uumiteyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumiteyn
m.f.dh eeg uumitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumiteyn
-da: (magac, dhedig, keli) hilib habka uumitada u huurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumitee
f.g2 (-tgeeyay, -teysay) Hilib uumito ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumitee
(fal) hilib uumito ka dhig oo huuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumiyeyn
m.dh (fiisikis) Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qumiyeyn
Rectification
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uubateyn
(Uubateyn-ta)
Sida uubato u dhawaaqid; qaylo dheer samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubateyn
m.f.dh eeg uubatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer ka kacid; uubato samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumin
m.f.dh eeg uumi. la-mid: uumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo kulaylin oo uumi ka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumeyn
m.f.dh eeg lumee. la-mid: lumeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideyn
m.f.dh eeg midee. la-mid: mideysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miseyn
m.dh eeg misee. la-mid: maseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumito
m.dh Hilib uumi kulul lagu bisleeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumito
-da: (magac, dhedig, keli) cunto uumi lagu bisleeyey; cunto uumi lagu kariyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumiye
-ha: (magacwadareed) abuurka ama makhluuqaadka dhammaantood. Dh: uun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jumleyn
m.dh la-mid: jimleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) si jimlad ah wax u iibi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
umpteen
/amptiin/ umpteenth (n); fara-badan (in-badan).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UUMBEEY
(Umbei) May Rhyncosia minima (L) DC. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hallaabid oo wax la waayey noqod. Dh: habaabid, ambasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumitaan
-ka: (magac, lab, keli) kicitaan oo cid isu taagitaan. U qumitaanka culimadu waa ixtiraam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumitaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar lagu soo jeedo, qalab u garaacid, ama sacab jiib iyo jaanba leh. Tumitaanka aroosku halkee weeyaan.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) dhufaanitaanka laboodka xoolaha. Tumitaanka way ku naaxaan xooluhu.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) farsamaynta birta, wixii la doonayo laga sameeyo.
tumitaan -ka: (magac, lab, keli) garaacitaanka, albaab iyo wixii la mid ah oo la tumo. Tumitaanka albaabka aayar.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) habka firida looga rido galka ay ku dhrx jirto, ama qaab kale looga dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uubato samayn; qaylo dheer ka kicid. Uubatayntii halyayga waa la wada maqlayay xalay Dh: uubadtays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg uurarweyn. Dh: geedadari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax xun ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumitaan
-ka: (magac, lab, keli) u talitaan.
xukumitaan -ka: (magac, lab, keli) xukun ku riditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuqis iyo bulaamitaan. Buuqitaanka jooji waxba kaama maqnee. buuqniin -ka: (magac, lab, keli) buuqitaanka badan. Qayladiyo buugitaanka nala dhaafa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUURIYEYS
(Burieis) N Pterodiscus heterophyllus Stapf. Pedaliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulitaan
vl. n. flight; act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulitaan
-ka: (n) flying (falaaying)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ka kicid oo hawada dhex jibaaxid.
duulitaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo colaadi idinka dhaxayso, weerar ku qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulitaan
de: flight; act of flying
lx: duulitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: duulitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ballaqan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) korista meel sare; dusha uga bixitaan. Dh: koritaan. Li: daadegitaan, dhaadhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guriggeyn
(Guriggeyn-ta)
Labada is aroosay, gurigooda cusub, gelbin ku geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggeyn
m.f.dh eeg guriggee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guriggeyn
vl. n. procession accompanying the bridal couple to their new home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guriggeyn
-ta: (n) 1. the act of escorting or accompanying the wedding to show honor ~ galbis, galbin. 2. bringing at home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo is aroosatay gurigoodi gelbin ku geyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guriggeyn
de: procession accompanying the bridal couple to their new home
lx: guriggeyn
nt: guriggee [v2b=]
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: guriggeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxaweyn
m.dh Qoorta geela inteeda hoose.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hunmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugdiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) madoobayn oo mugdi aan waxba la kala arkayn ka dhigid. Dh: madoobayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murtiyeyn
(Murtiyeyn-ta)
Murti u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murtiyeyn
m.f.dh eeg murtiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murtiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaabin oo murti u yeelid. Hadal ku murtiyeynta ayuu ku macaan yahay. Dh: murtiyeys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugitaan
Absorptivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugitaan
-ka: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) jiiditaan wax dareere ah lagu soo nuugo dhuun ama cabbitaan. Nuugitaanka foostada qanjidhaxanuun ayaa laga qaadaa. Dh: nuugniin.
nuugitaan-ka: (magac, lab, keli) jiqitaanka naaska. Ilmaha labo sano u daa nuugitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qullateyn
(Qullateyn-ka)
1. Qiyaas kol haddii biyuhu gaaraan, dad badani toos ugu wada weesaysan karo oo aan fudayd u najaasoobin.
2. Dar ama berked biyo qullateyn ah qaadda, oo masaajiddada loo yeelo oo lagu weesaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qullateyn
m. n. large water tank
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qullateyn
bw: Arabic
de: large water tank (generally used for ritual purification)
lx: qullateyn
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qullateyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasmiyeyn
m.f.dh eeg rasmiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tugumbeyn
m.f.dh eeg tugumbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isdulsaaran ka dhigitaan; wax tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururitaan
-ka: (magac, lab, keli) kulmitaan iyo isu'imaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiiran
uusmiiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax la uusmiiray noqosho.
uusmiiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la uusmiiray ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusitaan
-ka: (magac, lab, keli) gunuunucitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burunjiyeyn
(Burunjiyeyn-ta)
Dubaaxin; jarcayn; qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burunjiyeyn
m.f.dh eeg burunjiyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burunjiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib jarjarid oo murmurayn. Burujiyeyn ayaa jiidhka loo engejaa. buruq -da: (magac, dhedig, keli) hilibka candhada naasleydu ka koobantahay, midhaha iyo carjawda naasaha dhexdooda ku jirta. Naasa gudhan buruq yaraa, badina ballaadhanaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUURI-WEEYN
(Burri-Wen) N Pterodiscus ruspolii Engl. Pedaliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hujuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dhuuni ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguriweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dhuuni ah ahaansho. m.f.dh, hunguriweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguriweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): greedy, eager, thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hunguriweyn
-aa: (adj) extremely eager or desirous; greedy (giriidhi); gluttonous (galat-nes) ~ dhuuni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan limaan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguriweyn
de: greedy, eager, thirsty
lx: hunguriweyn
pd: (hunguriweynaa)
ps: adj-cmp
key: hunguriweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguriyeyn
(Hunguriyeyn-ta)
Hunguri ka gelid; wax ka damcid; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyeyn
m.f.dh eeg hunguriyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurgumo yeelasho; calladhitaan; fasasitaan.