uumi bax
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Uumi bax
Evaporation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumibax
uumibax¹: m.dh (-xyo, m.dh) 1. (fiisikis) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiisikis) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.
uumibax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Hoore la kululeeyey qiiq bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uumibax
uumibax¹: m.dh (-xyo, m.dh) 1. (fiisikis) Isbedelka wejiga hoorku ku noqdo neef ama uumi. Uumibixinta waxay ku dhici kartaa heerkul kasta, dhakhsaheeduna wuxuu la kordhaa heerkulka. 2. (fiisikis) Dariiqadda walaxi isaga beddesho dareere isuguna beddesho heerka uumiga ama biyaha hawada ku jira.
uumibax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Hoore la kululeeyey qiiq bixid. m.f.dh, uumibixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uumibax
-a: (n) evaporation (i-vaapo-reey-shari), vaporization (veey-paraa-zeey-shiri)
uumibax: -ay / day: (v) vaporize (veey-pa-raayzf evaporate (i-vaa-po-reeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumibax
(fal) dareere, kulayl dartii uumi noqo.
uumibax-a: (magac, lab, keli) dareere, kulayl dartii karay oo uumi noqday.
uumibax-a: (magac, lab, keli) isbeddelka uu hoor iskugu beddelo neef, kul siyaado ah darteed. Uumibaxa baddu wuxuu isku beddelaa daruuro roob oo soo da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruur
daruur¹: m.l 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iyo wixi lamida sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur²: m.dh (-ro, m.l) Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
daruur³: m.dh (-ro, m.l) (fiisikis) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iyo wixi lamida.
daruur⁴: f.g1 (-ray, -rtay) Kabo, laammo iyo wixi lamida sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goob-milixeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daruur
daruur¹: m.dh (-ro, m.l) Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
daruur²: m.dh (-ro, m.l) (fiisikis) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobmilixeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Evaporation
Uumi bax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
evaporation
/ivaporeyshan/ (n) uumi-bax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fad
(fal) wax oggolow. Dh: doon. Li: diid.
fad -ka: (magac, lab, keli) xay cad ee cirka ku laalan oo ka samaysma uumi baxa ay kaawiga cadceedu biyaha dhulka jiifa ku samayso. Fad ayuu maanta cirku leeyahay. Dh: daruur, madax, dhool.
fad-ka: (magac, lab, keli) cad ama qayb ka mid ha walax. Fad weyn oo xabxab ah ayuu qaatay. Dh: fud, cad, jab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobmilixeed
-da: (magac, dhedig, keli) god, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku bax
v. cost; spend on
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Uumi-ga
enfumé.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumiyaw
-ga: (magac, lab, keli) biyo kulayl dartii karay oo uumi noqda.
uumiyaw: (fal) kulayl dartii, kar oo uumi noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulbax
(Ummulbax-a)
Naag dhashay oo afartan maalmood u dhammaato; afartanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbax
ummulbax¹: m.l Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummulbax
ummulbax¹: m.l Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho. m.f.dh, ummulbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulbax
v., [compound] emerge from the period of seclusion after childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulbax
(fal) ummulitaankaaga ka dib, afartanbax.
ummulbax -a: (magac, lab, keli) dhammaadka afartanka casho ee ka danbaysa ummulitaanka hooyada. Dh: afartanbax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulbax
de: emerge from the period of seclusion after childbirth
initial: u
lx: ummulbax
nt: usually with feminine gender agreement
pd: (ummulbaxay)
ps: v1=cmp
key: ummulbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminbax
ąamminbax: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ka ąa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aamminbax
ąamminbax: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ka ąa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin. m.f.dh., ąamminbixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aamminbax
-ay day: (v) [with preposition ka] mistrust (mis tarast); lack of trust or confidence aamminid la'aan, aammindarro. —la aamminikaro: (adj) trustworthy (tarast woor thi); reliable (ri laayabal) lagu kalsoonaan karo. Ex: Cali waa nin la aamminikaro; Ali is a trustworthy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamminbax
-a: (magac, lab, keli) kalsooni la'aan iyo iskuhallayn la'aan. Dh: aammindarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buushabax
-a: (magac, lab, keli) eeg buunshabbax.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
jump ball
wada boodid kubadeed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Jump ball
u tuuris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumibixid
m.f.dh eeg uumibax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumibixid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere kulayl dartii karay, uumi noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiirad
m.l la-mid: uusmiirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiirad
-ka: (magac, lab, keli) uuska biyo ka miirad oo cabbid. Dh: uusmiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiiran
uusmiiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax la uusmiiray noqosho.
uusmiiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la uusmiiray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumi saarid
m.dh (botani)Biyo lunka dhirta kaas oo ay ku sii daayaan gibilka. Biyo lunku badanaa wuxuu ka dhacaa caleemaha iyaga oo ka baxaya daloolada istomaataha, kaasi oo shaqadiisa ugu weyni tahay isdhaafsiga neefaha.