uubatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubatee
f.mg2 (-teeyay, -teysay) 1. Sida uubatada u ciyid. 2. Qaylo dheer cid maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatee
(fal) qaylo dheer samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uubatee
de: howl
initial: u
lx: uubatee
pd: (uubateeyey)
ps: v2b=
key: uubatee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunbatee
(fal) eeg uubatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ormee
(fal) uubatee oo qayli. Ormee hadaad dad waydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayli
(fal) afka waax oo aad u dhawaaq; cod dheer oo qaylo ah samee. Hadduu cadow dawga kuu joogsado qayli. Dh: uubatee.
qayli: (fal) farriin dir oo in laquu yimaad codso Ninku waa sankaraade dadka ugu qayli. Dh: yeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uubateyn
(Uubateyn-ta)
Sida uubato u dhawaaqid; qaylo dheer samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubateyn
m.f.dh eeg uubatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer ka kacid; uubato samayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUBATE
(Gubate) N Atriplex farinosa Forsk. Chenopodiaceae..
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ubaxee
-yey / ubaxeysay: (v) bear a flower; bloom (buluum) ~ ubxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uubato
(Uubata-da)
Bahal eeyga u eg; yeey; uu'leey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uubato
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uubato
m.dh.u (-ooyin, m.l) 1. Bahal eeyga u eg: yey; yeey; uuley. 2. Qaylo dheer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uubato
-uubatada: (n) wolf (woolf) ~ yeey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubato
-da: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer oo lagu jiido.
uubato-da: (magac, dhedig, keli) bahal u eg ey oo kooxkoox isu raaca oo laayaan ah. Ilbidhiqsi baa uubatadu ku leeftaa neefka. Dh: yey, uuleey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uubato
de: wolf, wild dog, jackal
initial: u
lx: uubato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: uubato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatay
(fal) qaylo dheer same; uubato samay, u qayli sida uubatada. Colka ha la innaga soo gaadhee, uubatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumitee
f.g2 (-tgeeyay, -teysay) Hilib uumito ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumitee
(fal) hilib uumito ka dhig oo huuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Cid dubaaqo gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqee
(fal) cid kale, foorado gaadhsii. Turubka badi oo dubaaqee.
dubaaqee: (fal) cid kale, nabar adag madaxa kaga dhufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. la-mid: muunee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid sharfid ama xurmayn. 2. Wax qeymo u yeelid. m.f.dh, muunadayn. la-mid: muunee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunadee
v. honor ~ dignify someone; raise something in value; beautify, decorate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunadee
(fal) midabyo qurxoon u samee. Dermada muunadee. Dh: muunaday, naqshadee.
muunadee: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee. Waalidku kolkuu kuu yimaad muunadee. Dh: muunaday, xurmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunadee
de: honor ~ dignify s.o.; raise s.t. in value; beautify, decorate
lx: muunadee
pd: (muunadeeyey)
ps: v2b=tr
key: muunadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax nuurad marin. la-mid: nuuriyadee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nuuradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax nuurad marin. m.f.dh, nuuradayn. la-mid: nuuriyadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuradee
v. whitewash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuradee
(fal) nuurad mari oo ku caddee. li nuuradee gidaarka. Dh: nuuraday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuradee
de: whitewash s.t.
lx: nuuradee
pd: (nuuradeeyey)
ps: v2b=tr
key: nuuradee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbatee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Cayaar turub hal mar wada helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbatee
(fal) cayaar turub hal mar wada helid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sunbathe
/san beyth/ sun bather; (v) cad-ceedda isu-dhigid (qorraxaysasho).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuradee
v. identify ~ describe (lost animal by its markings)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuradee
a: suuradi (suuradiyey) [v2a=tr]
de: identify ~ describe (lost animal by its markings)
initial: s
lx: suuradee
pd: (suuradeeyey)
ps: v2b=tr
key: suuradee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unabated
/anabeytidh/ (adj) aan isdhimin (aan quwad jabin).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
unbeaten
aan laga adkaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uubato samayn; qaylo dheer ka kicid. Uubatayntii halyayga waa la wada maqlayay xalay Dh: uubadtays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatays
-ka: (magac, lab, keli) sida uubato u qalis. Dh: uubatayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
subalterne
subalterne, adj. - hooseeya; ka hooseeya; qofka qof kale ka hoos shaqeeya
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bate
v.tr., (lessen) dhin, iga dhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-atee
de: suppose you do / she does (X)
lx: -atee
ps: v3-2sg/3f-pot
key: -atee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abate
/abeyt/abates, abated; (v) 1. yaraato ama gudho. e.g. My illness abated a little. (v) 2. joojin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abate
v.tr., din, hoosaysii, jooji, yaray, yaraysii, ganac jebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacee
(fal) eeg bacay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bathe
/baath/ (v) 1. biyo isku shubid (qubeysasho) (v) 2. dabaalasho (biyo dhex-gelid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bathe
/beeyth/ (v) 1. kordhighythow. 2. dabaallythow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bathe
v.i., muquuri, badda biyaha kusoo qaboojiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futee
(fal) eeg futay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubte
m.l Waxyaaba dhaqso u holca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gubte
m.l Waxyaaba dhaqso u holca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubte
m. n. flammable ~ combustible substance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubte
de: flammable ~ combustible substance Opp: magubte
lx: gubte
pd: (-ha)
ps: n-m
key: gubte
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin. m.f.dh, hubayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubee
v. arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubee
-yey / hubeysay: (v) equip with weapons; arm (aarrn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubee
(fal) cid kale, hub dagaal sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubee
de: arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
lx: hubee
pd: (hubeeyey)
ps: v2b=tr
key: hubee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. la-mid: qabee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. m.f.dh, qubayn. la-mid: qabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Wax meel dhoobid. 2. Xoolo badan meel marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubee
(fal) waddo ka dhig; marin u samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubad
-ka: (magac, lab, keli) meel daloosha hoos u gelid; uub ku dhicid. Uubadka dhooqada wuu ku jabaa geelu. Dh: ruubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uulee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Qaylo dheer samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uulee
(fal) ku celceli codka 'uu' oo gurmad lagu doonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uulee
de: howl, wail; ululate (outcry from sadness, pain or joy)
initial: u
lx: uulee
pd: (uuleeyey)
ps: v2b=intr
key: uulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin. m.f.dh, uurayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuree
-yey: (v) impregnate (im-perag-neeyt)-, inseminate (in-same-neeyt); cause to get pregnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuree
(fal) eeg uuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uuree
de: make pregnant
initial: u
lx: uuree
pd: (uureeyey)
ps: v2b=
key: uuree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aatee
de: suppose you are / so she may be ...
lx: -aatee
ps: v5a-2sg/3f-pot
key: -aatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatee
f.g2 (-teeyay, -taysay) la-mid: caataysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caatee
v. cause to lose weight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caatee
-yey /caataysay: (v) make someone thin or lose weight; diet (daayat) Ex: Xaawo way is caataysay; Hawa has dieted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatee
(fal) eeg caatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caatee
de: cause to lose weight
lx: caatee
pd: (caateeyey)
ps: v2b=
key: caatee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Wax cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuntee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Wax cunid. m.f.dh, cuntayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntee
(fal) eeg cuntay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curate
/kiyurit/ (n) kaaliye wadaad kaniisadeed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
debate
/dhibeyt/ (n) 1. dood (v) 2. doodid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Debate
Dood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dubbe ku garaacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dubbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dubbe ku garaacid. m.f.dh, dubbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubbee
v. hammer, work (metal), forge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubbee
-yey / dubbeysay: (v) hammer (hamer); beat (biit) with hammer ~ garaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubbee
(fal) xoog dubbe wax ugu garaac. Musbaarka dubbee oo afkiisana laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubbee
de: hammer, work (metal), forge
lx: dubbee
pd: (dubbeeyey)
ps: v2b=
key: dubbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubato
(Gubata-da)
1. Dhul ballaaran oo dab maray.
2. Dhul guban og oo weligi dab u halis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubato
m.dh 1. Cudur lo'da ku dhaca oo haragga ka guba. 2. la-mid: gubad (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubato
f. n., [collective] burnt land; parched, dry land
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubato
-gubatada: (n) large wild fire; conflagration (konflegareey-sheri)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubato
a: gubad
de: burnt land; parched, dry land
lx: gubato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gubato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huubee
(fal) huubaha ka dhabaandhab oo ka daadi. Dh: faaruqi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadee
(fal) neef irmaan gaaxqab ku lis oo cabbir caanihiisa; hadhuub ku sharrib neef xoolaad. Bal inay sidii hooyadeed madi tahay qaalinta ila ibaday: Dh: shirrab, ilaadi, ibadee.