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rays
n., (of the sun) cadceed, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uura
-da: (magac, dhedig, keli) midab sida qiiqa u eg. Midabkani waa uuro danbas ah. Dh: rubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buray
buray¹: m.dh la-mid: buro¹.
buray²: m.dh la-mid: buro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duray
m.l (daawo) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duray
m. n. cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duray
-ga: (n) common cold; flu (fuluuf influenza (in fuluu-weens dy, cold (kooldhiy coryza (koraayza) ~ durey, ifilo, hargab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duray
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qufac iyo xummad leh oo inta badan qofka cabbudhiya. Dh: hargab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duray
de: cold
lx: duray
pd: (-ga)
ps: n-m
see: durey
key: duray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furay
(fal) meel daloosha, fur qeli oo awd. Dh: gufay, gufee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guray
m. n. left-handed person
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURAY
Commiphora gurreh 02
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guray
-ga: (n) one who is left-handed; left-hander (laft-heendher) ~ gurey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guray
naanays loo bixiyo qofka gacanta bidix ku qabsada hawshii ay midigtu qaban lahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guray
a: gurey
de: left-handed person
lx: guray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: guray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuray
(Kuray-ga)
Wiil aan weli qaangaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuray
m.l (-yo, m.dh) Wiil carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuray
m.l (-yo, m.dh) Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.