ursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursasho
(Ursasha-da)
Sanka wax u dhoweyn ama saarid, si urkiisa loo garto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursasho
m.f.dh eeg urso. la-mid: ursad, ursi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ursasho
vl. n. act of smelling; sense of smell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ursasho
-ursashada: (n) the act of smelling or sniffing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursasho
-da: (magac, dhedig, keli) sanka wax ku dhowayn si aad ur u dareentid. Ursashada cuntadu waa caado xun oo laga yaqyaaqsado. Dh: ursi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ursasho
de: act of smelling; sense of smell
initial: u
lx: ursasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bursasho
(Bursasha-da)
Buro ama dheeri qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursasho
m.f.dh eeg burso. la-mid: bursad, bursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheeri qaadasho. Bursasho iyo booli toona weligay ma cunin. bursasho-da: (magac, dhedig, keli) xawayaan ama dad oo cabsi awgeed cararaya ka daba ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fursasho
(Fursasha-da)
(ka fursasho) Iska deyn; ka maarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fursasho
m.f.dh eeg furso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fursasho
vl. n. doing without; unwanted object(s)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iska deyn; ka maarmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fursasho
de: doing without; [ext.] unwanted object(s) With preposition ka
lx: fursasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gursasho
m.f.dh eeg gurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gursasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo irmaanaa ama ceel biyo ku jireen oo is dhima ama yaraada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mursasho
m.f.dh eeg murso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursad
m.dh 1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. la-mid: ursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursi
m.l la-mid: ursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urso
f.g3 (-saday, -satay) Wax ur leh sanka saarasho. m.f.dh, ursasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sniff
/snif/ (v) 1. sanka neef ku soo jiidid sida qof cabbursan) 2. ursasho (sanka la raacid).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiutare
v.tr. - ursasho, urin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursad
-ka: (magac, lab, keli) eeg ursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursi
-ga: (magac, lab, keli) sanka wax u dhowayn si loo dareemo ur. Dh: ursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursasho
(Guursasha-da)
Qof kale guur isugu xirid; qof wax qaba ama la qabo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursasho
m.f.dh guurso. la-mid: guursad, guursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursasho
-da: (magac, dhedig, keli) guri iyo xaas yeelasho; reer yeelasho. Gaabsi guursashaa ka macaan. Dh: guursi, xaasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursasho
m.f.dh eeg huurso. la-mid: huursad, huursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax huursan ka dhigasho. Dh: huursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursasho
m.f.dh eeg muurso. la-mid: muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quursasho
(Quursasha-da)
Waxaan qiime weyn lahayn ka dhigid; iskala weynaansho; fududaysasho; yaraysasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quursasho
m.f.dh eeg quurso. la-mid: quursad, quursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quursasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale. yaraysasho. Dh: quurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, aad ugu baahasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursasho
m.f.dh eeg ururso. la-mid: aruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel isugu wada keenasho; meel waxaaga ka wada qaadasho. Dh: isukeensad, isugeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmasho
-da: (magac, dhedig, keli) u gurmashada cid dhib haysato. Burmasho haddaannu ka waynay bannaanka hannaga maraan. Dh: gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burqasho
(Burqasha-da)
Biyo ama wax la mid ah oo meeshay ku jireen inta ka bata, xoog ku soo baxa; butaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burqasho
m.f.dh eeg burqo. la-mid: burqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burqasho
vl. n. act of gushing out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burqasho
-burqashada: (n) a sudden outflow; gush (gaash); spout (ispaawt) -butaaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg burqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burqasho
de: act of gushing out
lx: burqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: burqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsasho
(Darsasha-da)
1. Weel biyo, kd., dhexgelin oo wax kaga qaadasho.
2. Soo (ama sii) xumaansho; ka soo (ama ka sii) darid; darsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsasho
m.f.dh eeg darso. la-mid: darsad, darsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsasho
-da: (magac, dhedig, keli) «u~ wax kuu roonaa, kuu fiicnaa, kuu naxariis badnaa oo aad jeclayd oo ka maqan u xiisoodkiisa. Dh: boholyow. Li: raysi.
darsasho-da: (magac, dhedig, keli) in ka qaadasho; fandhaal ama malqaacad cunto in yar kaga qaadad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirsasho
m.f.dh eeg dirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u dirid. Qofka yar ayaa dirashada ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudsasho
m.dh la-mid: didsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eryesho reerka la caymadsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsasho
(Dugsasha-da)
Gabbaad iyo dugsi dhaxanta celiya ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsasho
m.f.dh eeg dugso. la-mid: dugsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsasho
vl. n. act of taking shelter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dugsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsasho
a: dugsad (ka) [vn2-m]
de: act of taking shelter
lx: dugsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dugsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duxsasho
m.f.dh eeg duxso. la-mid: duxsad, duxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eersasho
(Eersasha-da)
Sabab u noqosho; ugu soo halrarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eersasho
m.f.dh eeg eerso. la-mid: eersad, eersi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eersasho
vl. n. state of being the cause, reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eersasho
-eersashaha: (n) the act of holding someone or something to blame or putting the blame on ~ eersi -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eersasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhacay oo aan wanaagsanayn, sabab u yeelid. Dh: eersad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eersasho
de: state of being the cause, reason
lx: eersasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: eersasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqsasho
(Fuqsasha-da)
Wax meel ku dhegsan xoog u soo goosasho; ruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqsasho
m.f.dh eeg fuqso. la-mid: fujisasho, fuqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax, meel ka soo fuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmasho
m.f.dh eeg furmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhnaa furasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxasho
m.dh la-mid: furxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxasho
-da: (magac, dhedig, keli) baqdin darteed la baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsasho
m.f.dh eeg garso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxasho
m.f.dh eeg gurxo. la-mid: gurxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsasho
(Harsasha-da)
Kulaylka qorraxda meel hoos ah ka gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsasho
m.f.dh eeg harso. la-mid: harsad, harsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh ah ama hoos leh, joogsad. Dh: hadhsi, harsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsasho
(Hubsasha-da)
Hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsasho
m.f.dh eeg hubso. la-mid: hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubsasho
vl. n. investigation, verification; act of ascertaining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsasho
-hubsashada: (n) freedom from doubt; the act of verifying; verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan-foor-meey-shin) ~ hubsiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubsad; hubin, hubsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubsasho
a: hubsad (ka) [vn2-m]
de: investigation, verification; act of ascertaining
lx: hubsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hubsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugsasho
m.f.dh la-mid: hugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsasho
(Jirsasha-da)
Roob meel ka gelid; okorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsasho
m.f.dh eeg jirso. la-mid: jirsad, jirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) jir roobaad dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsasho
m.f.dh eeg karso. la-mid: karsad, karsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsasho
(Korsasha-da)
Dad ama xoolo (badanaa yaryar) dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsasho
m.f.dh eeg korso. la-mid: korsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo da' yar barbaarsasho. Dh: korsad.