uskagaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysi
-ga: (magac, lab, keli) uskag yeelasho: wasakh yeelasho. Dh: uskagaysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagays
-ka: (magac, lab, keli) uskag u yeelis; wasakh marmarin. Dh: uskagayn, wasakhays. Li: nadiifis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagayso
(fal) uskag iyo wasakh yeelo. Dh: wasakhayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysad
-ka: (magac, lab, keli) uskag iyo wasakh yeelasho.
uskagaysad -ka: (magac, lab, keli) wax nadiif ahaa, uskag marsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysan
(tilmaame) wax wisikh leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagay
(fal) uskag u yeel; uskag gaadhsii. Dh: wisikhay, wasakhay. Li: nadiifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskagayn
(Uskagayn-ta)
Uskag u yeelid, uskag gaarsiin; wasakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagayn
m.f.dh eeg uskagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uskag u yeelid; wasakh gaadhsiin. Dh: wasakhayn, wisikhayn. Li: nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysi
m.l la-mid: xasaagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaysi
-ga: (magac, lab, keli) moogaysi; meertaysi; kaltan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysi
(Kaxaysi-ga)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysi
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg kaxaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysi
-ga: (magac, lab, keli) safaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaw
(fal) uskag yeelo oo wisikhow; mid uskag leh ahaw. Dh: wasakhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysi
(Xagaysi-ga)
Xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysi
m.l la-mid: xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysi
-ga: (magac, lab, keli) xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaysi
-ga: (magac, lab, keli) cod baxaya, dhegta la raacid oo wax la leeyahay in la maqlo isku taxallujin. Dh: dhegadhegayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysi
-ga: (magac, lab, keli) shanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysi
(Shaqaysi-ga)
Shaqaysasho; xoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysi
m.l la-mid: shaqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysasho: xoogsasho; shaqaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigaysi
vl. n. masturbation, act of masturbating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigaysi
-ga: (n) masturbation (master-beey-shin) ~ seegaysi, seego
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigaysi
de: masturbation, act of masturbating {C & S}
initial: s
lx: siigaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: siigaysi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siigaysi
العادَةَ السِّرِّيَّة، اسْتِمْنَاء
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
svagarsi
v.rifl. - baashaalid, madadaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxaysi
m.l la-mid: ubaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ubaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca. la-mid: isbahaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahaysi
m.l Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida oo sokeeye ahaan isku raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbahaysi
m. n., [compound] treaty of alliance; kinship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbahaysi
-ga: (n) alliance (allaayansiy, coalition (koelishin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbahaysi
-ga: (magac, lab, keli) urur ama xulafo ku salaysan dhalasho ama fikir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbahaysi
de: treaty of alliance; kinship
lx: isbahaysi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) ugaas yeelasho; ugaas samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uskag iyo wasakh yeelasho. Dh: wasakhaysasho, wisikhaysad uskagaysad, uskagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg isdhegaysad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isla-haysi
Coherence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafaysi
-ga: (n) elopement (ilowpmenf) ~ see also masaafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro ugaarsi; sagaaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uskagoobid
(Uskagoobid-da)
Uskag yeelasho; uskag noqosho; wasakhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uskagoobid
m.f.dh eeg uskagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagoobid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag yeelasho, noqosho; wasakhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarragaysi
-ga: (magac, lab, keli) gardarro iyo xadgudub cid ku dayid. Dh: daandaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagayso
f.g3 (-stay, -satay) Gocasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusullaysi
(Xusullaysi-ga)
Dangiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusullaysi
m.l la-mid: xusullaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusullaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhinac loo jiifo oo xusulka dhulka lagu muto. Xusullaysi ayaan ku casheeyey. Dh: jiqilaysi, dangiigsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isku agaasim
-ay I tay: (v) bring order into; organise; systematise ~ isku agaasin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushaqaysiin
vl. n., [compound] exploitation, putting to work
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushaqaysiin
de: exploitation, putting to work
lx: kushaqaysiin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
see: shaqo; iskukornoolaan
key: kushaqaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsi
-ga: (magac, lab, keli) agab urursi; qalab diyaarsi. Weli aqalkii uma wareegine agabsi uun baan ku jirnaa. Dh: agab'urursi.
agabsi-ga: (magac, lab, keli) waxtar ka doonis; ku ciirsasho; ku eerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid agagse siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaasi
m.l.kh A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. la-mid: aasaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan laga taggi karin oo lagamamaarmaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaga
pron. and preposition: oneself ... from / using (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaga
de: oneself ... from / using (X)
lx: iskaga
ps: pro + prep
xe: They defended themselves from the soldiers with clubs.
xv: Askarta bur bey iskaga celiyeen.
key: iskaga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsi
(Kaadsi-ga)
Kaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsi
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsi
-ga: (magac, lab, keli) u fiirsi iyo degdeg la'aan marka hawl la qabanayo ama arrin lagu dhaqaaqayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho. m.f.dh, kaaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saadsi
(Saadsi-ga)
Saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadsi
m.l la-mid: saadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadsi
-ga: (magac, lab, keli) jeclaysasho.
saadsi -ga: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalad, dhiciddooda u yeedhad. Dh: saadsaho, saadsad,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safays
-ka: (magac, lab, keli) eeg safayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salays
m.l la-mid: salayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salays
-ka: (magac, lab, keli) sal u yeelid; salayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samays
(Samays-ka)
1. Wax qabashada wax la qabanayo.
2. Meelaha wax lagu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samays
m.l (-syo, m.dh) 1. Nooc dermooyinka ka mid ah. 2. la-mid: samayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samays
-ka: (magac, lab, keli) eeg samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax qadhmuun ka dhigasho. Ku maad ku xumaynaysa wax ufaysigan badheedhka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagays
-ta: (magac, dhedig, keli) xag qudha neef irmaan ka maalid. Hadduu sucu naasaha dhinac la'yahay xagays ayaa lagu maalaa.
xagays-ta: (magac, dhedig, keli) dhan qudha qof kula legdamid ama labada gacmood midba nin kula qabasho. Ninkaan xagays ku ledgay miyuu iska kay celin karaa. Dh: xagayn, xagagelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkaysi
(Adkaysi-ga)
Hawl, dhibaato, xanuun, dhabar-adayg u lahaansho; dulqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daawo) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysi
adkaysi¹: m.l 1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. Tusaale: Afeef hore lahaw ama adkaysi dambe. 2. la-mid: adkaysasho.
adkaysi²: m.l (daaw.) Awoodda difaaca jirka: waa cabbir adkeysanka jirka uu cudurrada u yeelan karo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
adkaysi
endurance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adkaysi
vl. n. endurance, patience, tolerance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adkaysi
-adkaystay / adkaysatay: (v) endure (indhuur); resist (risiizt); endure something with tolerance and patience.
ku adkayso - adkastay / adkaysatay: (v) persist (persiist); insist (insiisf); refuse to yield. Ex: waxuu ku adkaystay inuusan arag; he insisted, that he had not seen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg adkaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adkaysi
de: endurance, patience, tolerance
lx: adkaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: adkaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg agagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsi
m.l la-mid: asaagsasho.