ureed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ureed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ureed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ureed
-ka: (magac, lab, keli) wax ur la xidhiidha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kureed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax godgod leh oo lagu garaaco marka dhigaha la sameynayo. Dh: caali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reed
m.dh (-do, m.l) Dhinac; gees; baal; dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reed
f. n., loc. side, flank
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reed
de: side, flank
lx: reed
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
syn: dhinac, hareer {S}
key: reed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
reed
n., dur, -ki, -ti; a white reed, caws salool, -ki, jarac, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
breed
/biriidh/breeding; (v) 1. taran, tarmid, dhalidda badan.(v) 2. xannaanayn (barbaarin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
breed
/briidh/ (v) tarymow (hoola maddi bathythaang).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
breed
v.tr., (produce) yeelo, dhal; that child is cutting teeth, inanka ilkihiisii baa usoo baxaya; (bring up) kori.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
creed
/kriidh/ (n) caqiido, iimaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
creed
n., (faith) aamin, -ki, aaminaad, -di; (rule of faith) qaynuunka aaminaadda; the Apostles' Creed, qaynuunka rasuulyada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
greed
/griidh/ (n) damac, hunguri-weyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UREEY
(Urei) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory
Ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory bulb
Badhi ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory cells
Unugyo ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory epithelium
Ibitiiliyam ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory nerve
Dareen wade ureed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kureedo
-da: (magac, dhedig, keli) suuqada dumarku dhagaha ku qaadto mid ka mid ah. Caasha kureedo wanaagsan ayey soo iibsatay Dh: wasaaqyo, hilqado. Wa: kureedooyin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
agreed
a.; it is agreed, lagu heshii.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ARYEED
Asparagus africanus 01
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curled
a., maroorsan, soohan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cursed
a., habaaran, habaar qaba, inkaaran, inkaar qaba, naclad qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duleed
(Duleed-ka)
Dhabar; gadaal; dibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duleed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleed
m. n. back (side), end; complement {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleed
-ka: (n) side (saaydh); outside (awt-saaydh)-, lee side (lii-saaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleed
(tilmaame) wax guud; si guud.
duleed -ka: (magac, lab, keli) reerka agagaarkiisa, meel aan aqallada ka durugsanayn. Dh: kambal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleed
de: back (side), end; [ext.] complement {mathematics}
lx: duleed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: duleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureer
dureer¹: m.l la-mid: dareerid.
dureer²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: dareer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gareed
m.l Midabka fiilka iyo caddaanka u dhexeeya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
greedy
/griidhi/ (adj) damaaci, hunguri-weyn, dhuuni.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
greedy
(see glutton and gluttony).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudeed
Internal
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudeed
Interior
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareed
m. n. side-burns; whiskers (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareed
-ka: (n) sideburns (saaydhbuurnis)-, whiskers (wiskeris) ~ harreed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareed
-ka: (magac, lab, keli) timaha isku xidha gadhka iyo kuwa dhafoorka ee madaxa ka yimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareed
de: side-burns; whiskers (of an animal)
lx: hareed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: harreed
key: hareed
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kugeed
Azimuthal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sureer
pr. n., [feminine] Sureer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sureer
name-f tall and proportional; sweet, honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sureer
magac loo baxsho gabadh dherar iyo qaab wacan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sureer
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah baldhannada dharka lagu xirto gaar ahaan shaadhka. Sureer baa ka go'ay shaadhkii cusbaa Dh: guluus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sureer
de: Sureer {C}
initial: s
lx: Sureer
ps: name-f
key: Sureer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u jeed
v. see, know, understand
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u reeb
v. save, leave (a portion) for someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_jeed
de: see, know, understand
initial: u
lx: u jeed
pd: (jeeday)
ps: v1=expr
xe: I dont see how I can get out of (this situation).
xv: Si aan uga baxona uma aan jeedo.
key: u_jeed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_reeb
de: save, leave (a portion) for s.o.
initial: u
lx: u reeb
pd: (reebay)
ps: v1=expr
key: u_reeb
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ureter
Lise
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
ureter
(n) the tube that carries fluid from the kidney to the bladder,
kaadi mareenka, ka yimaada kelyaha ee taga kaadi haysta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xareed
(Xareed-da)
Biyaha roobka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareed
m.dh 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xareed
m.dh 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xareed
name: Hared
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareed
f. n., (mass n.): rainwater
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xareed
name-m rainwater; sweet as rainwater; the one whose parents felt happiness upon his normal birth. Syn: Xareedo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xareed
-da: (n) rainwater (reeyn-wo- ter), spring water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xareed
magac loo bixiyo wiil dhasha xilli roob da'ayo ama xaareeddu ceegaagto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareed
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha roobka con la tarrixin oo cusub. Adoo degganaa abaar; marbuu dirir kuu da'aayoo; daruuruhu kuu curtaanood; xareed ku dabbaalataa. Dh: ajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yareed
n. phr., genetive: the little one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yareed
de: the little one
initial: y
lx: yareed
ps: np-gen
key: yareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureerid
m.dh la-mid: dareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kureeddo
(Kureedda-da)
(magac kooxeed; keli: kureed) suuqadda dumarku dhegaha ku qaato jaad kamid ah; dhego; hilqado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kureeddo
m.dh.u Suuqada haweenku dhegaha ku qaataan jaad ka mid ah; dhego; hilgado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kureeddo
f. n., [collective] earrings
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kureeddo
de: earrings
lx: kureeddo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
syn: dhego
key: kureeddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareed
m.l Xerada ariga aaggeeda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Yurubeed
(adj) European (yu-ru-piyan)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eed
Eed — (Eed-da)
1. Xaal; arrin; xaajo; gar.
2. Gaboodfal; gef; denbi.
-eed
Waxay ka dabadhacdaa magaacyada qaarkood, ulajeeddo lahaaneedna u yeeshaa; (alaabo carruur-eed; askar Soomaaliy-eed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eed
eed¹: m.dh (-do, m.l) 1. Denbi cid uusan ku caddayn lagu soo oogey. 2. Gef; denbi.
eed²: f.g1 (-day, -dday) Fal, arrin iyo wixi lamida samayntooda natiijo xun kala kulmid. m.f.dh, eedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eed
v. blame, accuse; repent, regret, lament
eed [feminine] n. accusation, blame; reason, cause; fault, guilt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eed
-da: (n) allegation (ala-geey-shin); blame (baleeym); fault, guilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eed
(fal) qalad ad horay u gashay cidhibtiisa xambaaro oo ka qoomammee ama ku guuldarrayso. Dh: aalo.
eed: dabakar magacyada xagga danbe kaga darsama kolka cid loo aanaynayo ama loo tiirinayo Arrin dawladeed iyo indho qudhaanjeed, midna lama arko.
eed -da: (magac, dhedig, keli) cambaarayn gef iyo denbi xanbaarsan. Gaboobe Senge wuxu yidhi 'Eed geel laga wadaan waayay!' Dh: gaboodfal, denbi, canbaarayn, gef. Wa: eedo.
eed -da: (magac, dhedig, keli) xaal iyo arrin loo fadhiyo; xaajo iyo gar la naqayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
red
/redh/ (n) guduud (casaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
red
a., cas, guduud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ree
v. win, beat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ree
(fal) libin gaadh, cid ka badi. Dh: libayso, jebi, guulayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ree
de: win, beat
lx: ree
pd: (reeyey)
ps: v2b=
key: ree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
URE
(Ure) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ure
-ha: (magac, lab, keli) wax ur leh; wax ura. Ure la ma jecla oo waa la karhaa. Dh: qadhmuune.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-eed
(suffix) [-al] of, relating to, or characterized by: Ex: goboleed; regional
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beed
m.l.u Ukun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beed
m. n. egg (of chicken)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beed
-ka: (magac, lab, keli) walax dusha qolof kaga dahaadhantahay hoostana nololi kaga jirto, ugxanta aan dillaacin digaagadda iyo waxii la mid ah. Dh: ukun, unfax, naalo.
beed-da: (magac, dhedig, keli) eeg bayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beed
bw: ukun, unfax
de: egg (of chicken)
lx: beed
pd: (-ka Pl: beedad (ka))
ps: n4-m-enum, n2-m
syn: ugax;
key: beed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceed
m.l la-mid: cayd.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
deed
/dhiidh/ (n) 1. fal (camal) e.g. a good deed (n) 2. warqada lahaanshaha dhul ama dhismo (subbar-loogo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deed
n., (action) falniin, -ki, or -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ered
m.l (-dyo, m.dh) Awood qofka Eebbe siiyo oo habaarkiisa iyo ducadiisuba kacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feed
m.dh Dhul sare oo fidsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
feed
/fiidh/ (v) 1. quudin, raashin-siin (v) 2. siin, gaarsiin (n) 3. quud, cunto.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
feed
n., (food) soor, -ti, sabbar, -ki, sooryo, -adi, masruuf or musruuf, -ki; v.tr., soor, sabbar, sabbaro; feed the cattle, daaqgee, daji; feed your family, masruuf; v.i., he lives on fruits, midho buu ku noolyahay; he lives like a Somali, sida dadka Soomaaliyeed buu u cunaa.