urursani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursani
-da: (magac, dhedig, keli) wax urursan ahaan; wax meel ku wada sugan ahaan. Urursani ayaa loogu duceeyay ummadda. Dh: urursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urursan
Aan kala firirsanayn; meel wada jooga; shirsan; uruursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursan
urursan¹: f.mg1 (-amay, -antay) Wax la ururiyay noqosho. la-mid: urur4.
urursan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la ururiyey ahaansho. 2. Wax aan kala daadsanayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urursan
urursan¹: f.mg1 (-amay, -antay) Wax la ururiyay noqosho. m.f.dh, urursamid. la-mid: urur.
urursan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la ururiyey ahaansho. 2. Wax aan kala daadsanayn ahaansho. m.f.dh, urursanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urursan
der. [adjective] assembled, gathered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
urursan
-aa / ayd: (adj) collective (ko-lek-tiv); united (yu-naaytid), organized (or-ga-naay-zid); arranged (a-reeynjid) ~ wadajira, nidaamsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursan
(tilmaame) meel ku xoonsan oo isugu wada yimi. Li: filiqsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
urursan
de: assembled, gathered
initial: u
lx: urursan
ps: adj-der
key: urursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursani
-da: (magac, dhedig, keli) burbursanaansho ku jirid sida dhisme ama maamul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel ku wada sugan ahaansho; wax urursan ahaansho. Urursanaanshaha qoyska ka shaqay weligaa. Dh: urursani. Li: filiqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsani
-da: (magac, dhedig, keli) aad u qurux badaan. Dh: qurxooni. Li: foolxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursamid
m.f.dh la-mid: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku soo ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursanaw
(fal) wax urusan ahaw; meel ku wada sugnaw. Urursanaw baa dhaanta filiqsanaw. Li: filiqsanaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel isugu wada keenasho. Urursi buu weli ku jiraa inlayn waa diifaysan yahay ee. Dh: urusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho. m.f.dh, uursamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arursan
(tilmaame) wax meel la isugu keenay. Qashinka arursan gub. Dh: baahsan, firdhisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursad
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baahsan ama kala firidhsan soo urursasho.
urursad -ka: (magac, lab, keli) wax meel isugu wada keenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursami
m.dh Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uursami
m.dh Dabci wanaagsan oo qof leeyahay oo u diida in uu xumaan uurka ku hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uursami
-da: (magac, dhedig, keli) caloolxaadhni; aan uurka xumaan lahayn. Dh: uursamaan. Li: uurxumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax bururay ahaansho. 2. la-mid: burbursan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burursan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax bururay ahaansho. 2. la-mid: burbursan. m.f.dh, burursanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burursan
der. [adjective] crushed, crumbled, shattered, broken, destroyed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burursan
-aa / ayd: (adj) deliriant (diliiriyant); uncontrolled excitement or emotion; frenzied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursan
(tilmaame) kala bashaaqsan oo kala daadsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burursan
a: burbursan
de: crushed, crumbled, shattered, broken, destroyed
lx: burursan
pd: (burursanaa)
ps: adj-der
key: burursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuursani
-da: (magac, dhedig, keli) fuursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: aruursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursanaan
m.dh eeg urursan². la-mid: aruursanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ku wada sugnaan. Urursanaan baa wax lagu qaban karaa oo keli ah. Li: filiqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax bararsan oo caabuqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burbursan
La burburshey; jajaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursan
burbursan¹: m.l.kh B. ah: caanaha lo'da ama ariga markay fariistaan.
burbursan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la burburiyey ahaansho. la-mid: burursan (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burbursan
der. [adjective] crumbled, crushed, broken, destroyed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burbursan
-aa / ayd: (adj) destroyed (distarooyidh); smashed (ismaashidh); broken (barooken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursan
(tilmaame) wax jajaban oo kala daadsan. Baro burbursan ubad kuma barbaaro.
burbursan: (tilmaame) qof muxubbo la jibbaysan. Sheekho wuu burbursan yahay ka durka. Dh: muxubbaysan, qiiraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burbursan
de: crumbled, crushed, broken, destroyed
lx: burbursan
pd: (burbursanaa)
ps: adj-der
key: burbursan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MURUGSANE
(Murugsane) N Psiadia punctulata (DC.)Vatke. Compositae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murursade
nickname-m angry, resentful, sulking; repentance, regret
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurqursan
f.mg4 (-naa, -nayd) U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quruxsami
(Quruxsami-da)
Qurux badan lahaan; quruxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quruxsami
m.dh 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quruxsami
f. n., [abstract] great beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quruxsami
-da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
quruxsami -da: (magac, dhedig, keli) bilicda ay wax leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quruxsami
de: great beauty
lx: quruxsami
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: quruxsami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursasho
m.f.dh eeg ururso. la-mid: aruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel isugu wada keenasho; meel waxaaga ka wada qaadasho. Dh: isukeensad, isugeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursan
(tilmaame) wax yuurara ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursanaan
m.f.dh eeg burursan. la-mid: burursanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax burursan oo kala bashaaqsan ahaan. Muuska burursanaan laguma cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursanaan
m.dh la-mid: aruursanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. la-mid: aruuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. m.f.dh, ururin. la-mid: aruuri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururi
v. collect, gather, cause to assemble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururi
-yey / say: (v) gather together; bring together; collect (ko-lakti); pick up (pik ap)~aruuri Ex: uruuri koobka jajabay; pick up the broken pieces of glass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururi
(fal) wax kala daadsan meel isugu keen. Abaadirow, soo ururi caashaqa!
ururi: (fal) wax kala daadsan ama kala fog, meel isugu keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururi
de: collect, gather, cause to assemble
initial: u
lx: ururi
pd: (ururiyey)
ps: v2a=tr
key: ururi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusan
Isagu ma (diiddo), sida: isagu ma iman — ma uusan iman; aanu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusan
(magacuyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo diidmo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uusan
a: aanu
de: he ... not = uu + -se + aan 'not'
initial: u
lx: uusan
ps: vpro + neg
xe: He will give you the money that he didnt send.
xv: Lacagta uusan soo dirin buu ku siin doonaa.
key: uusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arursi
-ga: (magac, lab, keli) wax kala baahsanaa, meel ku urusad. Dh: urursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hursan
(dab) La huriyey; shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la huriyey ahaansho (dab).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hursan
der. [adjective] kindled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hursan
-aa: (adj) stoked (istookidh); ignited (ignaaytid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hursan
(tilmaame) dab la huriyey ama shidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hursan
de: kindled
lx: hursan
pd: (hursanaa)
ps: adj-der
key: hursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsan
(tilmaame) geed iyo wixii la mid ah oo fuqsan. Geedka ruqsan dib u abaqaal. Dh: rujisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ururin
(Ururin-ta)
Isu geyn; isu keenid; uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururin
m.f.dh eeg ururi. la-mid: aruurin, ururis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururin
vl. n. gathering, collecting, collection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururin
-ta: (n) collection (ko-lek-shan); receiving (ri-siiv-ing) ~ururis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ururin
Collezione
Collection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, alaab iyo wax la mid ah oo kala daadsan meelo ka soo qaadqaadid oo isku keenid. Ururinta alaabta aan ku horraynno Dh: isugeyn, isukeenid, ururis, uruurin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururin
de: gathering, collecting, collection
initial: u
lx: ururin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: ururin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ururin
تجميع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala firirsan meel isugu keensasho. la-mid: aruurso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ururso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala firirsan meel isugu keensasho. m.f.dh, urursasho. la-mid: aruurso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururso
v. collect, gather (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururso
(fal) wax kala filiqsanaa, meel isugu wada keeno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururso
de: collect, gather (for oneself)
initial: u
lx: ururso
pd: (urursaday)
ps: v3a=
key: ururso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho. m.f.dh, uunsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: affuran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afursan
(tilmaan) mid afuray oo wixii uu soon ku jabayay sameeyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg burursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid dudmo ku maqan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsani
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax meeshii uu ku yiil laga rujiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuursan
Wax fuurey noqday; dibbirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuursan
fųursan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fuurey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuursan
fųursan: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fuurey ahaansho. m.f.dh, fųursanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuursan
der. [adjective] blown up, dilated, inflated, swollen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuursan
-aa / ayd: (adj) swollen (iswoolan); inflated (in faleey-tidh); bloated (balootidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuursan
(tilmaame) wax bakhtiyay oo nakhas galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuursan
de: blown up, dilated, inflated, swollen
lx: fuursan
pd: (fuursanaa)
ps: adj-der
key: fuursan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gurranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huursan
La huuriyey; meel huur ah jooga ama la dhigay.